Diiwaangelinta iyo heerka ay marayso

Dadka lagu qasbay inay ka soo cararaan dalalkoodii hooyo sabab dagaal ama cadibaad darteed ah oo aan awoodin inay dib ugu laabtaan waxay xaq u leeyihiin inay magangalyo ka raadsadaan Turkiga. Habraacyada khuseeya magangelyada Turkiga waxaa xukuma Sharciga Ajaaniibta iyo Magangalyada Caalamiga ah (No. 6458). Madaxtooyada Maareynta Socdaalka ee hoos timaada Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ah hay’adda dawladda loo igmaday mas’uuliyaddaha ku saabsan hab-raacyacda magangalyada. Madaxtooyadda Maareynta Socdaalka ayaa ku leh agaasime-goboleedyo gobol kasta, waxaana kuwan loo yaqaan Agaasinka Gobolka ee Maareynta Socdaalka.

 Haddii aadan awoodin inaad dalkaagii hooyo ugu laabato sababo dagaal iyo cadibaad ah, waa inaad codsatid magangalyo. Codsigan waxa loo yaqaan “codsiga ilaalinta caalamiga ah.” Si aad u diiwaan geliso codsigaga magangalyada caalamiga ah, waxaad si toos ah u tagi kartaa Agaasinka Gobolka ee Maareynta Socdaalka ee ku yaala magaalada aad joogto.

Haddii aad soo gudbisato codsiga magangalyada caalamiga ah, waxaa laguu ogolaan doonaa inaad joogtid Turkiga ilaa inta ay Madaxtooyada Maareynta Socdaalka go’aan ka gaarayso codsigaaga. Inta lagu jiro habkan, waxaad ka faa’iidaysan doontaa qaar ka mid ah xuquuqaha iyo adeegyada aasaasiga ah, sida waxbarashada haddii aadna la kulanto shuruudaha qaarkood, daryeelka caafimaadka. Haddii go’aanka Madaxtooyada Maareynta Socdaalka uu yahay mid togan oo lagu siiyo aqoonsiga magangalyada caalamiga ah, waxaad xaq u yeelan doontaa inaad sii joogto Turkiga.

Haddii aadan awoodin inaad ku laabato dalkaagii hooyo sabab ka cabsitaan ah in:

  • lagu silciyo sabab la xiriirta jinsiyadaada, diintaada, fikirkaaga siyaasadeed, dhalashadaada ama xubinnimadaada koox bulsho oo gaar ah darteed; ama
  • rabshado aan loo meel dayin oo ka dhasha xaalad dagaal la hubaysan yahay oo caalami ah ama mid sokeeye; ama
  • in lagugu handaday/dulmay ciqaab dil ah, jirdil, ula dhaqmitaanka sida bini’aadantinimada ka baxsan ama si sharaf riditaanka ah ama ciqaab;

Waxaad xaq u leedahay inaad ka faa’iidaysato ilaalinta caalamiga ah gudaha Turkiga.

Muwaadiniinta Jamhuuriyadda Carabta ee Suuriya, iyo sidoo kale dadka aan wadanba lahayn iyo qaxootiyadiii  hore u degenaa Suuriya, ee ka yimi dalka Jamhuuriyada Carabta ee Suuriya yimidna dalka Turkiga waxa ay marayaan nidaam magangalyo oo gaar ah oo loo yaqaan “ilaalin ku meel gaadh ah.” Iyadoo la raacayo sharcigan, dadka ka imaanaya Suuriya waxaa loo oggolaaday inay si sharci ah ku joogaan Turkiga oo ay helaan xuquuq iyo adeegyo gaar ah. Maadaama uu jiro hab-raac magangalyo oo gaar ah oo si gaar ah loogu talagalay dadka ka imaanaya Suuriya, muhiim ma’aha inay soo gudbiyaan codsi dheeri ah si ay u helaan magangalyada caalamiga ah.

Soo gudbinta codsiga magangalyada caalamiga ah waxay ku siinaysaa xaqa aad si sharci ah ku joogeyso gudaha dalka Turkiga. Ka magangelyo-doone ahaan, waxaad ka nabadgeli doontaa khatarta ah in laguu masaafuriyo waddankii hooyo ama waddan kale oo aad halis ku geli karto. Intaa waxaa dheer, waxaad sidoo kale awoodi doontaa inaad ka faa’iidaysato xuquuqaha iyo adeegyada qaarkood sida waxbarashada, muddada halka sano ah ee ku xigta waqtiga codsigaaga magangalyada caalamiga ahna, daryeelka caafimaadka.

Si aad u diiwaan geliso codsigaga magangalyada caalamiga ah, waxaad tagi kartaa Agaasinka Maamulka Socdaalka ee Gobolka magaalo kasta oo aad joogto. Habka codsiga iyo diiwaangelinta waxaa laga yaabaa inay bilaabaan midkood Agaasinka Maareynta Socdaalka ee Gobolka kaasoo aad ka gudbisay codsigaaga, ama waxaa laga yaabaa in laguu gudbiyo xafiiska kale ee Agaasinka Maareynta Socdaalka ee gobol kale. Haddii laguu gudbiyo gobol kale, waxaa lagaa filayaa inaad u safarto magaaladaas oo aad ka xarayso codsigaaga magangalyada caalamiga ah Agaasinka Gobolka ee Maaraynta Socdaalka ee magaaladaas.

Ma jiro waqti sharci ah oo xaddidan oo lagu xareynayo codsiga magangalyada caalamiga ah. Si kastaba ha ahaatee, dadka doonaya in ay magangelyo ka codsadaan Turkiga waxaa lagula talinayaa in ay u tagaan/la-xidhiidhaan madaxda maamulka oo ay bilaabaan dacwadahooda magangalyo sida ugu dhaqsaha badan oo aan dib u dhac lahayn ka dib imaanshahooda gudaha Turkiga.

Markaad xerayso codsigagaa magangalyada caalamiga ah, saraakiishu waxay kula yeelan doonaan waraysi isdiiwaangalineed. Iyada oo ku xidhan culayskooda shaqada ay qabanayaan, masuuliyiintu waxa laga yaabaa in aanay awoodin in ay fuliyaan waraysiga diiwaangelinta isla maalinta aad codsiga sameyso. Haddii ay sidaas tahay, saraakiishu waxay ku siin doonaan taariikh ballan waxayna ku amri doonaan inaad u soo noqoto waraysiga diiwaangelinta.

Inta lagu jiro wareysiga isdiiwaangelinta, saraakiishu waxay ku weydiin doonaan su’aalo aasaasi ah oo ku saabsan aqoonsigaaga iyo sababaha aad uga soo tagtay waddankaagii asalka ahaa. Waxay ku jirtaa dantaada inaad si fiican oo daacad ah uga jawaabto su’aalaha masuuliyiinta intii aad awooddo.

Waxa kale oo lagu waydiin doonaa inaad keento baasaboorkaga, haddii aad mid haysato, iyo dukumeentiyada kale ee aqoonsiga ee aad wadato, iyo sidoo kale dukumeenti kasta oo kale oo la xidhiidha sababaha aad uga soo tagtay dalkaagii. Saraakiisha ayaa ka qaadan doona nuqullo dukumeentiyadan oona kuu soo celin doonaan kuwo asalka ah. Haddi loo arko lagamamaarmaan, saraakiishu waxa ay baadhi karaan alaabtaada iyo shey-yaasha ku jiraan shandadaada. Waxay kaa qaadi doonaan sawirada farahaaga iyo sidoo kale sawirka baasaboorka lagu hagaajiyo ee qaarkaada kore ah. Waxa kale oo laga yaabaa inay go’aansadaan inay kuu gudbiyaan hay’adda caafimaadka dadweynaha si loo eego caafimaadkaada. Haddii aad leedahay xubno qoyskaada ka mid ah oo ku wehlinaaya, sidoo kale waxa la marsiin doona isla habraacaas diiwaangelinta.

Inta lagu jiro waraysiga diiwaangalinta, waxa ay saraakiisha ku siin doonan xog odhaah iyo qoraal ah oo laxidhiidha hababka ay u raacayaan si ay u qiimeeyaan codsigaaga, siyaabaha aad racfaan uga qaadan karto hadii ay dhacdo go’aan diidmo ah, iyo xuquuqdaada iyo waajibaadkaaga ka codsade magangalyada caalamiga ahaan.

Dhammaadka waraysigaaga diiwaangelinta, waxaa lagugu wargelin doonaa taariikhda, wakhtiga iyo goobta ee “waraysigaada shakhsi ahaaneed” (uu dhici doono) kaas oo ku siin doona fursad aad ku sharaxdo sababaha aad uga soo tagtay waddankaagii asalka ahaa iyo cabsida aad ka qabto ku noqoshadiisa si faahfaahsan.

