Helitaanka Adeegyada RRT

Xuquuqda Qaxootiga Turkiga (Refugee Rights Turkey, RRT) waa urur bulsho rayid ah oo madax-banaan oo xarunteedu tahay Istanbul. RRT waxay bixisaa macluumaad sharciyeed oo khaas ah, lacag la’aana ah iyo adeegyo caawimo oo ay siinayso qaxootiga, magangalyo doonka, iyo soogalootiga nugul ah ee imaanada Turkiga.

RRT waxay ku takhasustay inay ka caawiso ka-faa’iideystayaasheeda su’aalaha ku saabsan diiwaangelinta Madaxtooyada Maareynta Socdaalka (PMM, oo hore loogu yiqiin Agaasinka Guud ee Maareynta Socdaalka ama DGMM), noocyada kala duwan oo ah go’aannada aan la jeclayn ee ay soo saarto PMM sida go’aamada masaafurinta iyo kuwa saameeya helitaanka xuquuqaha aasaasiga ah ee aadanaha. Iyadoo ay ku xirantahay meesha uu joogo ka faa’iideystaha, iyada ama isaga dayacankiisa iyo baaxadda dhibaatada ay wajahayaan, kooxda RRT waxay bixin karaan adeegyo kala duwan oo u dhexeeya la-talin taleefoon ilaa iyo qorista/ gudbinta codsiyo, ku lug lahaanshiyaha dacwadaha, lasocoshada ballamaha ka faa’iideystayaashu ay laleeyihiim maamulka, booqashada xabsiyada ay kujiraan ka faa’iideysadayaasha, iyo bixinta u gudbinta adeeg bixiyayaasha kale.

RRT ayaa ku caawin karta haddii aad raadinayso macluumaad iyo taageero ku saabsan mid ka mid ah maadooyinka soo socda:

  • Markii ugu horeysay ee la diiwaan geliyo ilaalinta caalamiga ah,
  • Heerar kala duwan ee nidaamka codsiga ilaalinta caalamiga ah, oo ay ku jiraan xaaladaha go’aaminta waraysiyada,
  • Go’aannada ay gaaraan mas’uuliyiinta socdaalka ee ku saabsan sharcigaaga:
    • Go’aannada xaaladda xun (oo hoos imaanaya hababka laga wadasimanyahy iyo kuwa la dedejiyay)
    • Go’aamada Guddiga Qiimaynta Ilaalinta Caalamiga ah
    • Ka noqoshada go’aannada daahsoon
    • Burinta go’aamada
    • Joojinta go’aamada
  • Nidaamyada iyo adeegyada PMM guud ahaan, oo ay ku jiraan codsiyada lagu beddelayo qofka diiwaangelinta magaaladiisa ama oggolaanshaha safarkiisa,
  • Aqoonsiga Codsadaha kaarka Ilaalinta Caalamiga ah ama arrimaha qofka haysto kaarka aqoonsiga ee Heerka Ilaalinta Caalamiga ah,
  • Go’aamada masaafurinta,
  • Maamul haynta ama tillaabooyin kale oo lagu hayo maamulka,
  • Aqoonsiga iyo ilaalinta carruurta aan lala socon iyo kuwa waalid la’aanta ah,
  • Codsiyada isu-keenida qoyska ee carruurta aan lala socon,
  • Helitaanka adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada dadweynaha,
  • Macluumaad ku saabsan adeegyada kaalmada bulshada ee laga heli karo degaankaaga,
  • Helitaanka xuquuqaha kale (xuquuqda madaniga ah, xuquuqaha shaqada iyo kuwa khuseeya guriyeynta, kiraynta iyo lahaanshaha hantida),
  • Helitaanka dawooyinka sharciga ah (dacwooyinka booliiska ama xafiiska xeer ilaalinta ee ku saabsan jebinta xuquuq kasta).

Fiiro gaar ah: 

Dhammaan ka-faa’iideystayaasha waxay la xiriiri karaan RRT oo ay ku heli karaan caawimaad xagga taleefanka iyadoo loo marayo lambarrada soo socda Isniinta illaa Jimcaha laga bilaabo 9:30 illaa 17:30.


Miiska Caawinta Qaxootiga ee RRT

Kani waa lambarka xidhiidhka muhiimka ah ee su’aalaha weydiina:

+90 850 218 48 30


Miiska Caawinta kuwa xabsiyada kujiro ee RRT

Fiiro gaar ah: Lambarkan waxaa loogu talagalay wicitaanada si toos ah uga imaanaya shaqsiyaadka lagu hayo xabsiyada maamulka ee Turkiga oo dhan, ama xubnaha qoyskooda ama kuwa kale ee raba inay keenaan kiis shaqsi xiran fiirada gaarka ah ee RRT. Sida degdegga ah ee weydiimahan oo kale awgeed, waxaan si naxariis leh u codsanaynaa in dhammaan weydiimaha kale lagu hagaajiyo miiska caawinta qaxootiga ee RRT adigoo wacaya lambarka kor ku qoran.

+90 507 218 62 85

Miiska Caawinta Carruurta Aan Lala Soconin ee RRT

Fiiro gaar ah: Lambarkan waxaa loogu talagalay in lagu waco carruurta aan lala  socon ee ka yar 18 sano iyo kuwa dhawaan 18 jirsaday ee Turkiga waxaana loogu talagalay in lagu xalliyo su’aalaha ku saabsan ilaalinta ay u fidiyaan carruurta aan lala soconin ee Turkiga PMM iyo Wasaaradda Qoyska iyo Adeegga Bulshada.

+90 549 510 52 06

 

Waxaan si naxariis leh ku martiqaadeynaa dhammaan noocyada su’aal weydiimaha iyo codsiga ka yimaada shakhsiyaadka aan qaxootiga ahayn ama magangelyo-doonka ah, oo ay ku jiraan NGO-yada kale iyo ururada qareenada si ay ugu hagaajiyaan su’aalahan Miiska Caawinta Qaxootiga ee RRT +90 850 218 48 30, ama doorbidaya ciwaanka iimaylka: info @mhd.org.tr

Waxaan isticmaalnaa cookies si aan kaaga caawino horumarinta khibradaada khadka tooska. Markaad isticmaalayso mareegahayaga, waxaad ogolaatay tan. Si aad wax badan uga barato akhri shuruudahayaga isticmaalka iyo sharciyadayada qarsoonaanta