Ku saabsan goobtan

Ku saabsan goobtan

Mareegtan waxa loo sameeyay oo ay gacanta ku hayaan Shabakadda Wadajirka Qaxootiga (Refugee Solidarity Network, RSN) iyo Xuquuqda Qaxootiga Turkiga (Refugee Rights Turkey, RRT) ujeeddaduna tahay in la siiyo macluumaad sharci ah oo sax ah oo cusub kuwa doonaya inay fahmaan xuquuqda, nidaamyada iyo waajibaadka khuseeya dadka raadinaya magangalyada Turkiga. Dhammaan macluumaadka ku jira mareegahan waxaa soo saartay RRT qaab dhismeedka mashruuca iskaashiga RSN.

 

Websaydhku wuxuu bixiyaa macluumaad dhamaystiran oo sharci ah oo loogu talagalay qaxootiga Suuriya ka yimid iyo sidoo kale kuwa ka yimid dalalka kale ee asalka ah. Mareegta waxaa loogu talagalay ujeeddooyin macluumaad oo keliya. Qaxootiga iyo magangelyo-doonka raadinaya talo iyo kaalmo dheeraad ah oo ku saabsan arrimaha sharciga waxay la xiriiri karaan Miiska Caawinta Qaxootiga ee RRT.

 

Shabakadda Wadajirka Qaxootiga (Refugee Solidarity Network, RSN) waa urur aan faa’iido doon ahayn oo fadhigoodu yahay Maraykanka, kaas oo doonaya in uu ilaaliyo xuquuqda dadka laga ruqseeyey guryahooda iyo xoojinta bulshooyinka meelaha ay badbaadada ka raadsadaan. Iyada oo lala kaashanayo u doodayaasha iyo daneeyayaasha maxalliga ah, RSN waxay horumarisaa awoodda dalalka martida loo yahay ee qaxootiga ee ka baxsan Mareykanka waxayna horumarisaa qaab-dhismeedka sharciga ee ilaalinaya xuquuqda aadanaha. RSN waxa ay aaminsantahay kakanaanta socdaalka qasabka ah in ay u baahantahay jawaab celin dabacsan oo wada shaqayneed oo diirada lagu saarayo sidii xal waara loo gaari lahaa.
www.refugeesolidaritynetwork.org

Xuquuqda Qaxootiga Turkiga ama Refugee Rights Turkey (RRT) (Af-Turki: Mülteci Hakları Merkezi) waa hay’ad madax-banaan oo fadhigeedu yahay Istanbul, kaas oo bixiya la-talin sharci oo gaar ah iyo adeegyo gargaar oo lasiinayo qaxootiga, magangalyo-doonka iyo soogalootiga kale ee nugul dalka Turkiga gudihiisa. RRT waxay sidoo kale siisaa agab tixraac sharci ah, tababaro adeegyo kale oo taageero khibrad leh ah qareennada iyo NGO-yada xirfadlayaasha sharciga ah, waxayna u dooddaa kor uqaadida sharciga Turkiga iyo siyaasadaha saameeya qaxootiga iyo muhaajiriinta si waafaqsan heerarka caalamiga ah iyo kuwa Yurub.
www.mhd.org.tr

Macnaha guud ee magangalyada Turkiga
Turkiga ayaa hadda martigeliya in ka badan 3.6 milyan oo qaxooti ah oo ka yimid dalka ay deriska yihiin ee Suuriya marka lagu daro qiyaastii 300,000 oo magangalyo doon ah oo ka yimid dalal kale oo asal ah oo ay ku jiraan Afgaanistaan, Ciraaq iyo Iran. Wadanku waxa kale oo uu la tacaalaa qulqulka socdaalka aan caadiga ahayn ee inta badan uga sii gudba Turkiga jihada Midowga Yurub. Nidaamka socdaalka iyo magangalyada ee Turkiga waxaa maamula Agaasinka Guud ee Maareynta Socdaalka (DGMM) iyadoo loo cuskanayo sharciga ajaanibka iyo ilaalinta caalamiga ah (LFIP), kaasoo dhaqan galay 2014kii.

 

Iyadoo qaxootiga Suuriya ay hoos imaanayaan siyaasadda ilaalinta ku meel gaadhka ah ee Turkiga, codsiyada magangalyada ee wadamada kale ee asal ahaan ka soo jeeda waxaa lagu farsameeyaa qaabka nidaamka ilaalinta caalamiga ah ee ay dejisay LFIP. Inkasta oo labada hab lagu maamulo shuruudo iyo habraacyo kala duwan, DGMM waa hay’adda Dawladda Turkiga mas’uul ka uga ah diiwaangelinta iyo go’aaminta dhammaan codsiyada magangelyo ee dalka Turkiga. Mareegahani waxa uu bixiyaa macluumaad faahfaahsan iyo tilmaamo khuseeya labada hab-raacba, oo markaa loogu talagalay qaxootiga Suuriya iyo magangelyo-doonka ka yimid dalalka kale oo asal ah.

Wada hadal iskaashi ee RSN-RRT
Tan iyo 2015, RSN iyo RRT waxay ka shaqaynayeen iskaashi dhow oo leh yoolalka ballaarinta iyo xoojinta adeegyada sharciga ee RRT ee qaxootiga iyo soogalootiga iyo horumarinta barnaamij karti-dhis oo dhammaystiran kaas oo khibrad u siiya qareennada iyo xirfadlayaasha kale ee Turkiga sharciga qaxootiga iyo siyaasadda. Dadaallada RSN iyo RRT ee lagu xoojinayo helitaanka iyo tayada matalaadda sharci ee magangelyo-doonka iyo soogalootiga ee Turkiga waxay sidoo kale ku lug leedahay taageerada nidaamka gargaarka sharciga ah ee ay dawladdu maalgeliso (Adli Yardim) oo ay maamusho ururada qareennada.

 

Iyadoo ilaalinta sharciga ah ee qaxootiga iyo horumarinta adeegyada gargaarka sharciga ee Turkiga ay tahay diiradda isla markiiba ee qaab dhismeedka RSN-RRT, labada urur ayaa sidoo kale ka wada shaqeeya inay gacan ka geystaan dadaallada la midka ah ee horumarinta hababka ku salaysan xuquuqda iyo dhisidda awoodda ee qaran kale, gaar ahaan wadamada la barbardhigi karo ee Koonfurta Caalamiga ah ama martigelinaya qaxootiga tirada badan ee la midka ah ama la tacaalida qulqulka socdaalka ee adag.

Waxaan isticmaalnaa cookies si aan kaaga caawino horumarinta khibradaada khadka tooska. Markaad isticmaalayso mareegahayaga, waxaad ogolaatay tan. Si aad wax badan uga barato akhri shuruudahayaga isticmaalka iyo sharciyadayada qarsoonaanta