Xuquuqda iyo Hababka loogu talagalay dadka ku jira xabsiga maamulka

Dadka aan xaq u lahayn in ay sii joogaan Turkiga oo la tarxiilayo waxa lagu xidhi karaa maamulka xaaladaha qaarkood. Waxa laga yaabaa in lagugu xidho xabsiga maamulka sababo kala duwan dartood. Marka loo eego xeerarka sharciga ee hadda jira, haddii go’aan masaafurin ah lagaa qaatay oo ay mas’uuliyiintu u arkaan inay jirto suurtagal ah inaad baxsato ama lagu waayo inta lagu jiro habraacyada bixidda, waxay go’aansan karaan in lagugu hayo  xabsi maamul si loo dhamaystiro habka masaafurinta. Intaa waxaa dheer, haddii aad jebiso xeerarka gelitaanka ama ka bixitaanka Turkiga; isticmaalka dukumeenti been ah ama been abuur ah; ku guul darreysato inaad uga baxdo Turkiga wakhtiga lagu siiyay cudurdaar la’aan; ama haddii mas’uuliyiintu ay u arkaan in aad khatar ku tahay nidaamka guud, amniga guud ama caafimaadka dadweynaha waxaa lagugu qaadi karaa go’aan xabsi maamul ah. Ugu dambeyntii, codsadayaasha magangalyada caalamiga ah sidoo kale waxaa ladhigi karaa xabsi maamul xaaladaha qaarkood.

Ajaaniibta ku sugan Turkiga waxaa lagu hayn karaa xabsi maamul sababo badan oo kala duwan dartood. Waxaan kugula talineynaa inaad la hadasho garyaqaan si aad talo sharci ugu hesho xaaladaada shakhsiyeed. Haddii aadan iska bixin karin kharashka qareenka, waxaad la xiriiri kartaa xafiiska gargaarka sharciga ee ururka qareenada ee gobolkaaga. Waxa kale oo aad heli kartaa macluumaad iyo taageero xagga sharciga ah adiga oo wacaya Khadka Xabsiga Maamulka ee Xuquuqda Qaxootiga Turkiga, 0507 218 62 85.

Waxaad xaq u leedahay inaad ka faa’iidaysato dhawrista habraaca aasaasiga ah, iyadoon loo eegin sababta lagugu xidhay xabsiga maamulka. Midda ugu horreysa waa inaad ogaato sababta lagugu hayo xabsiga maamulka iyo inaad racfaan ka qaadato go’aankan.

Maamulka kartida leh waa in ay kugu wargeliyaan luqad aad fahmi karto, sababtee ayay tahay in lagugu xiro xabsiga maamulka. Macluumaadkan waa in ay ku jiraan nooca cawaaqibka uu yeelan doono go’aanka haysashada maamulka, sida aad rafcaan uga qaadan karto go’aankan iyo muddada xabsiga maamulka uu socon karo. Haddii aad leedahay garyaqaan ama wakiil sharci, sidoo kale iyagana waa la ogaysiinayaa.

Waxaa jiri doona qiimeyn joogto ah bishiiba mar oo ku saabsan sida loogu baahan yahay in la sii wado xabsiga maamulka. Haddii loo baahdo, qiimayntan waxa la samayn karaa wakhti hore, iyada oo aan la sugaynin muddada halka bil ah inay dhacdo. Natiijada qiimayntan awgeed, muddada xabsiga maamulka waa la kordhin karaa, la joojin karaa ama tallaabooyin kale oo loo yaqaan ” beddelka xabsiga maamulka” ayaa lagu dabaqi karaa. Go’aanka, miduu doono ha ahaadee, waa in lagugu ogeysiiyaa luqad aad fahmi karto. Waxaad ka heli kartaa macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan muddada xabsiga maamulka qaybaha soo socda.

Waxa kale oo aad xaq u leedahay in aad rafcaan ka qaadato go’aanka xadhiga maamulka adiga oo isticmaalaya hababka garsoorka. Waxaad ka heli kartaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan racfaanka hababka hoos.

Intaa waxa dheer, waxa kale oo aad leedahay xuquuq uu sharcigu dammaanad qaaday marka lagugu hayo xarunta raritaanka ee xabsiga lagu hayo. Inta lagu jiro mudada lagugu hayo xarunta raritaanada, waxaad xaq u leedahay cunto, xaalad deg deg ah, cilmi nafsi iyo adeegyada daryeelka caafimaadka muhiimka ah, oo ay ku jiraan helitaanka cusbitaalka marka loo baahdo, hoy da’da-iyo-jinsiga ku habboon, helida telefoonka, iyo ammaan kaydinta alaabtaada qiimaha leh. Intaa waxaa dheer, waxaad xaq u leedahay in safaaradda lagugu wargaliyo xadhigaaga iyo inaad ku raaxaysato helitaanka kaalmada qunsuliyadda.

Xarumaha dadka laga saaro ayaa ah goobo lagu hayo shaqsiyaadka aan haysan wax sharci ah oo ay ku joogaan Turkiga, waa la masaafurin doonaa, kuwaas oo laga soo saaro amarka xariga maamulka. Xarumaha ka saarista waxaa maamula Madaxtooyada Maareynta Socdaalka (PMM), maamulka Turkiga ayaa mas’uulka ka ah nidaamka ajaaniibta. Xarunta Madaxtooyada ee Maareynta Socdaalka waxay ku taal Ankara waxaana gobol kasta ku yaal Agaasinka Maamulka Socdaalka ee Gobolka (PDMM).