Codsadayaasha magangalyada caalamiga ah iyo xubnaha qoyska ee wehlinaaya ee dhammaystiray diiwaangelintooda ayaa la siinayaa dukumeenti la yiraahdo Dukumeentiga Aqoonsiga ee Codsadaha Magangalyada Caalamiga ah oo ay ku qoran yihiin macluumaadkaaga aqoonsiga oo muujinaya inaad magangalyo caalami ah ka codsatay Turkiga. Dukumeentiga aqoonsigu waxa uu shaqaynayaa oo kaliya wakhti cayiman waana in aad la xidhiidhaa Agaasinka Maaraynta Socdaalka ee Gobolka si loo kordhiyo muddada ansaxnimadiisa. Dukumentiga Aqoonsiga ee Codsadaha Magangalyada Caalamiga ah waxa lagu bixiyaa si bilaash ah.

Dukumentiga Aqoonsiga ee Codsadaha Magangalyada Caalamiga ah waxa kaloo ku qornaan dooona lambarkaaga aqoonsiga ee ajaanibka oo ka bilaabmaya ’99’. Lambarka Aqoonsiga ee Ajaanibka waxa uu ku ogolaanayaa inaad ka faa’iidaysato xuquuqaha iyo adeegyada aasaasiga ah qaarkood sida daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada.

Dadka ka codsanaya magangalyada caalamiga ah Turkiga, uma lahan xaq inay doortaan magaalada ay degayaan. Agaasinka Maareynta Socdaalka ee Gobolka ayaa kugu meelayn doona “magaalo yar oo ku dhagan magaalo madaxeed” halkaas oo lagugu wargelin doono inaad tagto oo aad joogtid ilaa laga dhammeeyo dacwadaada magangalyada.

Magaalada yar ee ku dhagan magaalo madaxeedka ee lagugu meeleeyay ayaa noqon kartaa magaalada aad ka codsatay magangalyada caalamiga ah, ama waxaa laguu gudbin karaa magaalo kale. Haddii ay jirto magaalo gaar ah oo aad door bidayso ama halka ay degan yihiin qaraabadaada kuu dhow dhow, waxaad doorbidkaaga la wadaagi kartaa saraakiisha inta lagu jiro diiwaangelinta. Waxa laga yaabaa inay tixgelin karaan codsigaaga; si kastaba ha ahaatee, ma jiraan wax dammaanad ah oo ku aadan arinkaas.

Agaasinka Maareynta Socdaalka ee Gobolka ee magaalada yar ee ku dhagan magaalo madaxeedka lagugu meeleeyay ayaa laga yaabaa inay kaa dalbadaan inaad si joogto ah u soo xaadirto xafiiskooda. Waxaa lagaa filayaa inaad ka soo baxdo waajibaadkan ku aadan xaadiritaanka. Intaa waxaa dheer, magaalada yar ee ku dhagan magaalo madaxeedka lagugu meeleeyay ayaa lagu muujiyay gudaha Dukumentigaaga Aqoonsiga ee Codsadaha Magangalyada Caalamiga ah. Ka sharci ahaan, codsadayaasha magangalyada caalamiga ah waxay ka heli karaan oo kaliya xuquuqaha iyo adeegyada magaaladooda yar ee ku dhagan magaalo madaxeedka lagugu meeleeyay.

Codsadayaasha magangalyada caalamiga ah waxaa looga baahan yahay inay degaan magaalada yar ee ku dhagan magaalo madaxeedka loo qoondeeyay oo ayna si joogto ah u tagaan. Sidaa darteed, ka hor inta aanad aadin magaaladaada yar ee ku dhan magaalo madaxeedka, waa in aad ogolaansho ka heshaa Agaasinka Maareynta Socdaalka ee Gobolka adiga midkood u tagaya shakhsi ahaan xafiisyadooda ama kala xidhiidhaya e-Devlet. Agaasinka Maaraynta Socdaalka ee Gobolka waxa laga yaabaa ama aansan laga yaabin inuu aqbalo codsigaada. Haddii codsigaaga la aqbalo, waxaa lagu siin doonaa dukumeenti oggolaansho socdaal oo qoran. Haddii aad onlaynka ka codsatay, waxaa lagugu soo ogeysiin doonaa Habka Farriimaha Gaagaaban (HFG). Fadlan daabac dukumeentiga oo hayso/qaado mar kasta inta aad safarka ku jirto.

Ogolaanshaha ku aadan u safrida magaalo kale wuxuu badanaa shaqeeyaa shan iyo toban maalmood. Haddii aadan awoodin inaad ku laabato magaaladaada yar ee ku dhagan magaalo madaxeedka gudaha muddada la oggolaaday, waxaad ka codsan kartaa muddo kordhin Agaasinka Maareynta Socdaalka ee Gobolka ee magaalada aad booqaneyso. Maamulka ayaa laga yaabaa inay aqbalaan ama diidaan codsigaaga. Fadlan maskaxda ku hay in aad soo gudbiso codsiga muddo kordhinta ka hor inta uusan dhicin ogolaanshahaada safarka.

Si aad u hesho dukumeenti oggolaanshaha safarka, waa inaad tagtaa xafiiska Agaasinka Maareynta Socdaalka ee Gobolka ee ku yaala magaaladaada aad iska diiwaangelisay ama aad ka codsato onlayn ahaan adoo isticmaalay e-Devlet. Haddii aad onlaynka ka codsatid, waxaa lagugu ogeysiin doonaa natiijada codsigaaga Habka Farriimaha Gaagaaban (HFG). Haddii lagu siiyo ogolaanshaha safarka, waxaad iskaa u daabacan kartaa dukumeentiga adoon u baahanin inaad tagto Agaasinka Maaraynta Socdaalka ee Gobolka.

Haddii aad ku leedahay xubno qoys oo kuu dhow sida hooyo, aabbe, walaal, xaas, ayeeyo ama awoowe oo si sharci ah ku deggan Turkiga, waxaad codsan kartaa in laguu wareejiyo magaalada ay deggan yihiin. Ama, haddii aad qabto xaalad caafimaad oo halis ah oo ay xarunta caafimaadku kuu gudbiso isbitaal ku yaal magaalo kale, waxaad codsan kartaa in deegaankaaga lagugu wareejiyo magaalada uu ku yaallo isbitaalka laguu gudbiyay. Haddii aad rabto inaad bedesho magaaladaada yar ee ku dhagan magaalo madaxeedka, waxaad u baahan tahay inaad u gudbiso codsi Maamulka Maareynta Socdaalka ee Gobolka ee magaalada aad degan tahay. Codsigaaga waxaa qiimeyn doona maamulka. Waxaa laga yaabaa inaad hesho go’aan togan ama mid taban ah.

Haddii ay jirto sabab kale oo aan kor lagu xusin oo ah sababta aad u rabto in lagugu wareejiyo magaalo kale, waxaad sababtaas ku sharaxi kartaa codsigaaga aad u direyso Agaasinka Maareynta Socdaalka ee Gobolka ee magaaladaada yar ee ku dhagan magaalo madaxeedka ee lagugu meeleeyay. Codsigaaga waxaa qiimeyn doona mas’uuliyiinta; waxaa laga yaabaa in la aqbalo ama la diido.

Haddii aad u hesho go’aan wanaagsan codsigaaga, waa inaad u tagtaa Agaasinka Maareynta Socdaalka ee Gobolka ee magaaladaada yar ee cusub ee ku dhagan magaalo madaxeedka oo aadna dhammaystirtaa diiwaangelintaada.

Marka loo eego sharciga Turkiga, waa inaadan ka bixin magaaladaada yar ee ku dhagan magaalo madaxeedka adigoon ka haysan oggolaansho qoraal ah Agaasinka Maareynta Socdaalka ee Gobolka. Haddii aad ka tagto magaaladaada yar ee ku dhagan magaalo madaxeedka fasax la’aan, Agaasinka Maareynta Socdaalka ee Gobolka ayaa ku soo gunaanadi doontaa inaadan xiisaynaynin sii wadisda codsashadaada magangalyada caalamiga ah waxayna u tixgelin doontaa codsigaga “in looga noqday si dadban.” Tani waxay ka dhigan tahay in dhammaan dacwadaha ku saabsan codsigaaga la joojin doono, oo mar dambe laguuma tixgelin doono inaad tahay codsade magangelyo caalami ah. Sababtan awgeed, waa inaad iska ilaalisaa inaad ka tagto magaaladaada yar ee ku dhagan magaalo madaxeedka fasax la’aan.

