Tallaabooyinka hadda iyo xaddidaadaha ee ku saabsan COVID-19

Tallaabooyinka hadda iyo xaddidaadaha ee ku saabsan COVID-19

Taariikhda: 03.03.2022

Sida ku cad wareegtada Wasaarada Arrimaha Gudaha, tallaabooyinka la soo bandhigay si loola dagaallamo fiditaanka COVID-19 ayaa dib loo eegay laga bilaabo 03 Maarso 2022. Dib-u-eegisyadani waxay saameysay tallaabooyinkii horay loo soo bandhigay oo ku saabsan shuruudaha af-xidhka ee goobaha dadweynaha, isticmaalka lambarka baaq sireedka HES, iyo shuruudaha lagu bixiyo natiijada baaritaanka ee marka waxbo weyso PCR-ga.

 Laga bilaabo 03 Maarso 2022, loogama baahna in la bixiyo baaq sireedka HES ama in la bixiyo natiijada baaritaanka waayista ah ee PCR-ga si loo galo meelaha iyo adeegyada dadweynaha. Shuruuda xirashada af-xidhka ayaa sidoo kale laga qaaday meelaha bannaan, goobaha dadweynaha, iyo sidoo kale meelaha xiran ee sida habboon looga arki karo kala fogaanshaha bulshada iyo meelaha ay jiraan xaalado hawo-qaadasho habboon.

Ilaa inta go’aan cusub laga soo saarayo, amarka af-xidhka waxa uu ku sii socon doonaa in laga dhaqan geliyo meelo xidhan oo aanay suurtagal ahayn in lagu dhaqmo kala fogaanshiyaha bulshada sida dugsiyada, isbitaalada, shineemooyinka, tiyaatarada, iyo dhamaan noocyada gaadiidka dadwaynaha (ay ku jiraan gaadiidka magaalada dhexmara) sida basaska, caasiyada, basaska yaryar, tareenada, tareenada dhulka hoostiisa mara, doomaha iyo diyaaradaha. 

Looma baahna in la bixiyo lambarka baaq sireedka HES si loo galo xarumaha dukaamaysiga, tiyaatarada iyo/ama gaadiidka dadweynaha sida basaska, tareenada iyo diyaaradaha.

 Xaaladaha ay ka mid yihiin ku safridda diyaaradda, dadka aan weli la tallaalin ama aan si buuxda u dhammaystirin hawsha tallaalka, iyo sidoo kale kuwa unsan ku dhicin COVID-19 180 maalmood ee la soo dhaafay mar dambe lagama rabo inay soo gudbiyaan  PCR-ka ah in laga waayay COVID-19. Taa baddalkeeda, kaliya shakhsiyaadka leh astaamaha COVID-19 ee firfircoon ayaa la weydiin doonaa inay bixiyaan natiijada baaritaanka PCR-ga ee in laga waayay.

Taariikhda daabacaadda: 03.03.2022

Qaybtan mareegta waxay khaas u tahay macluumaadka ku saabsan tallaabooyinka taxaddarka ee ay soo bandhigtay dowladda Turkiga si loo joojiyo faafitaanka dheeraadka ah ee cudurka Coronavirus (COVID-19). Qaybtan, waxaad ka heli kartaa xog la aruuriyay oo ku saabsan isbeddelada maamulka iyo sidoo kale xuquuqaha iyo waajibaadka inta lagu jiro aafada xanuunka.

Sabababo la xiriira dabeecada masiibada, dawladda Turkigu waxay soo bandhigaysaa tillaabooyin cusub iyo/ama waxay wax ka beddeleysaa kuwii horay u jiray. Fadlan si joogto ah uga hubi Madasha Macluumaadka Xuquuqda Qaxootiga wixii ku soo kordha.

Haddii aad la kulmayso xaalad degdeg ah oo caafimaad, fadlan wac 112 Khadka degdega ah.

Wixii macluumaad guud ah ee ku saabsan cudurka Coronavirus (COVID-19), waxaad wici kartaa Khadka Taleefanka ee Wasaaradda Caafimaadka ee 184.

Wxii macluumaadka guud ah ee ku saabsan cudurka Coronavirus (COVID-19) oo ah Carabi, Farsi, Ingiriis, Pashto, Jarmal iyo Ruush, waxaad sidoo kale wici kartaa Xarunta Isgaarsiinta ee Ajaanibta YİMER Khadka Tooska ah 157.

Macluumaadka hoos lagu soo bandhigay waa mid guud. Fadlan maskaxda ku hay inay jiraan waxyaabo ka reeban dhammaan taxaddarrada iyo mamnuucidda. Haddii aad u baahan tahay macluumaad dheeraad ah, waxaad wici kartaa mid ka mid ah khadadka taleefoonnada ee kor ku xusan.