Joogitaanka xarun saarista ama meel kale oo lagugu xidho caqabad kuguma aha inaad adigu samayso wax rafcaan ah. Waxaad codsigaaga racfaanka u gudbin kartaa maamulka ama saraakiisha kartida u leh inay u gudbiyaan maxkamada. Sida sharciga waafaqsan, mas’uuliyiinta waxaa looga baahan yahay inay si degdeg ah ugu soo diraan codsiyada racfaanka hay’adaha awoodda karti u leh.

Si kastaba ha ahaatee, dariiqa rafcaanka looga qaato go’aamada sida xabsiga maamulka ama go’aanka masaafurinta ee lagaa qaatay waa in aad xareeyso dacwad adoo ka codsanaya maxkamadaha awooda karti u leh. Nidaamyada dacwaduhu waa adag yihiin waxayna u baahan yihiin aqoon farsamo. Intaa waxaa dheer, codsiyada maxkamadda waa in lagu sameeyaa luqadda Turkiga, iyo dhammaan xiriirka hadal iyo qoraal ee u dhexeeya maxkamadda iyo codsadaha waxay sidoo kale ahaan doonaan luqadda Turkiga. Sidaa darteed, waxaa laga yaabaa inay dantaada ugu fiican tahay inuu ku matalo qareen si aad si hufan ugu soo bandhigto difaacaaga oo aad uga fogaato wax kasta oo xuquuq la’aan kudhigi karo.

Adeegyada gargaarka sharciga ayaa dalka Turkiga ka jira oo loogu talagalay dadka u baahan adeegyada sharciga, laakiin ma awoodaan inay daboosho kharashka qareenka iyo kharashaadka dacwadda iyagoon dhibaato weyn u sababin naftooda iyo qoysaskooda labadaba. Dadka ku jira xabsiga maamulka ayaa sidoo kale codsan kara inay ka faa’iideystaan adeegyada gargaarka sharciga.

 Codsigan waa inaad samaysaa adigoo la xidhiidhaya xafiiska gargaarka sharciga ee ururka qareenada gobolka. Habka codsiga kaalmada sharciga ee xafiis kasta wuu kala duwan yahay. Waxaad ku wici kartaa taleefoon xafiiska gargaarka sharciga ama waxaad codsigaaga u soo gudbin kartaa maamulka meesha aad ku xidhantahay. Qaar ka mid ah ururada qareenadu waxay sidoo kale ku xisaabinayaan codsiyada adiga kumatalayo xubnaha qoyska ee aan ku hoos jirin xabsiga maamulka.

 Kadib markaad u soo gudbiso codsigaaga gargaarka sharciga ah ururka qareenada, ururka qareenadu dib ayay u eegi doonaan codsiga markaas wayna aqbali karaan diidaana karaan.

 Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan kaalmada sharciga, katixraac agabkayaga mowduuca halkan.

Waxaad rafcaan ka qaadan kartaa go’aanka maamulka ee xabsiga laguugu hayo adiga oo isticmaalaya habka garsoorka. Marka loo eego xeerarka hadda jira, awoodda mas’uulka ka ah qiimeynta rafcaannada ka dhanka ah go’aanka xabsiga maamulka waa Garsoorka Dambiyada ee Nabadda. Waa lagama maarmaan in Garsoorka Dambiyada ee Nabaddu ay ku qiimeeyaan codsigan shan maalmood gudahood oo ay soo gabagabeeyaan. Si kastaba ha ahaatee, ficil ahaan, muddadan waa la kordhin karaa.

Haddii Garsoorka Dambiyada ee Nabadda uu go’aan wanaagsan ka gaaro codsigaaga, waa lagu sii dayn doonaa. Si kastaba ha ahaatee, waa inaad si taxadar leh u raacdaa tilmaamaha iyo hagidda Agaasinka Gobolka ee Maareynta Socdaalka iyo awoodaha kale ee khuseeya xaqa aad u leedahay inaad joogtid Turkiga iyo waajibaadka lagaa rabo inaad ka soo baxdo. Waxaad la xiriiri kartaa ururkayaga, Xuquuqda Qaxootiga Turkiga, si aad u hesho macluumaadka ku saabsan waajibaadkaaga marka lagu siidaayo kadib iyo hababka sharciga ah ee aad u baahan tahay inaad raacdo.

Haddii Garsoorka Dambiyada ee Nabadda uu bixiyo go’aan diidmo ah oo ku saabsan codsigaaga, waxaad ku sii jiri doontaa xabsiga maamulka. Maxkamad sare uma doonan kartid racfaan kadhan ah go’aankan diidmada ah. Si kastaba ha ahaatee, haddii aad u malaynayso in shuruudaha xabsi kuhaynta maamulka aan la dabaqi karin ama uu jiro isbeddel ku yimid xaalahaaga, mar kale ayaad racfaan qaadan kartaa.

Dadka ku jira xabsiga maamulka looma ogola inay ka baxaan goobta ay ku sugan yihiin oo ay tagaan xarunta maxkamada si ay dacwad u gudbiyaan. Sababtan awgeed, haddii aad adigu rabto inaad xarayso codsigaaga rafcaanka, waad samayn kartaa tan adigoo u gudbinaya codsigaaga mas’uuliyiinta goobta xabsi kuhaynta. Sida sharcigu qabo, mas’uuliyiinta waxaa looga baahan yahay inay si degdeg ah ugu gudbiyaan codsiyada aad u gudbiso Garsoorka Dambiyada ee Nabadda ee khibrad u leh. Si aad u hesho macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan sida loo helo kaalmada sharciga inta lagu jiro xabsiga maamulka, waxaad halkaan dib uga eegi kartaa qaybaha la xariira ama waxaad ka heli kartaa macluumaad adiga oo wacaya Khadkayaga Xabsiga ee 0507 218 62 85.