Fadlan sidoo kale maskaxda ku hay in, sida sharciga ah, codsadayaasha magangalyada caalamiga ah ay heli karaan oo keliya xuquuqda iyo adeegyada magaalada magaaladooda yar ee ku dhagan magaalada madaxda ee lagu meeleeyay/qoondeeyay. Sidaa darteed, ma awoodi doontid inaad ka hesho xuquuqaha iyo adeegyada (marka laga reebo xaaladaha gaarka ah sida baahida daryeelka caafimaadka degdegga ah) meel ka baxsan magaaladaada yar ee ku dhagan magaalo madaxeedka.

Markii Ugu Danbeysay Waxaa La Cusbooneysiiyay: 03.04.2022

Habraacyada lagu xaqiijinayo ciwaannada deeggaanada ay soo gudbiyeen shakhsiyaadka iska diiwaangeliyay magangalyada caalamiga ah ama magangalyada ku meel gaadhka ah ayaa la fuliyaa si loo hubiyo in ciwaannadani ay la mid yihiin kuwa ku qoran goobaha maqaasiinada xogta ee MERNİS (Nidaamka Maareynta Dadweynaha ee Dowladda Dhexe Laga Xukumo, Af-Turkiga lagu dhaho: Merkez Nüfus İdaresi Sistemi) iyo GÖÇNET. Habraacyada xaqiijinta waxay sidoo kale ujeedadoodu tahay in la xaqiijiyo in shakhsiyaadka ay deggan yihiin gobolkooda diiwaangelinta, sida waajibaadka ugu tahay, halkaas oo ay awood u yeelan doonaan inay ka faa’iidaystaan xuquuqaha iyo habraacyada sida kuwa haysta aqoonsiga magangalyada caalamiga ah ama kuwa haysta aqoonsiga magangalyada ku meel gaadhka ah.

Markii Ugu Danbeysay Waxaa La Cusbooneysiiyay: 03.04.2022

Habraacyada xaqiijinta ciwaanka waxa laga yaabaa in la fuliyo marka la eego shakhsiyaadka ku nool Turkiga ee hoos imaada magangalyada caalamiga ah ama magangalyada ku meel gaadhka ah, iyo sidoo kale xubnaha qoyskooda.

Markii Ugu Danbeysay Waxaa La Cusbooneysiiyay: 03.04.2022

Waa inaad ka codsataa balanta xigta ee suurtogalka ah xafiiskaaga Agaasinka Maareynta Socdaalka ee Gobolka (PDMM) si aad u cusboonaysiiso macluumaadka cinwaankaaga. Waxaad ballan ka qabsan kartaa adigoo isticmaalaya websaydka http://e-randevu.goc.gov.tr/. Ha iloobin inaad u soo qaadato dukumeentiyada lagaa codsaday ballantaada. Wixii macluumaad dheeri ah oo ku saabsan dukumeentiyada aad u baahan tahay inaad la timaado, fadlan eeg su’aasha ku habboon ee hoose.

Markii Ugu Danbeysay Waxaa La Cusbooneysiiyay: 03.04.2022

Waa inaad ballan ka codsataa Maamulka Maareynta Socdaalka ee Gobolka (Provincial Directorate of Migration Management, PDMM), adigoo ka xullanaya doorashada “Adres tescil” (diiwaangelinta ciwaanka) gudaha websaydka https://e-randevu.goc.gov.tr/.

Markii Ugu Danbeysay Waxaa La Cusbooneysiiyay: 03.04.2022

Si aad u cusboonaysiiso ciwaankaada deegaanka, waxaad u baahan doontaa inaad keento koobiga heshiiska kireysashadaada ama biilka tasiilaadka oo magacaaga ku qoran (biilka korontada, biyaha ama gaaska dabiiciga ah) oo muujinaya ciwaankaga. Si loo saxo ciwaanka deganaanka aad siisay Agaasinka Maaraynta Socdaalka ee Gobolka (Provincial Directorate of Migration Management, PDMM), waxa laga yaaba in lagu waydiiyo dukumentiyo dheeraad ah. Waxa kale oo aad codsan kartaa in aad ku beddesho ciwaanka aad haddeer degan tahay mid qof kale oo weyn oo isna halkaas ku nool. Xaaladdan oo kale, PDMM-ka ayaa ku weydiin doonaa warqad oggolaansho oo ka socota  qofka ama dadka ka diiwaangashan isla cinwaankan oo xaqiijinaya inaad sidoo kale deggan tahay ciwaanka.

Markii Ugu Danbeysay Waxaa La Cusbooneysiiyay: 03.04.2022

Si aad u hesho adeegyada iyo kaalmada ay bixiso dowladda Turkiga, waa in aad degtaa gobolka aad iska diiwaan gelisay iyo ciwaanka aad bixisay xilliga habraacyadii diiwaangelinta. Haddii macluumaadka ciwaankaagu aanu diiwaan gashanayn ama la cusboonaysiin, waxa laga yaabaa inaad la kulanto dhibaatooyin ku saabsan Aqoonsigaaga magangalyada caalamiga ah iyo helitaanka xuquuqdaada iyo adeegyadaada.

Codsadayaasha magangalyada caalamiga ah lama siiyo nooc kasta oo taageero hoy-yeeyn ah; waxaa la filayaa in ay hoy u gaar ah ka helaan magaalada yar ee ku dhagan magaalo madaxeedka ee loo qoondeeyay oo ayna habkooda iyaga gaar ah tunka ugu saartaan kharashaadka hoygaas.

Si kastaba ha ahaatee, codsadeyaa aad u yar kuwaas oo loo arko inay si gaar ah u nugul yihiin ayaa laga yaaba in la qaabilo/hoy-yeeyn loo siiyo si bilaash ah. Haddii aad xaalad gaar ah leedahay, waxa aad xogtan la wadaagi kartaa maamulka wakhtiga diiwaangelinta oo waxaadna heli doontaa macluumaad ku saabsan in hoy lagu siin doono iyo in kale.

Carruurta laga soocay waalidiintooda ee dhulka shisheeyaha jooga iyo kuwo aan lala soconon ee doonaya iney ka helaan magangalyada caalamiga ah Turkiga ayaa lagu qaabilaa/hoy-siiyaa si lacag la’aan xarumaha dawladda ee ay u aragto inay ku habboon yihiin Wasaaradda Qoyska iyo Adeegyada Bulshada.

Intaa waxaa dheer, waxaa jira hay’ado siiya adeegyada taageerada iyo kaalmada noocan ah magangalyo-doonayaasha. Waxa laga yaabaa in aad hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan adeegyadan adiga oo markaa la xidhiidhaya ururada bulshada rayidka ah ee ka hawlgala deegaankaaga.

Marka loo eego sharciga Turkiga, da’yarta aan lala soconin, dadka naafada ah, dadka da’da ah, haweenka uurka leh, hooyooyinka kelidood ah ama aabbayaasha kelidoodka ah ee ay ilmo la socdaan, iyo dadka loo geystay jirdil, kufsi, ama rabshadaha kale ee daran ee nafsiyanka, jireedka ama galmeedka ah ayaa loo aqoonsan yahay iney yihiin dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Sharciga lagu dabaqi karo wuxuu dhigayaa in shakhsiyaadka loo aqoonsaday inay yihiin dadka baahiyaha gaarka ah la siinayo mudnaanta helitaanka xuquuqaha iyo hab-raacyada. Haddii adiga ama shakhsiyaad kale oo qoyskaaga ka mid ah aad leedahay/ay leeyihiin xaalad xagga sare lagu taxay, fadlan ka warbixi xaqiiqadan inta lagu jiro diiwaangelinta. Maamulka ayaa laga yaabaa inay go’aansadaan inay kugu siiyaan mudnaan gudaha habka diiwaangelinta. Haddii ay dhacdo inaadan soo sheegin xaaladdaada gaarka ah wakhtiga diiwaangelinta, ama haddii xaaladahani ay soo if-baxeen waqtigaa ka dib, waxaad sidoo kale la xidhiidhi kartaa maamulka diiwaangelinta oo aad ka codsan kartaa in xaaladdaada diiwaangelinta dib loogu eego si ku habboon

“Waraysiga shakhsi ahaanta ah” waa waraysi ay qaadayso Agaasinka Maareynta Socdaalka ee Gobolka halkaas oo aad fursad ugu heli doonto inaad si faahfaahsan ugu sharaxdo sababaha aad uga soo tagtay wadankaagii hooyo iyo cabsida aad ka qabto ku laabashadiisa oo faahfaahsan. Wareysigan ka dib, mas’uuliyiinta ayaa go’aan ka gaari doonaan in xaaladdaadu ay buuxisay shuruudaha sharciga Turkiga ee ku aadan u joogitaankaada Turkiga ka ahaan mid hela magangalyada caalamiga ah iyo in kale. Sidaa darteed, waraysigu waa qaybta ugu muhiimsan ee habka qiimaynta ee codsigaaga.

