Shuruudaha iyo xaaladaha

Shuruudaha iyo xaaladaha

Bogaggaan mareegaha waa kuwo si adag loogu talagalay ujeeddooyin macluumaad, mana aha in wax halkan lagu soo bandhigay loo isticmaalo beddelka talada qareenka. Nuxurka boggagaan mareegaha waxa ay ka kooban yihiin xog guud oo ku salaysan sharciga iyo qawaaniintaTurkiga, mana bixiyaan wax talo ah, soo jeedin ah, la-talin sharci ah, iyo kaalmo sharci toona. Soo gudbinta macluumaadkan kama dhigna xiriir qareen iyo macmiil. Xuquuqda Qaxoontiga Turkiga iyo Shabakadda Wadajirka Qaxooti kama mas’uul ah waxyeello kasta oo ka dhalan karta si toos ah ama si dadban isticmaalka macluumaad kasta, nuxur, qoraal iyo qalab kasta oo ku jira mareegahan. La-talinta sharciga waa in lagu saleeyaa duruufaha gaarka ah ee kiis kasta, sharciyaduna inta badan way isbedelaan. Waxa laga yaabaa in nuxurka ku jira mareegahani aanay ka tarjumayn xogtii u dambaysay, sidaa awgeed booqdayaashu waa inay la tashadaan wakiil sharci ka hor inta aanay qaadin tallaabo dheeraad ah.

Intaa waxa dheer, waxaanu ixtiraamaynaa sirtaada, waxaana rabnaa inaad fahanto noocyada xogta la ururiyo iyo hab-socodka marka aad booqato mareegahayaga.

Xogta kaliya ee aan aruurineyno waa Google Analytics, si aan u barano sida booqdayaashayadu u helaan boggayaga, iyo boggaga ay inta badan isticmaalaan. Shakhsi ahaan kuguma aqoonsan karno macluumaadkan. Waxaad wax badan ka baran kartaa siyaasaddayada Qarsoonnimada iyo Shuruucda bogga ee hoose ku xussan. Haddii aad qabto wax su’aalo ah, waxaad la xiriiri kartaa Refugee Solidarity Network (Shabakadda Wadajirka Qaxootiga) ama Refugee Rights Turkey (Xuquuqda Qaxootiga Turkiga).

Shuruudaha iyo xaaladaha

  1. Shuruudaha

Markaad gasho shabakadaha www.multecihaklari.info iyo www.refugeerights.info, waxaad ogolaatay in lagugu xidho shuruudaha adeega, dhammaan sharciyada iyo qawaaniinta lagu dabaqi karo, waxaadna ogolaatay inaad mas’uul ka tahay u hogaansanaanta sharci kasta oo maxalli ah. Haddii aadan ku raacsanayn mid ka mid ah shuruudahan, waxaa kaa mamnuucay ah isticmaalka ama gelitaanka boggan. Agabka ku jira mareegahaan waxaa ilaalinaya xuquuqda daabacaada iyo sharciga ganacsiga.

      2. Isticmaal Shatiga

Ogolaanshaha waa la oggolaaday in si ku-meel-gaar ah loo soo dejiyo hal nuqul oo ka mid ah agabyada (macluumaadka ama softiweerka) ee Shabakadda Wadajirka Qaxootiga (Refugee Solidarity Network, RSN) iyo Websaydhada Xuquuqda Qaxootiga ee Turkiga (Refugee Rights Turkey, RRT) ee daawashada shakhsi ahaaneed, daawashada ku meel gaadhka ah ee aan ganacsi ahayn oo kaliya. Tani waa deeqda shatiga, ma aha wareejinta lahaanshaha, shatigan hoostiisana, ma dhici kartid:

  • Inaad wax ka beddesho ama nuqul ka sameyso agabka;
  • Inaad u isticmaasho agabka ujeedo kasta oo ganacsi, ama bandhig kasta (ganacsi ama mid aan ganacsi ahayn);
  • Inaad ka saarto wixii xuquuq daabacan ah ama qoraalada kale ee lahaanshaha agabka; ama

Shatigan si toos ah ayuu u joojinayaa haddii aad ku xad gudubto mid ka mid ah xannibaadaha waxaana laga yaabaa inay joojiso RSN iyo/ama RRT wakhti kasta.

        3. Afeefasho

Agabka ku jira shabakadaha RSN iyo RRT waxa lagu bixiyaa ‘sida’ ku salaysan. RSN iyo RRT ma bixiyaan wax dammaanad ah, la caddeeyey ama la maldahay, sidaana u afeeftaan oo burinaya dhammaan dammaanadaha kale oo ay ku jiraan, xaddidnaad la,aan, damaanadaha qarsoon ama shuruudaha ganacsiga, ku habboonaanta ujeedo gaar ah, ama jabin la’aanta hantida aqooneed ama ku xadgudubka kale ee xuquuqda.