Masaafurintu waa habka loogu dirayo qofka ajnabiga ah ee ku sugan Turkiga waddankiisa dhalashada ama waddan saddexaad oo uu u safri karo. Go’aanka masaafurinta waxaa lagu qaadaa dadka soo socda:

  • Kuwa ku xad-gudba ama iskudaya inay ku xad-gudbaan qodobbada gelitaanka ama ka-baxitaanka sharciga ah ee Turkiga;
  • Kuwa isticmaala macluumaadka beenta ah ama dukumentiyada been abuurka ah ee macaamilka gelitaanka, fiisaha iyo ogolaanshaha joogitaanka Turkiga;
  • Kuwa lagu helo inay shaqaynayaan ogolaanshaha shaqada la’aaned;
  • Kuwa lagu helo inay nolol aan sharci ahayn ku noolaadaan inta ay joogaan Turkiga;
  • Kuwa gudba muddada fiisaha amaxilliga ka-dhaafitaanka muddada fiisaha in ka badan toban maalmood ama kuwa fiisahooda la joojiyay;
  • Kuwa ku xad-gudba muddada oggolaanshaha joogitaanka in ka badan toban maalmood iyagoon haysan cudurdaarid la aqbali kar;
  • Kuwa loo arko inay khatar ku yihiin nidaamka guud, amniga guud ama caafimaadka guud;
  • Kuwa ah hoggaamiyeyaasha, xubnaha, taageerayaasha urur argagixiso ama hoggaamiyeyaal, xubin ka ah ama taageerayaal u ah urur dembiyeed faa’iidana ka doonaya.
  • Kuwa la diido codsigooda magangalyada caalamiga ah, laga saaray magangalyada caalamiga ah, codsigoodii loo arko mid aan la aqbali karin, laga noqday, ama loo arko in laga noqday, kuwa sharcigooda magangalyada caalamiga ah uu dhacay, la joojiyay ama la kansalay, oo aan xaq u lahayn joogitaanka Turkiga kadib go’aan kama dambeysta ah.

Adiga ama wakiilkaaga sharci ama garyaqaanka waxaa lagu ogeysiin doonaa qoraal ku saabsan go’aanka masaafurinta. Waxa lagugu wargelin doonaa natiijada go’aankan, sida aad uga dacwoon karto go’aankan iyo wakhtiga rafcaan qaadashada ugu dambayso. Haddii loo baahdo, waxaad ka faa’iidaysan kartaa taageero tarjumaaneed inta lagu jiro ogaysiintan.

Haddii go’aanka masaafurinta la soo saaro, waxaad ka dalban kartaa maxkamadda maamulka ee awood khibradeed u leh toddoba maalmood gudahood si aad rafcaan uga qaadato go’aankan. Haddii aad rafcaan ka qaadato go’aankan waqtigii loogu talagalay, habka masaafurintaada lama fulin doono ilaa ay maxkamaddu ka baarto racfaankaaga oo ay go’aan ka gaarto. Si kale haddii loo dhigo, rafcaan laga qaato maxkamadda oo ka dhan ah go’aanka masaafurinta ayaa hakinaya hannaanka masaafurinta, waxaadna sii joogi kartaa Turkiga ilaa go’aanka ugu dambeeya laga sameeyo.

Rafcaan ka qaadashada go’aanka masaafurinta iyo rafcaan ka qaadashada go’aanka xabsi kuhaynta maamulka waa laba tallaaabo oo kala duwan oo sharci ah. Rafcaan ka qaadashada go’aanka masaafurinta si toos ah uma dhamayn doonto xadhiga. Macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan sida loo helo taageero sharci inta lagu jiro xabsiga maamulka, waxaad dib u eegi kartaa qaybaha la xariiro. Waxa kale oo aad macluumaad ka heli kartaa adiga oo soo wacaya Khadkayaga Xabsiga ee 0507 218 62 85.

Dadka lagu qasbay inay ka cararaan dalalkooda sababo dagaal, iskahorimaad gudaha ah, ama cadaadis darteed waxay xaq u leeyihiin inay ilaalo caalami ah ka codsadaan Turkiga. Sida ku cad xeerarka gudaha ee khuseeya, dhammaan dadka ku jira xabsiga maamulka iyo sidoo kale dadka xorriyadda laga qaaday waxay xaq u leeyihiin inay raadsadaan magangelyo caalami ah, iyadoon loo eegin sababaha xadhigooda.

Sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, dawladuhu waxa ay waajib ku tahay in ay ilaalo sharci ah siiyaan dadka lagu qasbay in ay ka cararaan waddamadoodii ama degaannadii hore ee ay ku noolaayeen sababo la xidhiidha dagaal, iskahorimaad gudaha ah, ama cadaadis iyo kuwaas oo halis ugu jira in ay la kulmaan khatar ka dhan ah noloshooda. xorriyadda ama cadaadis haddii ay dhacdo in la soo celiyo. Dawladaha waxaa sidoo kale ku waajib ah inay helaan codsiyada magangalyada oo ay siiyaan ogolaanshaha shakhsiyaadkan inay dalka sii joogaan mar haday buuxiyaan shuruudaha qaarkood.