Inta lagu guda jiro wareysigan, waxaad heli doontaa fursad aad si faahfaahsan ugu sharaxdo, dhibaatooyinka aad kula kulantay dalkaagii hooyo iyo sababaha aad uga baqeyso inaad dib ugu laabato. Waxa kale oo aad heli doontaa fursad aad ku soo bandhigto wixii dukumeenti dheeraad ah oo laga yaabo in aad haysato si ay kaaga taageeraan codsigaaga.

Wareysiga shakhsi ahaanta ah waa in lagu qabtaa soddon maalmood gudahooda laga bilaabo taariikhda waraysiga diiwaangelintaada. Si kastaba ha noqotee, run ahaantii, waxaa laga yaabaa inaad sugto waqti dheer.

Haddii aad leedahay xubno qoyskaada ka mid ah oo kula socda, saraakiisha Agaasinka Maareynta Socdaalka ee Gobolka ayaa laga yaabaa inay rabaan inay waraysiyo gaar ah la yeeshaan qaar ama dhammaantood, haddii ay taasi u arkaan inay lagama maarmaan tahay. Adiga ama xubnaha qoyskaaga ka midka ah ayaa sidoo kale laga yaabaa in la idinku casuumo waraysiyo dheeraad ah wakhti dambe.

Dantaada ayay ku jirtaa inaad si fiican oo daacad ah oona ugu macquulsan aad uga jawaabto su’aalaha saraakiisha intii karaankaada ah si aad ugu fududaato saraakiisha inay go’aan ka gaaraan codsigaaga.

Haddii aadan awoodin inaad kula hadasho saraakiisha Af-Turki ama luqad kale oo aad wada-kaseysaan, waxaad xaq u leedahay inaad hesho turjumaan inta lagu jiro wareysiga isdiiwaangelinta iyo marxaladaha wareysiga shaqsi ahaanta ah labadoodaba. Sida sharciga ah, ogeysiisyada dhammaan heerarka habraaca magangalyada caalamiga ah ayaa ah in lagugu soo gudbiyaa luqad aad fahmi karto. Adeegyada turjubaanka ee ay bixiyaan maamulku waa mid bilaash ah.

Macluumaadka iyo dukumeentiyada aad la wadaagto saraakiisha Agaasinka Maareynta Socdaalka ee Gobolka ayaa ah in loo xafidaa oo loola dhaqmaa si qarsoodi ah oo lalama wadaagi karo qollo saddexaad, hay’ado kale, ama mas’uuliyiinta waddanka aad asa ahaanta kasoo jeedo. Xaqiiqda ah inaad xitaa codsi magangalyo ka codsatay Turkiga ayaa sidoo kale ahaan doontaa mid sir ah oo lalama wadaagi doono mas’uuliyiinta waddanka aad asal ahaanta ka soo jeedo.

Haddii codsigaaga lagu habeeyo si waafaqsan “habraaca caadiga ah,” mas’uuliyiintu waxay ku dadaali doonaan inay go’aan ku soo saaraan lix bilood gudahood. Maamulka ayaa ku ogeysiin doona haddii ay qaadan doonto waqti dheer in la gaaro go’aan.

 

Haddii codsigaaga lagu habeeyo si waafaqsan “habraaca la dardargeliyay,” muddada aad ayey u gaabnaan doontaa. Xaaladdan oo kale, codsigaaga waxaa lagu qiimeyn doonaa shan maalmood gudahood ka dib wareysiga. Fadlan ka eeg qaybta khuseeysa arrinkan macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan habraaca la dardargeliyay.

Mas’uuliyiintu ayaa waxay sameyn doonaan qiimeyn faahfaahsan iyadoo la eegayo sharciga Turkiga ee khuseeya oo ku saleysan macluumaadka iyo dukumeentiyada aad la wadaagtay inta lagu jiray marxaladaha diiwaangelinta iyo wareysiga shakhsi ahaanta ahaa. Iyada oo ku saleysan arrimahan, waxay go’aansan doonaan inaad buuxisay shuruudaha si aad u noqoto mid hela magangalyada caalamiga ah. Inta lagu jiro qiimeynta codsigaaga, marka lagu daro xaaladaada shaqsiyeed iyo macluumaadka iyo dukumentiyada aad wadaagtay, waxaa sidoo kale la tixgelin doonaa xaaladaha guud ee wadanka aad asal ahaanta ka soo jeedo ama wadankaagi hore ee aad deganaan jirtay.

Go’aanka ku saabsan codsigaaga magangalyada caalamiga ah ayaa loo qaadan doonaa mid shakhsi ahaan ku saleysan. Si kastaba ha ahaatee, haddii aad sidoo kale la codsatay xubnaha qoyskaaga, codsigaaga waxaa loo qiimeyn doonaa mid qoys ahaaneed.

Dhamaadka qiimaynta, codsigaada magangalyada caalamiga ah ayaa laga yaabaa in la aqbalo ama la diido. Go’aankan ayaa lagu soo wargelin doonaa adiga ama qareenkaaga, haddii aadba mid leedahay. Haddii go’aan diidmo ah la gaaro, waxaa lagugu wargelin doonaa sababaha go’aankaas, iyo sida aad racfaan uga qaadan karto go’aankan.

Haddii codsigaaga la aqbalo, waxaa lagu siin doonaa aqoonsiga magangalyada caalamiga ah. Dalka Turkiga waxa ka jira saddex nooc oo ah aqoonsi oo magangalyada caalamiga ah: aqoonsiga qaxootinimada, aqoonsiga qaxootinimada ee shuruudaysan iyo aqoonsiga magangalyada dad aan u qalmin magangalyada qaxootinimada.

Haddii aad ka soo jeedo “dalka Yurub ah” (waddan xubin ka ah Golaha Yurub) oona la xaqiijiyo inaad uga soo tagtay waddankaagii asalka ahaanta aad ka soo jeedo cabsi aad ka qabto in lagugu cadibo sabab ah jinsiyaddaada, diintaada, aragtidaada siyaasadeed, dhalashadaada wadaneed ama xubinimadaada koox bulsho gaar ah, waxaa lagu siin doonaa aqoonsiga “qaxootinimo”.

Haddii aadan awoodin inaad ku laabato dalkaagii asalka ahaa cabsi aad ka qabto in laguu cadibo sabab isirkaada, diintaada, fikirkaada siyaasadeed, dhalashadaada wadaneed ama xubinnimadaada koox bulsho oo gaar ah darteed laakiin aad ka timid “wadan aan Yurub ahayn” (dal kasta oo aan xubin ka ahayn Golaha Yurub), waxaa lagu siin doonaa aqoonsigai “qaxootinimada shuruudeysan”.

Haddii la xaqiijiyo in lagugu qasbay inaad ka soo baxsato wadankaagii asal ahaan aad ka soo jeeday oo aadan awoodin inaad ku laabato cabsi aad ka qabo rabsho aan loo meel dayin ee ka dhasha xaalad dagaal hubaysan oo caalami ama mid sokeeya ah, ama sababtoo ah waxaad halis ugu jirtaa in lagugu dacadiyo/ciqaabo dil ama jirdil, hab-dhaqan bini’aadantinimada ka baxsan ama sharaf dhac ah ama ciqaab, waxaa lagu siin doonaa aqoonsiga “magangalyada dadka aan magangalyada qaxootinimada u qalmin”.

Haddii iyo marka lagu siiyo go’aan togan iyo mid ka mid ah saddexda nooc ee aqoonsiyada magangalyada caalamiga ah, adiga iyo xubnaha qoyskaaga ee kula socda waxaa la siin doonaa Dukumeentiga Aqoonsiga ee Helaha Magangalyada Caalamiga ah. Dukumeentigani wuxuu caddaynayaa inaad tahay qof ka hela magangelyo caalami ah Turkiga. Dukumeentigani waxa kale oo ku qoran lambarkaaga aqoonsiga ajnibeed kaas oo ka bilaabmaya ’99’ waxaana lagu bixiyaa si bilaash ah. Dukumeentiga aqoonsigu waxa uu shaqaynayaa oo kaliya wakhti cayiman waana in aad la xidhiidhaa Agaasinka Maaraynta Socdaalka ee Gobolka si aad u kordhisato muddada ansaxnimadiisa.

Haddii iyo marka lagu siiyo mid ka mid ah saddexda nooc ee aqoonsiyada magangalyada caalamiga ah (qaxootinimada, ​​qaxoontinimada shuruudaysan, magangalyada la siiyo qofka aan magalgalyada qaxootinimada u qalmin), ilaa inta xaaladaha wadankaagii asal ahaanta aad ka soo jeedo ay yihiin kuwo aan waxba iska bedelin, ama ilaa aad hesho wadan kale oo diyaar u ah inuu muddo dheer dib u dejin kugu siiyo, waxaa laguu oggolaan doonaa inaad joogtid gudaha Turkiga iyadoo lagu salaynayo aqoonsigaada magangalyada caalamiga ah. Intaa waxaa dheer, ka ahaan qof heysta aqoonsi, waxaad ku raaxaysan doontaa xuquuqaha iyo adeegyada qaarkood sida waxbarashada iyo, in muddo hal sano ah ka dib codsigaaga magangalyada caalamiga ah, daryeelka caafimaadka.