      4. Xaddidaadyo

Marnaba RSN iyo RRT ama bixiyeyaasheeda mas’uul kama noqon doonaan wixii waxyeelo ah (ay ku jirto, xad la’aan, dhaawaca luminta xogta ama faa’iidada, ama joojinta adeegga) ee ka dhasha isticmaalka ama awood la’aanta isticmaalka agabyada RSN iyo RRT’s mareegaha internetka, xitaa haddii RSN iyo RRT ama RSN iyo RRT wakiil idman lagu ogeysiiyay hadal ama qoraal ah suurtagalnimada waxyeelladaas.

       5. Saxnaanta agabyada

Agabka ka muuqanaya shabakadaha RSN iyo RRT waxa ka mid noqon kara khaladaad farsamo, qoraaleed, ama sawireed. RSN iyo RRT ma dammaanad qaadayaan in mid ka mid ah qalabka ku jira mareegaha uu yahay mid sax ah, dhamaystiran ama hadda jira. RSN iyo RRT waxa laga yaabaa inay wax ka beddelaan agabka ku jira mareegaha internet ka wakhti kasta ogeysiis la’aan. Si kastaba ha ahaatee, RSN iyo RRT ma sameeyaan wax ballanqaad ah si ay u cusboonaysiiyaan agabka.

       6. Sharci Maamulka

Shuruudahan iyo xaaladahaan waxaa lagu maamulaa oo loo macneeyay si waafaqsan shuruucda Gobolka New York ee wadanka Maraykanka, sharciyada Jamhuuriyadda Turkiga, iyo Qaanuunka Ilaalinta Xogta Guud ee Midowga Yurub (EU) 2016/679 (“GDPR) ”), oo aad si aan ka noqosho lahayn u gudbiso awoodda gaarka ah ee maxkamadaha dalka, gobolka, ama goobta ay khusayso.

Siyaasadaha khaaska

Waxaan qiimaynaa kalsoonidaada waxaanan si dhab ah u qaadanaa sirtaada iyo ilaalinta macluumaadka isticmaalaha. Intaa waxaa dheer, waxaan ula dhaqannaa macluumaadka isticmaalaha mid gaar ah oo sir ah. Siyaasadaha Khaaska ah (“Siyaasadda”) waxa ay qeexaysaa sida aan ula dhaqmo macluumaadka isticmaalaha laga soo ururiyo mareegahayaga.

Macluumaadka aan ururinno iyo sida aan u isticmaalno macluumaadka isticmaalaha

Xogta Raadraaca

Marka aad gasho mareegahayaga, waxaanu qabsanaa, duubnaa oo aanu haynaa xogta guud ee ku saabsan isticmaalkaaga mareegahayaga oo ay ku jiraan, iyada oo aan xaddidnayn, magac ciwaaneedkaaga, borotokoolka internetka (IP) ciwaanka, magaca iyo goobta bogga shabakadda ee aad ka soo gashay mareegahayaga, goobaha aad booqato gudaha mareegahayaga iyo inta wakhtiga aad ku bixiso bog kasta oo ka mid ah mareegahayaga (si wada jir ah, “Warbixinta Dabagalka”). Waxaan u isticmaalnaa Xogta Dabagalka si aan gacan uga geysanno maamulida, cusboonaysiinta iyo horumarinta mareegahayaga.

Google Analytics (Falanqeynta googolka)

Si ay nooga caawiso falanqaynta taraafikada mareegahayaga, waxaan sidoo kale isticmaalnaa Falanqaynta Googolka. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida  Falanqaynta Googolku isticmaali karo macluumaadka gaarka ah, fadlan guji xiriirkan si uu kuugu jiheeyo bogga, “How Google uses data when you use our partners’ sites or apps” (“Sida Googalku uu u isticmaalo xogta marka aad isticmaaleyso boggaga ama apps-ka shuraakadayada”).

Cookies (Kukiyada)

“Kukiyada” waa qaybo ka mid ah xogta laga soo diray server-ka shabakada oo loo diro biraawsarka mareegaha taas oo u sahlaysa server-ka shabakadu inuu aqoonsado isticmaalayaasha booqda shabakadaha uu martigeliyay serverku. Waxaan u isticmaalnaa kukiyada si aan u aqoonsano booqdayaasha mareegaha si aan kuu siino macluumaad iyo adeegyo badan oo la habeeyey. Mareegaha RSN iyo RRT waxay isticmaalaan kuukiyada Falanqaynta Googol si ay nooga caawiyaan falanqaynta sida booqdayaashu u isticmaalaan goobta. ikhtiyaarkaaga, waxaad u habeyn kartaa biraawsarkaaga inuusan ka aqbalin cookies-ka mareegahayaga. Si kastaba ha noqotee, haddii aadan ka aqbalin cookies-ka boggayaga, waxaa laga yaabaa inaad lumiso gelitaanka shabakadaha ama waxaad la kulmi kartaa hoos u dhac ku yimaada waxqabadka shabakadaha.