Sharciga hadda ka jira Turkiga wuxuu adeegsadaa ereyga “ilaalinta caalamiga” si uu u tixraaco magangelyo. Haddaba, erayadani waa isku mid. Si kastaba ha ahaatee, muwaadiniinta Suuriyaanka ah iyo sidoo kale qaxootiga iyo dadka dal la’aanta ah ee ka imaanaya Suuriya ayaa loo damaanad qaaday “ilaalin ku meel gaar ah” gudaha Turkiga.

Waad ka faa’iidaysato ilaalinta caalamiga ah haddii lagugu silciyey waddankaaga ama sababtoo ah waxaad ka baqaysaa in lagugu saxariiriyo waddankaaga sababo la xiriira jinsiyaddaada, diintaada, fikraddaada siyaasadeed, dhalasho ama xubin ka mid ah koox bulsho oo gaar ah, ama haddii aad ka bixi lahayd waddankaaga iyadoo ay sabab u tahay rabshado guud sida dagaal iyo colaad gudaha ah. Intaa waxaa dheer, waxaad sidoo kale raadsan kartaa magangalyo caalami ah haddii aad halis ugu jirto in lagugu xukumo dil ama aad wajahayso xukumo ciqaab dil ah, ama lagugu geysto jirdil ama xadgudubyo kale haddii aad ku laabato wadankaagi.

Haddii aadan cabsi kaqabin khatarta ah in lagu cadaadiyo marka lagugu celiyo dalkaagi hooyo ama aad hore u deganayd ama aad uga soo tagtay wadankaaga fursado shaqo ama waxbarasho, waxaa laga yaabaa inaadan ka faa’iidaysanin ilaalinta caalamiga ah. Sidoo kale, ka tagista dalkaagi hooyo ama degenaanshiyahaagi hore si aad uga baxsato dacwad dambiyeedka dambiyada culus iyo kuwa aan siyaasada ahayn kama dhigi doonto inaad u qalanto heerka magangalyada caalamiga ah. Si kastaba ha ahaatee, xitaa haddii xaaladdaada shakhsi ahaaneed ay ku dhacdo mid ka mid ah qaybaha aan kor ku soo sheegnay, haddana aad ka baqeyso halista jirdil, xadgudub ka baxsan bini’aadantinimada, ama ciqaab marka lagu soo celiyo, mas’uuliyiinta Turkiga waxaa saaran waajib ah inaysan dib kuugu celin gurigaaga dalka ama deganaanshahaagii hore. Waajibkani waxa kale oo uu khuseeyaa dadka khatarta ugu jira in lagu xukumo ciqaab dil ah. Sidaas awgeed waxa laga yaabaa in laguu dammaanad qaado “ilaalin hoosaad” oo sidoo kale ah nooc ka mid ah ilaalinta caalamiga ah ee kajirto Turkiga.

Intaa waxaa dheer, marka loo eego sharciga caalamiga ah, kooxo dhowr ah oo dad ah ayaa laga saaray baaxadda ilaalinta caalamiga ah. Dadka galay dambiyada ka dhanka ah bini’aadminimada ama nabadda iyo sidoo kale dadka galay dambiyada dagaalka waxay noqon doonaan kuwo ka baxsan baaxadda ilaalinta caalamiga ah.

Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan shuruudaha u-qalmitaanka magangalyada caalamiga ah waxaad kala xiriiri kartaa khadka Taageerada Qaxootiga ee Xuquuqda Qaxootiga Turkiga, ee +90 212 292 48 30.

Sida ku cad xeerarka gudaha ee lagu dabaqi karo, mas’uuliyiinta waxaa saaran waajib ah inay ka baaraandegaan codsigaaga magangalyada caalamiga ah ama isla markiiba u gudbiyaan codsigaaga Madaxtooyada Maamulka Socdaalka. Haddii aad hore codsi magangelyo caalami ah uga soo gudbisay Turkiga, fadlan la xiriir maamulka. Haddii kani uu noqdo codsigaagii magangalyada caalamiga ahaa ee ugu horeeyay ee Turkiga, waxaanu kugula talinaynaa inaad soo gudbiso codsigaga magangalyada caalamiga ah adigoon daaaynin iyo halka ay suurtagal tahay qoraal ahaan. Codsigaaga, waxaa muhiim ah inaad si sax ah ula wadaagto macluumaadkaaga shakhsi ahaaneed ee muhiimka ah sida magaca iyo magaca qoyska, dhalashada, iyo taariikhda dhalashada iyo sidoo kale sharraxaadda sababta aad uga cabsanayso inaad ku laabato dalkaagi hooyo ama deegaankaagi hore.

Iyadoo la raacayo xeerarka sharciga ee hadda jira, codsigaaga magangalyada caalamiga ah waxaa isla markiiba ka baaraandegi doona mas’uuliyiinta khibrada u leh waxaana lagugu wargelin doonaa habka soo socda. Codsashada magangalyada caalamiga ah si toos ah uma joojinayso xabsiga maamulka. Iyadoo la raacayo xeerarka sharciga ee hadda jira, codsigaaga magangalyada caalamiga ah waxaa isla markiiba ka baaraandegi doona masuuliyiinta khibrada u leh waxaana lagugu wargelin doonaa habka soo socda. Codsashada magangalyada caalamiga ah si toos ah uma joojinayso xabsiga maamulka.