Haddii madaxdu ay diidaan codsigaga, waxay la macno tahay in maamulka qiimaynayay codsigaaga ay ku soo gabagabeeyeen codsigaaga inaadan buuxin shuruudaha u qalmida magangalyada caalamiga ah. Go’aankan waa lala socodsiin/lagu soo wargelin doonaa adiga ama qareenkaaga ama wakiilkaaga sharci ah. Marka laguu soo diraay ogeysiinta go’aanka diidmada ah waa in ay la socdaan sababaha maaddiga ah iyo sababaha sharciga ah ee go’aanka. Waxa kale oo lagugu wargelin doonaa sida aad uga racfaan qaadan karto go’aankan iyo wakhtiga u xaddidan inaad racfaanka ku qaadato.

Haddii aadan rabin inaad rafcaan ka qaadato go’aankan diidmada ah oo aad rabto inaad ku noqoto waddankaagii asal ahaanta aad ka soo jeedo, waxa aad tan la wadaagi kartaa saraakiisha Agaasinka Maareynta Socdaalka ee Gobolka. Saraakiisha ayaa ku ogeysiin doona habraacyada dib u noqoshada ikhtiyaariga ah.

Habraaca iyo waqtiga xaddidan ee ay tahay in racfaanka go’aanka diidmada ah ayaa ku xiran haddii codsigaaga lagu qiimeeyay habraaca caadiga ah ama habraaca la dardargelinta. Fadlan dib u eeg qaybta soo socota si aad u hesho macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan sida rafcaan looga qaato go’aamada diidmada ah ee hoos yimaada habraaca la dardargeliyay.

Haddi codsigaaga lagu habeeyey habraacii caadiga ahaa oo la diiday, waxa jira laba siyaabood oo aad racfaan uga qaadan karto go’aankan diidmada ah. Midda koowaad waa in aad ka codsato Guddiga Qiimaynta Magangalyada Caalamiga ah. Guddiga Magangalyada Caalamiga ah ma aha maxkamad. Waa hay’ad rafcaan ka qaadasho oo ku dhex jirta  Madaxtooyada Maamulka Socdaalka oo dib u eegis ku sameeysa oo laga yaabo inay ka noqoto ama taageerto go’aamada diidmada ah ee ku saabsan codsiyada magangalyada caalamiga ah iyo go’aamada kale ee aan wanaagsanayn ee ay codsadayaashu rabaan inay ka doodaan. Waxaad la xidhiidhi karaa Maamulka Maareynta Socdaalka ee Gobolka ee magaaladaada yar ee ku dhagan magaalo madaxeedka ee lagugu meeleeyay oo aadna ka xareysan kartaa codsi rafcaan ah oo ku wajahan Guddiga Qiimeynta Magangalyada Caalamiga ah toban maalmood gudahooda ka dib ogeysiinta go’aanka. Guddigu waa in ay soo dhamaystiraan rafcaankaaga oo ay ku soo saaraan go’aan shan iyo toban maalmood gudahood, iyada oo ay suurtogal tahay in lagu kordhiyo wakhtiga kama dambaysta ah shan maalmood oo dheeraad ah. Xaaladaha qaarkood, waxay ku qaadan kartaa wakhti badan in Guddigu dhamaystiro racfaankaaga. Haddii Guddiga Qiimaynta Magangalyada Caalamiga ah uu diido racfaankaaga, waxaad xaq u leedahay inaad racfaan dheeraad ah ka qaadato maxkamadda maamulka ee awoodda u leh soddon maalmood gudahooda kadib soo bixita go’aanka Guddiga.

Habka labaad waa in racfaan looga qaataa go’aanka diidmada ah maxkamadda maamul ee awoodda u leh soddon maalmood gudahooda kadib soo bixista go’aanka diidmada ah. Haddii aad rabto, waxaad gabi ahaanba ka boodi kartaa tallaabada Guddiga Qiimaynta Magangalyada Caalamiga ah oo aad si toos ah uga racfaan qaadan kartaa go’aanka diidmada maxkamadda maamul ee awoodda u leh. Ma jiro wakhti xadidan oo ay maxkamada maamulku dib u eegis ku samaynayso oo ay ku dhamaystirayso racfaankaaga. Haddii maxkamada maamulku ay sidoo kale diido racfaankaaga, waxaad ka xaraysan kartaa racfaanka ugu dambeeya maxkamada maamul ee sare.

Haddii aadan rafcaan ka qaadan go’aanka diidmada ah gudaha waqtiga xaddidan ee uu qeexay sharciga Turkiga, go’aanka diidmadu wuxuu noqonayaa mid kama dambays ah. Haddii ay sidaas tahay, haddii aysan jirin sababo kale oo sabab u noqon kara sii joogitaankaaga sharciga ah gudaja Turkiga, waxaa lagu siin doonaa amar ah in lagaa tarxiilo Turkiga. Sidaa darteed, aad bay muhiim u tahay inaad ku soo gudbiso rafcaankaaga muddada xaddidan ee laguu qabtay. Fadlan tixraac qaybaha soo socda si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan amarada tarxiilida iyo habraaca racfaan qaadashada.

Waxa kale oo aad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida aad uga faa’iidaysan karto kaalmada sharciga ah iyo taageerada ku aadan habraaca racfaanka gudaha qaybaha soo socdaan.

Waxaa laga yaabaa inay madaxdu u soo habeeyaan codsigaga magangalyada caalamiga ah iyadoo la raacayo habraaca la dardargeliyay haddii:

  • Aadan xusin walxaha u baahan magangalyada caalami ah heerka codsiga;
  • Lagu qiimeeyo in aad marin habaabisay maamulka adiga oo soo bandhigay dukumeentiyo been abuur ah ama macluumaad marin habaabin ah ama qarinaayo macluumaadka ama dukumentiyada si xun u saameyn kara go’aanka;
  • Lagu qiimeeyo in aad si xun u burburisay ama u tuurtay dukumeentiyo aqoonsi ama kuwo lagu safro;
  • Hadii aad ku jirto xabsiga-gelin/hayn maamul oo ay u jeedadeedu tahay saaritaan;
  • Lagu qiimeeyo inaad khatar ku tahay nidaamka dadweynaha iyo amniga dadweynaha;
  • Ku celiso codsiga ka dib markii codsigaagii hore loo tixgeliyey mid “si dadban looga noqday”.

Si ka duwan habraaca caadiga ah, codsiyada lagu qiimeeyo habka dardargelinta, waraysiga shakhsi ahaaneed ee codsadaha waa in la qabtaa ugu dambayn saddex maalmood kadib taariikhda codsashada, oo go’aankana waa in lagu soo saaraa shan maalmood gudahooda kadib waraysiga shakhsi ahaanta ah. Go’aankani wuxuu noqon karaa mid togan ama mid taban ah; ama haddii lagu qiimeeyo in codsigaagu u baahan doono qiimayn dheer, maamulka ayaa laga yaabaa inay go’aansadaan inay ku qiimeeyaan codsigaaga habraaca caadiga ah.

Waxaad xaq u leedahay inaad racfaan ka qaadato go’aanka diidmada ah haddii codsigaaga magangalyada caalamiga ah lagu qiimeeyay habraaca caadiga ah ama habraaca la dardargeliyay. Sida ka duwan habraaca caadiga ah, si kastaba ha ahaatee, xaq uma lihid inaad racfaan ka qaadato Guddiga Qiimaynta Magangalyada Caalamiga ah haddii codsigaaga lagu qiimeeyay habraaca la dardargeliyay. Sidaa darteed, habraaca rafcaanka kaliya ee la heli karo ayaa ah ka xaraynta racfaanka ka hor maxkamada maamul ee awooda u leh. Aad bay muhiim u tahay in la ogsoonaado, oo ka duwan habraaca caadiga ah, wakhtiga xaddidan ee lagu xareynayo rafcaankaaga iyadoo la raacayo habraaca la dardargeliyay ayaa ah shan iyo toban maalmood ka dib marka laguugu soo wargeliyo go’aanka diidmada ah.

Haddii aad racfaan ka qaadato go’aankan muddada xaddidan, waxaa laguu oggolaan doonaa inaad sii joogtid gudaha Turkiga ilaa go’aanka diidmada ahi uu noqdo kan kama dambaysta ah. Si kastaba ha ahaatee, si Agaasinka Maareynta Socdaal ee Gobolka loogu wargeliyo inaad racfaan ka qaadatay go’aanka diidmada ah, waxaa muhiim ah inaad ogeysiiso Agaasinka Maareynta Socdaalka ee Gobolka codsigaaga racfaanka.