Waxa kale oo aad raadsan kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan tallaabooyinka iyo xeerarka hadda ee la xidhiidha Coronavirus-ka adiga oo la xidhiidhaya ururkayaga, Xuquuqda Qaxootiga ee Turkiga. Hadda waxaan ku sii wadaynaa adeegyadeena habka fogaanta wakhti ku meel gaar ah waxaana ku bixinaynaa macluumaadka taleefanka. Waxaad wici kartaa +90 850 218 48 30 Isniinta ilaa Jimcaha, 10 subaxnimo – 5 galabnimo waxaadna ku heli kartaa caawimo Ingiriis, Turki, Carabi, Farsi ama Faransiis. Haddii aad jeclaan lahayd inaad luqad kale kuhadasho, turjubaan ayaan kugu xidhi karnaa marka aad codsado. Waxa kale oo aad iimaylka ku soo diri kartaa info@mhd.org.tr luqad kasta oo aad doorato.

Dalka Turkiga, ogaanshaha cudurka coronavirus-ka, daawaynta iyo daawada ayaa qof walba ku heli karaa lacag la’aan. Sidaa darteed, haddii aad joogtid Turkiga oo aad la ildaran tahay cudurka coronavirus, waxaad heli kartaa adeegyo daryeel caafimaad.

Haddii aadan awoodin inaad hesho adeegyada daryeelka caafimaadka, waxaad wici kartaa Khadka Taleefanka ee Wasaaradda Caafimaadka ee Coronavirus 184 ama Khadka tooska ah ee Xarunta Isgaarsiinta ee Ajaanibta YİMER 157.

Haddii aad qabto su’aalo dheeraad ah ama baahi, waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa hayada Xuquuqda Qaxootiga ee Turkiga.

Si aad u hesho macluumaadka guud ee ku saabsan COVID-19, waxaad wici kartaa Khadka Taleefanka ee Wasaaradda Caafimaadka ee loogu talagalay Coronavirus-ka adigoo garaacaya 184. Haddii aad macluumaadkan ugu baahan tahay luqad kale, waxaad la xiriiri kartaa Khadka Tooska ah ee YİMER si aad u hesho taageero ah Af Carabi, Farsi, English, Pashto, Jarmal. iyo luqadaha Ruushka adigoo garaacaya 157.

Waxaa kale oo aad booqan kartaa bogga mareegta COVID-19  ee Wasaaradda Caafimaadka oo aad ka heli karto macluumaad cusub oo ku saabsan masiibada iyo macluumaadka kale ee muhiimka ah.

Haddii aad ku jirto xaalad caafimaad oo degdeg ah oo u baahan gargaar caafimaad oo degdeg ah, waa inaad wacdaa Khadka degdega ah adigoo garaacaya 112 oona raacaya tilmaamaha uu ku siiyo hawlwadeenku.

Dadka da’doodu tahay 65 sano iyo dadka qaba cudurrada daba-dheeraada ayaa mudnaanta leh in la tallaalo. Hadda, qof kasta oo ah qiyaastii da’da 18 wuxuu heli karaa tallaalka.

Si aad u hesho talaalka, waxaad u baahan tahay inaad gasho barnaamijka E-Nabiz. Haddii aanad horay u isticmaalin barnaamijkan, waxa aad E-Nabiz ka gali kartaa goobta E-Devlet adiga oo isticmaalaya lambarka ilaalinta ku meel gaadhka ah ama lambarka aqoonsiga magangalyada caalamiga ah ee ka bilaabmaya ”99.”

Barnaamijka E-Nabiz wuxuu kugu hagi doonaa Merkezi Hekim Randevu Sistemi – Nidaamka Ballanta Dhexe ee Jirka. Xulashada luqadda Carabiga ayaa sidoo kale laga heli karaa bogga MHRS: https://www.mhrs.gov.tr

Waxaad ballan ka heli kartaa nidaamka adiga oo dooranaya taariikhda, wakhtiga, iyo qaybta daryeelka caafimaadka. Haddii aad la kulanto wax dhibaato ah oo ku saabsan gelitaanka nidaamka, waxaad ballan ka qabsan kartaa adiga oo wacaya ALO 182 (MHRS).

Waxaad u baahan tahay inaad haysto sharcigaaga ilaalinta ku meel gaadhka ah ama kaarka aqoonsiga magangalyada caalamiga ah iyo ballan qabsiga laguugu soo diray taleefankaaga gacanta SMS ahaan ee ka timid MHRS.

Haddii aadan ka diiwaan gashneyn Turkiga, fadlan la xiriir xarunta wicitaanka ee Wasaaradda Caafimaadka (ALO 184).

Haddii aad ku jirto heerka ilaalinta ku meel gaadhka ah ama caalamiga ah ee Turkiga, waxaad awoodi kartaa inaad lacag la’aan lagaaga talaalo cusbitaalada guud iyo qaybaha caafimaadka qoyska.

Waxaan isticmaalnaa cookies si aan kaaga caawino horumarinta khibradaada khadka tooska. Markaad isticmaalayso mareegahayaga, waxaad ogolaatay tan. Si aad wax badan uga barato akhri shuruudahayaga isticmaalka iyo sharciyadayada qarsoonaanta