Kadib marka codsigaga magangalyada caalamiga ah la habeeyo, waxaa lagu waraysan doonaa inaad sharaxdo sababaha codsigaaga. Codsigaaga waxaa lagu qiimeyn doonaa wixii kasoobaxaa wareysigan ka dibna go’aan ayaa la gaari doonaa

Codsiyada ilaalinta caalamiga ah ee Turkiga waxa lagu qiimeeyaa laba siyaabood. Kuwaas waxaa loo yaqaan “nidaamka caadiga ah” iyo “nidaam la dedejiyey”. Labada habba, codsiyada magangalyada caalamiga ah waa la helaa, waraysi ayaa lala yeelanayaa codsadayaasha, waxaana go’aan laga gaarayaa codsiga kadib markii la qiimeeyo. Codsiyada ilaalinta caalamiga ah ee ay sameeyaan dadka ku jira xabsiga maamulka waxaa guud ahaan lagu qiimeeyaa nidaamka la dedejiyay.

Qiimaynta lagu sameeyay nidaamka la dardargeliyay, waraysi shakhsi ah ayaa laguugu qaban doonaa ugu badnaan saddex maalmood gudahood laga bilaabo taariikhda codsigaaga. Inta lagu jiro wareysigan, waxaan kugula talineynaa inaad si faahfaahsan u sharaxdo sababaha aad uga soo tagtay dalkaaga iyo sababaha aad uga baqeyso inaad ku laabato. Sidoo kale, haddii aad haysato dukumeenti la xiriira xaaladdaada, waa muhiim inaad la wadaagto mas’uuliyiinta.

Waxaa lagu qeexay in go’aan laga gaari doono codsigaga magangalyada caalamiga ah shan maalmood gudahood ugu dambeyn wareysigan ka dib. Qiimayntan awgeed, go’aan yeelmo ama diidmo ah ayaa laga qaadan karaa codsigaaga, ama waxa laga yaabaa in la go’aamiyo in codsigaaga lagu qiimeeyo nidaamka caadiga ah halka lagu qiimeeyey ka ladardargaliyey.

Codsashada magangalyada caalamiga ah macnaheedu maaha in lagu sii dayn doono. Qiimayntooda awgeed, mas’uuliyiinta khibradda u leh waxay go’aansan karaan inay ku sii daayaan, ku dabaqaan tallaabooyin kale oo lagugu hayo xabsi, ama aad sii wadato xabsiga.

 Haddii mas’uuliyiintu ay shaki weyn ka qabaan saxnaanta aqoonsigaaga ama macluumaadka jinsiyadaada, waxay go’aansan karaan inaad sii wadato xabsigaaga maamul si ay u xaqiijiyaan macluumaadkan. Sidoo kale, waxaa la go’aamin karaa inaad sii wadato xabsiga maamul ee lagu hayo dadka loo arko in ay khatar weyn ku yihiin nidaamka guud ama amniga guud, ama haddii ay mas’uuliyiintu go’aansadaan in aan la aqoonsan karin arrimaha salka ku haya codsigooda haddii aan la gelin xabsi maamul.

Tani waxay ka dhigan tahay in codsigaaga magangalyada caalamiga ah in la diiday. Mas’uuliyiinta waxaa saaran waajib ah inay la xiriiraan go’aankan, oo ay la socdaan sababaha, adiga ama wakiilkaaga sharci ama qareenka. Waxaad xaq u leedahay inaad racfaan ka qaadato go’aankan.

 Sida codsiyada magangalyada caalamiga ah ee ay sameeyaan dadka ku jira xabsiga maamulka ayaa inta badan lagu qiimeeyaa nidaamka la dedejiyay, habka ugu muhiimsan ee sharciga ah si looga hortago go’aamada diidmada ah waa garsoorka. Adiga ama wakiilkaaga sharci ama garyaqaankaaga, haddii ay jiraan, waa in aad racfaan uga qaadataan maxkamada maamulka go’aanka diidmada ah ugu dambeeyay shan iyo toban maalmood gudahooda laga bilaabo waqiga lagu ogeysiiyey go’aanka.

 Macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan sida loo helo taageero sharci inta aad ku jirto xabsiga maamulka, waxaad dib u eegi kartaa qaybaha la xariiro. Waxa kale oo aad macluumaad ka heli kartaa adiga oo wacaya Khadka Tooska ah ee Xuquuqda Qaxootiga Turkiga, ee 0507 218 62 85.

Codsigaaga magangalyada caalamiga ah waxaa loo tixgalin karaa “aan la aqbali karin” haddii la ogaado in mid ka mid ah saddexda xaaladood ee hoos lagu soo koobay ay khusayso kiiskaaga:

  • Inaadan Turkiga si toos ah uga soo galin waddankaagii, balse aad ka timid waddan kale oo aad joogi karto oo aad kaga badbaadi karto cadaadis ama dhibaato halis ah;
  • In kasta oo aad hore magangelyo caalami ah uga codsatay Turkiga, codsigaagiina la diiday, rafcaannadaadiina lagu guul-darraystay, haddana aad samaysay codsi ku celis ah adiga oo aadan soo bandhigin xog cusub ama sababo tilmaamaya sababta go’aan cusub oo ku saabsan codsigaaga in la sameeyo;
  • In aad horey u ogolaatay in kiiskaaga la habeeyo iyada oo ay qayb ka tahay codsiga magangalyada caalamiga ah xubin dhaw oo qoyska ka tirsan. In codsigan hore ee xubin qoyskaaga katirsan uu soo gudbiyey la diiday iyo in kale, waxaad hadda doonaysaa inaad keligaa samaysato codsi adiga oo aan soo bandhigaynin wax macluumaad ah ama sababo tilmaamaya in kiiskaagu ka duwan yahay codsigii hore ee jiray ee xubnaha qoyska.