Xuquuqda Uruurinta Xogta Yurub

RSN iyo RRT waxay u adeegi karaan shakhsiyaadka ka socda Aagga Dhaqaalaha Yurub (“EEA”). Si aan ula shaqayno shakhsiyaadkan, waxa laga yaabaa in aan ka wareejino macluumaadka shakhsi ahaaneed ee shakhsiyaadka (“Mawduucyada Xogta”) ee ku yaala gudaha EEA. Macluumaadka shakhsiyeed ee laga yaabo in aanu ka soo ururinay Mawduuca Xogta ee EEA waxaa ka mid ah ciwaanada IP-ga ee isticmaalayaasha iyo macluumaadka ay bixiso dabagalka kuukiyada ee ku saabsan sida isticmaalayaashu ula falgalaan mareegahayaga.

Dhammaans hakhsiyaadka xogtooda gaarka ah ay hayaan RSN iyo RRT waxay xaq u leeyihiin:

  • Inay waydiiyaan macluumaadka ay RSN iyo RRT ka hayaan iyaga iyo sababta ay ooga hayaan;
  • Inay weydiiyaan nuqulka macluumaadkaas ama helitaanka macluumaadkaas;
  • In lagu wargeliyo sida loo saxo ama xogtaas loo cusbooneysiiyo; iyo
  • in lagu wargeliyo sida RSN iyo RRT ay u gudanayaan waajibaadkooda ilaalinta xogta.

Intaa waxaa dheer, xogta lagu ururiyay EEA, maadooyinka xogta waxay xaq u leeyihiin:

  • In la weydiiyo nuqul ka mid ah macluumaadkaas in loo diro cid saddexaad;
  • Inay codsadaan in xogta la tirtiro haddii ay suurtagal tahay oo looga baahan yahay GDPR;
  • Inay waydiistaan socodsiinta macluumaadka shakhsiyeed in la xaddido haddii ay suurtagal tahay oo looga baahan yahay GDPR;
  • Inay diidaan habaynta macluumaadka shakhsiyeed haddii ay suurtagal tahay oo looga baahan yahay GDPR;
  • Inay diidaan go’aan qaadasho toos ah meesha ay khuseyso; ayna laxiriiraan hay’adda kormeerka ee EEA si ay u gudbiyaan cabasho ku saabsan habka RSN iyo RRT ee macluumaadkooda shakhsiyeed.

U wareejinta dibadda

Marka la eego adeegyada lagu bixiyo mareegahayaga, waxa laga yaabaa inaan ku wareejino xogtaada shakhsiyeed meel ka baxsan EEA, oo ay ka jirto awood aanay u aqoonsan guddiga Yurub inay bixiso ilaalin u dhiganta xogta shakhsiyeed sida lagu bixiyo Midowga Yurub. Haddii iyo ilaa xadka aan sidaa yeelno, waxaan hubin doonaa in tillaabooyin ku habboon ay jiraan si aan ugu hoggaansanno waajibaadkayaga sida waafaqsan sharciga lagu dabaqi karo ee xukun wareejintaas. Kuwaas waxaa ka mid noqon kara fulinta Model Clauses ay ansixiyeen ujeedadan guddiga Yurub ama, marka la eego wareejinta EU-da ee Mareykanka, hubinta in wareejinta ay daboosho qaabka gaashaanka sirta ah ee EU-US iyadoo la raacayo Go’aanka Guddiga Yurub 2010 /87/EC. Haddii aad jeclaan lahayd inaad hesho tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan tallaabooyinka aanu ka qaadnay arrintan, fadlan nagala soo xidhiidh info@mhd.org.tr iyo/ama info@refugeesolidaritynetwork.org.

Su’aalo ama Walaacyo

Haddii aad wax su’aalo ah ama walaac ah ka qabto siyaasaddan, fadlan noogu soo dir emailka: info@mhd.org.tr iyo/ama info@refugeesolidaritynetwork.org

 

Waxaan isticmaalnaa cookies si aan kaaga caawino horumarinta khibradaada khadka tooska. Markaad isticmaalayso mareegahayaga, waxaad ogolaatay tan. Si aad wax badan uga barato akhri shuruudahayaga isticmaalka iyo sharciyadayada qarsoonaanta