Haddii maxkamada maamulku ay sidoo kale diido racfaankaaga, xaq uma lihid inaad racfaan dheeraad ah ka qaadato maxkamada sare. Markaa, go’aanka diidmada ah ee ku saabsan codsigaaga wuxuu noqonayaa kan kama dambays ah. Xaaladdan oo kale, waxaa lagugu soo rogi doonaa amar masaafurin maadaama mas’uuliyiintu ay u arkaan inaadan buuxin shuruudaha aad uga faa’iideysan kartay magangalyada caalamiga ah gudaha Turkiga. Xaaladdan oo kale, waxaad sidoo kale racfaan ka qaadan kartaa amarka masaafurinta. Haddii aad rafcaan ka qaadato amarka masaafurinta gudaha wakhtiga xaddidan ee sharcigu tilmaamay, marka laga reebo kiisaska gaarka ah, laguma tarxiili doono ilaa ay maxkamaddu qiimeyso rafcaankaaga oo ay go’aan ka gaadho.

Waxaad la tashan kartaa qareen si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan kiiskaaga iyo habraaca racfaanka. Fadlan tixraac qaybaha dambe si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida loo helo kaalmada sharciga ah iyo taageerada.

Waxaad ka dalban kartaa maxkamadda ay khusayso muddada xaddidan gudahooda si aad rafcaan uga qaadato go’aanka diidmada ah ee ay soo saartay  Agaasinka Maareynta Socdaalka ee Gobolka ama Madaxtooyada Maareynta Socdaalka. Waxaad xaq u leedahay inaad bilowdo habraacan shaqsi ahaan. Si kastaba ha ahaatee, fadlan maskaxda ku hay in codsiga rafcaanka lagu diyaariyo luqadda Turkiga oo dhammaan dacwaduhu ay noqon doonaan kuwa ku baxaya Af-Turki. Intaa waxaa dheer, habraacyada sharcigu guud ahaan waa adag yihiin waxayna u baahan yihiin aqoon sharci. Sidaa darteed, si aad si wanaagsan ugu soo bandhigto doodahaaga oo aad u raacdo habraaca sharciga ah si taxadar leh, waxay dantaadu ku jirtaa inaad caawinaad ka hesho qareen. Waxaad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida loo helo kaalmada sharciga ah qaybta khuseysa ee gudaha websaydkeena.

Marka loo eego sharciga Turkiga, haddii aad rafcaan ka qaadato go’aan diidmo ah oo ku saabsan codsigaaga magangalyada caalamiga ah gudaha waqtiga xaddidan, waxaa laguu oggol yahay inaad joogtid gudaha Turkiga ilaa go’aanka diidmada uu noqdo mid kama dambays ah. Sidaa darteed, haddii aad racfaankaaga ku xaraysato muddada xaddidan, laguma tarxiili doono ilaa laga helaayo go’aanka kama dambaysta ah. Si kastaba ha ahaatee, aad bay muhiim kuugu tahay inaad ogaysiiso Agaasinka Maaraynta Socdaalka ee Gobolka codsigaaga racfaanka.

Codsigaaga magangalyada caalamiga ah waxaa loo tixgalin karaa mid “aan la aqbali karin” haddii la ogaado in mid ka mid ah saddexda xaaladood ee hoos lagu soo koobay uu ku dabaqmaayo kiiskaaga:

  • Turkiga si toos ah ugama aadan iman waddankaagii asal ahaanta aad ka soo jeeday, balse waxaad ka timid waddan kale oo aad joogi karto oo aad kaga badbaadi karto cadibaada ama waxyeelo halis ah;
  • In kasta oo aad hory magangelyada caalami ah uga codsatay Turkiga, codsigaagiina la diiday, rafcaannadaadiina lagu guul-darraystay, haddana waxaad samaysay codsi ku celis ah adiga oo aan soo bandhigin xog cusub ama sababo tilmaamaya sababta go’aan cusub oo ku saabsan codsigaaga loo gaadhayo;
  • Waxa aad horey u ogolaatay in kiiskaaga la habeeyo isaga oo qayb ka ah codsiga magangalyada caalamiga ah ee uu xubin qoyska ka tirsan gudbiyay. Haddii codsigan horey uu u gudbiyay xubinka qoyskaagu horeyba loo soo diiday iyo haddii kaleba, waxaad hadda doonaysaa inaad keligaa samaysato codsi adiga oo aan soo bandhigin wax macluumaad ah ama sababo tilmaamaya in kiiskaagu ka duwan yahay codsigii horeyba usii jiray ee uu soo gudbiyay xubinka ka midka ah qoyskaada.

Haddii mas’uuliyiinta ay u arkaan in codsigaaga yahay mid aan la aqbali karin, ma sii wadi doonaan inay qiimeeyaan codsigaaga.

Haddii mas’uuliyiintu ay go’aamiyaan inaad Turkiga uga timid waddan kale oo aad joogi karto oo aad ka badbaadi karto cadibaad ama waxyeelo halis ah, tani waxay la macno tahay inay aaminsan yihiin inaad magangelyo weydiisan karto dalkaas. Sidaas awgeed, Madaxtooyada Maareynta Socdaalka ayaa bilaabi doonta habraaca lagula xiriirin karo mas’uuliyiinta dalka ee ay su’aasha ka taagan tahay si loo sugo laabashadaada. Haddii aad u qalanto dib-u-celinta, waxaa lagugu soo celin doonaa waddankaas. Waxaad si sharci ah ku joogi kartaa Turkiga inta habraaca celintaada la sugaayo; si kastaba ha ahaatee, fadlan lagu ogsoonaw inaan mar dambe laguu tixgelin doonin inaad tahay codsade magangelyada caalamiga ah. Sidaa darteed, ma awoodi doontid inaad ku raaxaysato helida xuquuqda iyo adeegyada la siiyo codsadayaasha magangalyada caalamiga ah. Haddii wadankaasi diido codsiga dib u celinta, mas’uuliyiinta Turkiga waa inay furaan galkaaga mar labaad oo ay sii wadaan socodsiinta codsigaaga si loo gaaro go’aan kama dambays ah.

Dhanka kale, haddii codsigaaga loo arko mid aan la aqbali karin sababtoo ah waxaad samaysay codsi ku celis ah adigoon soo bandhigin wax sabab ah oo sidaas loo sameeyay, amar masaafurin ah ayaa la soo saari doonaa haddii aysan ahayn inaad racfaan ka qaadato go’aanka ah in aan lagu aqbali karin.

Go’aanka ku aadan ku dhawaaqista codsiga in aan la aqbali karin waxaa lala socodsiin doonaa adiga ama qareenkaaga ama wakiilkaaga sharciga ah. Ogeysiintan waa in lagu soo daraa sababaha maaddiga ah iyo sababaha sharciga ah ee ku aadan go’aanka aan loo aqbali karin. Waxa kale oo lagugu wargelin doonaa sida aad uga racfaan qaadan karto go’aankan iyo wakhtiga xaddidan ee aad ku racfaan qaadan karto.

Laga bilaabo taariikhda ogeysiinta, waxaad haysataa shan iyo toban maalmood inaad rafcaan ka qaadato go’aankan ka hor maxkamadda maamul ee awooda u leh. Maxkamaddu waa inay ku soo gabagabeyso racfaankaaga shan iyo toban maalmood gudahood. Haddii maxkamada maamulku diido racfaankaaga, ma jiro nidaam kale oo rafcaan ah oo la heli karo. Xaaladdan oo kale, go’aanka Madaxtooyada Maareynta Socdaalka ee ku dhawaaqeysa in codsigaaga aan la aqbali karin ayaa noqon doona midka kama dambeysta ah. Haddii mas’uuliyiintu go’aansadaan inay kugu celiyaan waddan loo arko inuu badbaado kuu yahay, waxay bilaabi doonaan dacwaddaha celitaanka. Haddii codsigaaga loo arko mid aan la aqbali karin sababtoo ah waxaad ku celisay isla codsigii hore, waxaa lagu siin doonaa amar masaafurin ah.

Haddii lagu siiyo amar masaafurin ah, waxaad sidoo kale xaq u leedahay inaad racfaan ka qaadato go’aankan. Fadlan tixraac qaybaha soo socda si aad macluumaad dheeraad ah u hesho oo ku saabsan amarka masaafurinta iyo habraaca racfaanka.

Waxa laga yaabaa inaad ka faa’iidaysato adeegyada kaalmada sharciga ah ee ka racfaan qaadashooyinkaada ka dhanka ah go’aamada codsiga aan la aqbali karin. Waxaad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida loo helo kaalmada sharciga ah gudaha qaybaha dambe.