Haddii mas’uuliyiinta ay u arkaan codsigaaga mid aan la aqbali karin, ma sii wadi doonaan inay qiimeeyaan codsigaaga.

Haddii mas’uuliyiintu ay go’aamiyaan inaad Turkiga ka timid waddan kale oo aad joogi karto oo aad ka badbaado cadaadis ama waxyeello halis ah, tani waxay la macno tahay inay aaminsan yihiin inaad magangelyo weydiisan karto dalkaas. Sidaas awgeed, waxaa la bilaabayaa habraaca lagula xiriirinayo mas’uuliyiinta dalka ee laga hadlayo si loo sugo ama loo xaqiijiyo soo laabashadaada. Haddii aad u qalanto dib-u-celinta, waxaa lagugu celin doonaa waddankaas. Waxaad si sharci ah ku joogi kartaa Turkiga inta nidaamkaaga soo noqoshadaada la sugayo; si kastaba ha ahaatee, fadlan lka warhay in aan laguu tixgelin doonin inaad tahay codsade magangelyo caalami ah. Sidaa darteed, ma awoodi doontid inaad ku raaxaysato xuquuqda iyo adeegyada la siiyo codsadayaasha magangalyada caalamiga ah. Haddii wadankaasi diido codsiga dib u celinta, mas’uuliyiinta Turkiga waa inay furaan galkaaga mar labaad oo ay sii wadaan socodsiinta codsigaaga si loo gaaro go’aan kama dambays ah.

Dhanka kale, haddii codsigaaga loo arko mid aan la aqbali karin sababtoo ah waxaad samaysay codsi ku celis ah adiga oo aan soo bandhigin wax sabab ah oo sidaas aad sameeysay, amar masaafurin ayaa la soo saari doonaa ilaa aad racfaan ka qaadato go’aanka aan la aqbali karin.

Adiga ama garyaqaankaaga ama wakiilkaaga sharci waxaa lagu ogeysiin doonaa go’aanka codsigaaga lagu qeexayo mid aan la aqbali karin. Ogeysiintaan waa in ay ku jirtaa asbaabaha iyo sababaha sharciga ah ee go’aanka aan la aqbali karin. Waxa kale oo lagugu wargelin doonaa sida aad uga racfaan qaadan karto go’aankan iyo wakhtiga xaddidan ee racfaanka.

 Laga bilaabo taariikhda ogeysiinta, waxaad haysataa shan iyo toban maalmood inaad rafcaan ka qaadato go’aankan maxkamadda maamulka ee khibradda u leh horteeda. Maxkamaddu waa inay ku soo gabagabeyso racfaankaaga shan iyo toban maalmood gudahood. Haddii maxkamadda maamulku diido racfaankaaga, ma jiro hab rafcaan kale oo laheli karo. Xaaladdan oo kale, go’aanka ah in codsigaaga aan la aqbali karin wuxuu noqonayaa kama dambays. Haddii mas’uuliyiintu go’aansadaan inay kugu celiyaan waddan loo arko inuu badbaado kuu yahay, waxay bilaabi doonaan dacwadda soo noqoshada. Haddii codsigaaga loo arko mid aan la aqbali karin sababtoo ah waxaad ku celisay isla codsigii hore, waxaa lagu siin doonaa amar masaafurin ah.

Muwaadiniinta Suuriya, iyo sidoo kale qaxootiga iyo dadka dal la’aanta ah ee ka imanaya Suuriya waxay hoos yimaadaan nidaam ilaalin ah oo loo yaqaan “ilaalinta ku meel gaadhka ah”. Iyadoo la raacayo nidaamka ilaalinta ku meel gaarka ah, dadka ka imanaya Suuriya colaadda ka socota Suuriya awgeed waa inaan loo musaafurin Suuriya. Si kastaba ha ahaatee, kuwa lagu hayo “ilaalin ku meel gaar ah” oo ku xadgudba sharciyada gelitaanka ama ka bixista Turkiga, iyo kuwa loo arko inay khatar weyn ku yihiin amniga guud iyo xasilloonida dadweynaha, waxaa lagu dhegi karaa xabsi maamul xaaladaha qaarkood.

Go’aannada xabsi kuhaynta maamulka waxaa la soo saari karaa ugu badnaan soddon maalmood. Natiijada qiimaynta la sameeyo bil kasta, waxa laga yaabaa in muddadaan soddonka maalmood ah la kordhiyo. Haddii aad ku jirto xabsi maamul oo ku salaysan go’aanka masaafurinta ee lagaa qaatay, muddadani kama badan karto lix bilood guud ahaan. Si kastaba ha ahaatee, muddada lixda bilood ah waxaa lagu kordhin karaa ugu badnaan lix bilood oo dheeraad ah haddii loo arko in aan la fulin karin masaafurinta sababtoo ah lama aadan shaqayn ama lama aadan wadaagin macluumaadka saxda ah iyo dukumentiyada ku saabsan dalkaaga. Si kale haddii loo dhigo, waxaa lagugu hayn karaa xabsiga maamulka ugu badnaan laba iyo toban bilood ujeedada masaafurinta awgeed.

 Si gaar ah, dadka codsada magangalyada caalamiga ah waxaa sidoo kale laga yaabaa in lagu xiro xabsiga maamulka kiisaska qaarkood. Haddii lagugu xidhay xabsi maamul oo ku salaysan codsigaaga magangalyada caalamiga ah, muddadani kama badan karto soddon maalmood.

Haddii aysan suurtagal ahayn in lagula xiriiro mas’uuliyiinta luuqaddaTurkiga ama luqad guud oo kale, waxaad xaq u leedahay inaad codsato turjumaan luqadda aad fahmi karto. Wax kharash ah laguguma dallaci doono turjubaanka ay mas’uuliyiinta dawladdu bixiyaan. Haddii ay dhibaato kaa haysato dhammaan noocyada ogaysiisyada lagugu sameeyo, hadal ahaan ama qoraalba, cidhiidhiga luqadda awgeed, waxa muhiim ah in aad xaaladdan la wadaagto masuuliyiinta khibradda u leh adiga oo aan daahin.

 Intaa waxaa dheer, haddii aad leedahay naafo jireed ama maskaxeed oo laga yaabo inay kugu adkaato inaad fahamto ogeysiisyada hadalka ama qoraalka ah ee laguu sameeyay, waxaad xaq u leedahay inaad ka codsato mas’uuliyiinta khubradda u leh inay sameeyaan qaab daboolaya baahiyahaaga iyo inay ku siiyaan adiga oo wata turjumaan marka aad u baahato.

Amarka xabsiga maamulka ee lagugu soo rogay waxaa laga yaabaa in la buriyay sababo badan oo kala duwan dartood. Maamulka xarunta raritaanku waa in ay qoraal kugu wargeliyaan sababaha lagu sii daayay, xaaladdaada Turkiga, xuquuqdaada iyo waxa aad xaqa u leedahay iyo wixii waajibaad ah ee aad leedahay. Waxaa dantaada ugu wanaagsan ku jiri doonta inaad fahanto dukumeentiga ay ku soo gudbiyeen masuuliyiinta khubradda u leh. Waxaad la xiriiri kartaa Xuquuqda Qaxootiga Turkiga, ama waxaad la xiriiri kartaa hay’adaha kale ee aan dawliga ahayn ee gobolkaaga si aad u hesho macluumaadka ku saabsan waajibaadkaaga iyo hababka sharciga ah ee aad u baahan tahay inaad raacdo kadib markii lagusiidaayo.

Haddii loo arko inaan loo baahnayn in lagugu sii hayo xabsiga maamulka inta lagu jiro fulinta nidaamka masaafurinta ama inta lagu guda jiro qiimeynta bilaha ah ee la sameeyo inta aad ku jirto xabsiga maamulka, waa lagu sii dayn. Si kastaba ha ahaatee, maamulka ayaa laga yaabaa inay ku weydiiyaan inaad gudato waajibaadyada qaarkood. Waajibaadyadan ama waajibaadkan, kuwaas oo lagaa codsanayo inaad u hogaansanto baddelkii lagugu hayn lahaa xabsiga maamulka, ayaa lagu magacaabaa tallaabooyin kale oo lagu hayo maamulka.

 Waxa jira habab badan oo ka duwan xabsi galka maamulka. Si kastaba ha ahaatee, kuwa aadka loo isticmaalo waxaa ka mid ah: deggenaanshiyaha magaalada laguu wareejiyay kadib marka la joojiyo xabsigaaga maamul; la wadaag macluumaadka cinwaanka meesha aad degan tahay mas’uuliyiinta; oo si joogto ah ugu warbixi Agaasinka Maamulka Socdaalka ee Gobolka maalmaha lagaa codsaday.

 Adiga ama garyaqaankaaga ama wakiilkaaga sharci ayaa lagu ogeysiin doonaa qoraal go’aanka ku saabsan tillaabooyinka kale ee xabsiga maamulka. Inta lagu jiro ogeysiintan, waxaa lagugu wargelin doonaa natiijada go’aanka, sida aad racfaan uga qaadan karto go’aankan, iyo rafcaanka kama dambaysta ah. Waxaa laga yaabaa in lagu weydiiyo inaad fuliso tallaabooyin kale ugu badnaan afar iyo labaatan bilood.

 Haddii aad u hoggaansami weydo waajibaadka lagaa rabo inaad fuliso si aad u beddesho xabsiga maamulka, go’aan maamul dheeraad ah  ayaa lagugu qaadi karaa.

Qof kasta oo da’diisu ka yar tahay 18 jir oo imaaday Turkiga xubin qoys la’aan ama ay kalatageen xubnaha qoyska ka dib waxaa lagu qeexaa “mid aan qaangaar ahayn oo aan lala socon”. Carruurta aan lala socon waa in aan la gelin xabsiga maamulka. Haddii aad tahay ilmo aan lala socon oo lagu hayo, mas’uuliyiinta ayaa laga yaabaa inay hayaan macluumaad khaldan oo ku saabsan da’daada. Xaaladahan oo kale, waa inaad isla markiiba la wadaagtaa da’daada dhabta ah mas’uuliyiinta xarunta raritaanka. Haddii aadan haysan aqoonsi ama dukumeenti muujinaya taariikhda dhalashadaada ama da’daada, mas’uuliyiintu waxay codsan karaan habka go’aaminta da’daada ku saabsan. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan go’aaminta da’da, waxaad la xiriiri kartaa Xuquuqda Qaxootiga Turkiga.