Haddii aad ka tagto magaaladaada yar ee ku dhagan magaalo madaxeedka ee lagugu meeleyay fasax la’aan, ama haddii aad fulin weydo waajibaadka ku aadan iska-soo-warbixintaada cudurdaar la’aan, ama haddii aad ku guuldareysato inaad ka soo qaybgasho ballanta waraysiga shakhsi ahaanta ah saddex jeer oo isku xigta cudurdaar aan ansax ahayn, ama aad ku guuldareysatid inaad u hogaansanto shuruudaha kale ee ka magangelyo-doone ahaan, Agaasinka Maareynta Socdaalka ee Gobolka ayaa laga yaabaa inuu soo gabagabeeyo inaadan xiisaynaynin sii wadida codsigaaga oo ay uu ku dhawaaqo inaad sidaas “uuga noqotay si dadban” codsigaaga magangelyada. Xaaladdan oo kale, mas’uuliyiintu waxay joojin doonaan qiimeynta codsigaaga magangalyada.

Go’aankan waa lala socodsiin doonaa adiga ama qareenkaaga ama wakiilkaaga sharciga ah. Waxa kale oo lagugu wargelin doonaa sida aad uga dacwoon karto go’aankan iyo wakhtiga xaddidan ee aad racfaan uga qaadan karto.

Waxaad xaq u leedahay in aad rafcaan ka qaadato go’aanka ka noqoshada dadban. Haddii aad rabto inaad rafcaan ka qaadato, waa inaad u tagtaa ama la xidhiidhaa Agaasinka Maareynta Socdaalka ee Gobolka ee magaaladaada yar ee ku dhagan magaalo madaxda toban maalmood gudahood oo aad u gudbiso codsi rafcaan ka qaadasho ah oo ku wajahan Guddiga Qiimaynta Magangalyada Caalamiga ah. Guddigu waa in ay soo gabagabeeyaan racfaan ka qaadashadaada oo ay ku soo saaraan go’aan shan iyo toban maalmood gudahood. Wakhtigan waxa lagu kordhin karaa shan maalmood oo dheeraad ah. Xaaladaha qaarkood, waxay ku qaadan kartaa wakhti badan in Guddigu dhamaystiro racfaankaaga. Haddii Guddiga Qiimaynta Magangalyada Caalamiga ah uu diido racfaankaaga, waxaad sidoo kale ka racfaan qaadan kartaa maxkamadda maamulka ee awoodda u leh soddon maalmood gudahooda kadib soo bixista go’aanka Guddiga.

Habka labaad waa in aad racfaan ka qaadato maxkamadda maamulka ee awoodda u leh soddon maalmood gudahood. Haddii aad rabto, waxaad gabi ahaanba ka boodi kartaa Guddiga Qiimaynta Magangalyada Caalamiga ah oo aad si toos ah uga racfaan qaadan kartaa maxkamadda maamulka ee awoodda u leh soddon maalmood gudahood. Ma jiro wakhti xadidan oo ay maxkamada maamulku dib u eegis ku samaynayso oo ay ku dhamaystirayso racfaankaaga. Haddii maxkamada maamulku ay diido racfaankaaga, waxaad ka xaraysan kartaa racfaanka ugu dambeeya maxkamada maamul ee sare.

Haddii aad rafcaan ka qaadato go’aanka ka noqoshada sida dadban, go’aanku kama dambayn manoqon doono ilaa dhammaan hababka rafcaanka la dhammaystiro. Ilaa markaas laguma soo oogi doono amarka masaafurinta. Si kastaba ha ahaatee, haddii aad ku guul dareysato inaad ku bilowdo codsiga racfaanka waqtigii loogu talagalay, go’aanka wuxuu noqon doonaa mid kama dambays ah, waxaana la soo saari doonaa amar masaafurin ah. Fadlan tixraac qaybaha soo socda si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan amarka masaafurinta iyo habraaca racfaan qaadashada.

Waxaad la tashan kartaa qareen si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan kiiskaaga iyo habraaca racfaan qaadashada. Intaa waxaa dheer, waxaad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida loo helo kaalmada sharciga iyo taageerada qaybtan gudaha websaydkeena.

Amarka tarxiilinta ayaa laga yaabaa in lagu oogo/la siiyo ajaaniibta ku sugan Turkiga xaaladaha qaarkood kuwaas hoos lagu soo koobay:

  • Haddii codsigaaga magangalyada caalamiga ah la diido, ama lagaa saaro aqoonsiga magangalyada caalamiga ah, ama codsigaaga loo arko mid aan la aqbali karin, ama aad la laabatay codsigaaga ama codsigaagii loo tixgeliyey in laga noqday, ama aqoonsigaada magangalyada caalamiga ah ay joogsatay ama lala noqday; iyadoo la eegayo xaaladahan oo dhan, mar sii tihid mid sii leh xuquuq kale oo aad ku sii joogtid Turkiga ka dib go’aanka kama dambaysta ah;
  • Haddii aad jebiso ama aad isku daydo inaad jebiso xeerarka iyo shuruudaha gelitaanka ama ka bixista sharciga ah ee Turkiga;
  • Haddii aad soo gudbisay macluumaad iyo dukumentiyo been ah inta lagu guda jiray habka gelitaanka, fiisaha iyo oggolaanshaha joogitaanka ee Turkiga;
  • Haddii lagugu aqoonsaday inaad shaqaynayso adigoon haysan ruqsad shaqo oo sax ah;
  • Haddii laguu tixgeliyo inaad tahay qof nolol maalmeedkiisa/keeda ku kasbada sifo sharci darro ah muddada aad joogtay gudaha Turkiga;
  • Haddii aad joogtay muddo ka badan wakhtiga fiisahaada ku qoran ama xilliga ka-dhaafitaanka fiisaha in ka badan toban maalmood ama haddii fiisahaagii la kansal gareeyay;
  • Haddii sharcigaagii lagala noqday, ama aad dhaaftay muddada oggolaanshahaaga joogitaanka in ka badan toban maalmood iyada oo aysan jirin sabab la aqbali karo;
  • Haddii laguu aqoonsaday inaad khatar ku tahay nidaamka dadweynaha ama amniga dadweynaha ama caafimaadka dadweynaha;
  • Haddii laguu aqoonsaday inaad tahay hogaamiye, xubin ama taageere urur argagixiso ama urur dambiilayaal ah oo faa’iido doon ah.

Amarka masaafurinta/tarxiilida ayaa lala socodsiin doonaa adiga ama qareenkaaga ama wakiilkaaga sharciga ah. Ogeysiintan waa inay ku jirtaa sababaha maaddiga ah iyo sababaha sharciga ah ee amarka. Waxa kale oo lagugu wargelin doonaa sida aad uga racfaan qaadan karto go’aankan iyo wakhtiga xaddidan ee racfaan qaadashada.

 

Haddii lagu siiyo amarka tarxiilinta, waxaad racfaan ka qaadan kartaa go’aankan todoba maalmood gudahood ka hor maxkamada maamul ee awooda u leh. Haddii aad rafcaan ka qaadato amarka masaafurinta wakhtiga saxda ah, waxaa laguu ogolaan doonaa inaad sii sugto natiijada kama dambaysta ah ee dacwadaha maxkamada. Si kale haddii loo dhigo, rafcaan laga qaato amarka masaafurinta ayaa hakinaya habka masaafurinta/tarxiilida.

Waxa laga yaabaa inaad uga faa’iidaysato adeegyada kaalmada sharciga ahrafcaan qaadashadaada ka dhanka ah amarka masaafurinta. Waxa kale oo aad ka heli kartaa macluumaadka ku saabsan sida loo helo kaalmada sharciga ah qeybtan gudaha websaydkeena.

Xitaa haddii aad horey magangelyo caalami ah uga codsatay Turkiga oo codsigaas la diiday oona lagu siiyay amar masaafurin ah oo lagugu saarayo, haddii ay jiraan isbeddello ama horumarro cusub oo ka dhacay midkood waddankaagii asal ahaanta aad ka soo jeeday ama duruufahaaga shakhsi ahaaneed oo ay sababeen in ay jiraan sababo cusub ama dheeraad ah oo aad uga cabsanayso in lagugu celiyo dalkaagi aad asal ahaanta ka soo jeeday, waxaad soo gudbin kartaa codsi dib u cusboonaysiin ah si aad magangelyo uga hesho Turkiga.