Dadka ku jira xabsiga maamulka waxay xaq u leeyihiin inay ka faa’iidaystaan adeegyada daryeelka caafimaadka degdegga ah iyo kuwa aasaasiga ah. Haddii aad qabto dhibaato caafimaad oo degdeg ah, mas’uuliyiinta waxa ku waajib ah inay si degdeg ah ugu wargeliyaan xaaladdaada saraakiisha caafimaadka ee agagaarkaaga ama xarunta caafimaadka ee kuugu dhow.

Sida waafaqsan qawaaniinta sharciga ah ee Turkiga, carruurta aan lala socon, dadka naafada ah, dadka waayeelka ah, haweenka uurka leh, hooyooyinka kelidood ah ama aabbayaasha carruur leh, ama dadka loo geystay jirdil, faraxumayn ama xadgudubyo kale oo nafsi ah, jireed ama mid galmo ayaa loo tixgalin inay leeyihiin “baahida gaarka ah”. Haddii aad ku sugan tahay xaalad noocaas oo kale ah ama aad leedahay xaalad kale oo gaar ah, waxaan kugula talineynaa inaad la wadaagto mas’uuliyiinta adiga oo aan daahin.

 Qaar ka mid ah qabanqaabada dheeraadka ah ayaa loo samayn karaa dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Tusaale ahaan, carruurta aan lala socon lama geeyo xabsiga maamulka sida uu qabo sharciga hadda jira. Dadka kale ee qaba baahiyaha gaarka ah, qiimayn ayaa lagu samaynayaa iyadoo la tixgelinayo xaaladda shakhsi ahaaneed. Iyadoo la tixgalinayo xaaladdaada gaarka ah, haddii xabsiga maamulka uu lagama maarmaan yahay ama haddii shuruudaha meesha lagugu hayo ay ku habboon yihiin baahiyahaaga gaarka ah ayaa la qiimeyn doonaa. Sababtan awgeed, aad ayay muhiim u tahay inaad mas’uuliyiinta u gudbiso xaaladdaada gaarka ah iyo kuwa xasaasiga ah ba.

 Intaa waxaa dheer, haddii lagugu geystay jirdil, faraxumeyn ama xadgudub kale oo nafsi ah, jireed ama galmo si kastaba, waxaan kugula talineynaa inaad ku wargeliso mas’uuliyiinta adiga oo aan daahin. Waa wax la fahmi karo in aad ka labalabaynayso in aad la wadaagto dhibaatadii aad soo martay. Waxaad u sheegi kartaa mas’uulyiinta inaad rabto inaad la kulanto cilmi-nafsi yaqaanka ama shaqaalaha bulshada ee machadka. Iyadoo la raacayo shuruucda Turkiga, waa lagama maarmaan in lagu siiyo fursado daaweyn oo kugu filan si loo magdhabo waxyeelada ay geysteen falalkan.

Dadka ku jira xabsiga maamulka waxay xaq u leeyihiin inay la kulmaan qaraabadooda oo ay qaabilaan martida. Si kastaba ha ahaatee, si qaraabadaada ama booqdayaashaadu ay kuu arkaan, waxaa lawaydiin karaa inay tusaan dukumeenti aqoonsi oo caddaynaya qaraabada ama xidhiidhka idinka dhexeeya.

 Waxaad sidoo kale xaq u leedahay inaad aragto garyaqaankaaga intaad ku jirto xabsiga maamulka. Intaa waxaa dheer, waxaad xaq u leedahay inaad la xiriirto nootaayada dadweynaha, mas’uuliyiinta qunsuliyada ee waddanka aad u dhalatay, ama Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga.

Haddii aad rabto inaad si iskaa ah ama ikhtiyaari ah ugu laabato dalkaagi hooyo ama Degganaanshihii hore, waxaad go’aankaaga u gudbin kartaa maamulka. Maadaama go’aankani yahay mid aad xasaasi u ah, waxaan kugula talineynaa inaad sameyso go’aankaaga ka dib markaad si fiican u daashid saameynta suurtagalka ah ee doorashadan.

Codsiga dib u celinta ikhtiyaarka ama iskaaga ah si toos ah macneheedu ma aha in uu dhammaanayo xabsiga maamulka. Natiijada codsigan awgeed, xabsi kuhaynta maamulka ayaa laga yaabaa inay dhammaato, go’aan ayaa laga yaabaa in la qaato si loo dhaqan geliyo tallaabooyin kale oo lagu hayo xabsiga maamulka, ama waxaa laga yaabaa inaad ku sii jirto xabsiga maamulka.

Safarka iyo kharashaadka la midka ah ee dib u noqoshada ikhtiyaarka ama iskaaga ah ayaa la filayaa inay iska bixiyaan shakhsiyaadka laftooda. Haddii aadan dabooli karin kharashyadan, waxaa lagu siin karaa taageero nooc alaab ahaan ama lacag caddaan ah, haddii ay suurtagal tahay. Si kastaba ha ahaatee, waa inaad tixgelisaa in bixinta taageerada noocaas ahi ay qaadan karto wakhti go’an oo aad ku sii socon karto muddadan.

Haddii aanad wadanin dukumeenti sax ah oo kuu ogolaanaya inaad safarto, dukumentiyadan ayaa loo baahan doonaa in aad labixdo. Nidaamyadani waxay qaadan karaan wakhti in la dhammaystiro.

Waxaan isticmaalnaa cookies si aan kaaga caawino horumarinta khibradaada khadka tooska. Markaad isticmaalayso mareegahayaga, waxaad ogolaatay tan. Si aad wax badan uga barato akhri shuruudahayaga isticmaalka iyo sharciyadayada qarsoonaanta