Haddii saraakiisha Maamulka Socdaalka ee Gobolka ay caddeeyaan inaad kaliya ku celisay codsigaagii hore ee la diiday oo kiiskaagu aanu u qalmin in dib loo cusboonaysiiyo iyadoo lagu salaynayo horumarka cusub ee la xidhiidha iyo macluumaadka cusub, waxa laga yaabaa inay ku soo gunaanadan in codsigaagu yahay mid aan la aqbali karin oo ayna ka joogsadaan habayntiisa. . Xaaladdaas oo kale, ma jiri doonto wax dacwad ah oo ku saabsan codsigaaga ku aadan dib u cusboonaysiinta, aqoonsigaada sharciga an ka muwaadin ajnabi ahaan wuxuu u sii socon doonaa sidii hore. Fadlan ka eeg qaybta ay khusayso si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan go’aamada codsiga aan la aqbali karin iyo sida rafcaan looga qaato go’aankan.

Haddi ay saraakiishu go’aansadaan ka dib tixgelinta dib u cusboonaysiinta kiiskaaga kadib markey baaraan macluumaadka iyo dukumeentiyada cusub ee aad keentay, waxay habeyn doonaan codsigaaga cusub. Xaaladdan oo kale, codsigaaga magangalyada caalamiga ah ee la cusboonaysiiyay waxay u badan tahay in lagu habeyn doono habraaca la dardargelinta. Fadlan tixraac qaybta ku habboon si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan habraaca la dardargeliyay.

Waa suurtagal in dadka horey magangelyo uga codsaday Turkiga balse aan sii wadin codsigoodii oo ku laabtay wadankoodii ay asal ahanta kasoo jeedeen in ay soo gudbiyaan codsi magangalyo oo dib loo cusbooneysiiyay marka ay ku soo laabtaan Turkiga.

Tusaalahan oo kale, waa in aad masuuliyiinta u sharaxdaa wax kasta oo ku soo kordhay midkood dalkaagii hooyo ama xaaladaadahaada shakhsi ahaaneed, taas oo keentay in aad go’aansato in aad mar kale dalkaga ka soo baxdo iyo sababaha aad uga baqayso in aad dib ugu laabato. Aad bay muhiim kuugu tahay inaad soo bandhigto macluumaadkan cusub, sababtoo ah Madaxtooyada Maareynta Socdaalka ayaa fasiraysa xaqiiqda ah inaadan sii wadin codsigii hore ee magangalyada oo aad si ikhtiyaari ah ugu laabatay dalkaagii hooyo taasoo muujinaysa inaadan wax walaac ah ka qabin cadibaad aad ku muteysato dalkaagii aad asal ahaan ka soo jeeday.

Haddi saraakiishu ay ku soo gunaanadan inaadan soo bandhigin xog cusub iyo sharraxaadyo soo jeedinaya in kiiskaagu u qalmo dib u cusboonaysiinta, waxay go’aansan karaan inay caddeeyaan codsigaaga cusub inuu yahay mid aan la aqbali karin. Xaaladdan oo kale, codsigaaga dib u cusboonaysiinta gabi ahaanba lama habeeyn doono. Fadlan tixraac qaybta sare si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan go’aamada codsiga aan la aqbali karin iyo sida rafcaan looga qaato go’aankan.

Dhanka kale, haddii mas’uuliyiintu ay go’aansadaan kadib marka ay baaraan la macluumaadka iyo dukumentiyada cusub ee aad keentay inay jiraan sababo macquul ah oo caddaynaya tixgelinta dib u cusbooneysiinta kiiskaaga, waxay dooran karaan inay u habeeyaan codsigaaga ka codsi cusub ahaan. Xaaladdaas oo kale, codsigaaga magangalyada caalamiga ah ee la cusboonaysiiyay waxay u badan tahay in lagu habeyn doono nidaamka la dardargeliyay. Fadlan tixraac qaybta ku habboon si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan habka la dardargeliyay.

Shakhsiyaadka lagu xidho/hayo xarumaha saaritaanka ama xarumaha kale ee dadka lagu hayo/xiro waxay xaq u leeyihiin inay codsadaan magangalyada caalamiga ah haddii ay aaminsan tahay inaad buuxisay shuruudaha magangalyada Turkiga oo aad ka baqeyso in lagu cadibo ama aad wajaheyso noocyo kale oo waxyeelo ah haddii lagaa tarxiilo Turkiga. Xaaladdan oo kale, waxaad u sheegi kartaa maamulka xabsiga inaad rabto inaad buuxiso codsiga magangalyada caalamiga ah. Codsigaaga ku aadan codsiga waa in lagu habeeyaa daahitaan la’aan.

Waxaad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah adiga oo ka wacaya Xaafiiska Caawimada ku aadan Xadhiga/Haynta Maamulka ee Refugee Rights Turkey +90 507 218 62 85. Waxa kale oo aad la xidhiidhi kartaa ururka qareenada ee gobolka lagugu hayo oo aadna ka codsato inaad ka faa’iidaysato adeegyada kaalmada sharciga ah.

Duruufaha gaarka ah qaarkood, mas’uuliyiinta ayaa laga yaabaa inay go’aansadaan inay ku hayaan codsadayaasha magangalyada caalamiga ah xabsiga inta codsigooda laga baaraadegaayo. Codsadayaasha magangalyada caalamiga ah waxaa laga yaabaa in aan xabsiga lagu haynin ama aan lasii haynin  wax ka badan soddon maalmood ujeedadan awgeed.

Haddii aad rabto in aad ka hor imaado haynta/xabsi-gelinta ka codsade magangelyada caalamiga ah ahaan, waxaad ka hor xaraysan kartaa rafcaan Garsoorka Nabadda Dembiilaha( Criminal Peace Judgeship) ee awooda u leh. Garsoorka ayaa looga baahan yahay inuu go’aan ka gaaro racfaankaaga shan maalmood gudahood.

Haddii lagu sii hayo/xabsiga lagugu sii hayo in kasta oo aad sheegtay codsiga magangalyada caalamiga ah, waxa talo fiican ah inaad la tashato qareen si aad u ogaato in sii wadista xadhigaagu uu waafaqsan yahay sababaha sharciga ah ee lagu bixiyay qodobbada khuseeya, iyo haddii ay jiraan sababo laga yaabo inay u baahdaan sii deyntaada. Waxaad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah adiga oo ka wacaya Xaafiiska Caawimada ku aadan Xadhiga/Haynta Maamulka ee Refugee Rights Turkey +90 507 218 62 85.

Kahor Sebtembar 2018, magangelyo-doonayaasha joogay gudaha Turkiga waxay laba codsi oo kala duwan u gudbin jireen Agaasinka Maareynta Socdaalka ee Gobolka iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR). Si kastaba ha ahaatee, laga bilaabo Sebtembar 2018, Xafiiska UNHCR ee Turkiga ayaa si rasmi ah u shaaciyay in hay’addu ay soo afjartay diiwaan gelinta iyo habraacyada go’aaminta xaaladda qaxootiga ee Turkiga. Sidaa darteed, uma baahnid inaad codsi gooni ah u soo gudbiso Xafiiska UNHCR ee Turkiga.

Sida kor lagu sharaxay, laga soo bilaabo Sebtembar 2018, Xafiiska Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrmaha Qaxootiga ee Turkiga ayaa soo afjaray diiwaan gelinta iyo habraacyada go’aaminta xaaladda qaxootiga ee Turkiga. Madaxtooyada Maareynta Socdaalka waa wakaalad ka mas’uul ah dhammaan habraacyada la xiriira codsiga magangalyada caalamiga ah iyo go’aaminta aqoonsi-siinta. Sidaa darteed, xitaa haddii aad hore uga codsatay Xafiiska UNHCR ee Turkiga oo aad dhammaystirtay diiwaangelintaada, UNHCR ma qiimayn doonto codsigaaga. Si kastaba ha ahaatee, Xafiiska UNHCR ee Turkiga wuxuu sii wadaa inuu la shaqeeyo maamulka Turkiga si dib u dejin loogu sameeyo magangalyo-doonayaasha dalalka saddexaad.

Xafiiska Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ee Turkiga ayaa dadaal ugu jirta dib-u-dejinta dadka ay siisay aqoonsiga magangalyada caalamiga ah Madaxtooyada Maareynta Socdaalka, kuwaas oon aloo aqoonsaday inay leeyihiin nugulaanshooyin halis ah, dalalka saddexaad. Inta lagu jiro nidaamka aqoonsiga iyo dib-u-dejinta, UNHCR, Agaasinka Maareynta Socdaalka ee Gobolka iyo Madaxtooyada Maareynta Socdaalka ayaa wada shaqeeynayaan.

Dib-u-dejinta ama qaabilitaanka waddan saddexaad oo aan ahayn waddanka aad hadda magangalyada ka raadinayso looma tixgelinayo ka ahaan xuquuq. Waxa jira tiro yar oo waddamo ah sannad kasta kuwaas oo ballan ku qaada in ay qaabilaan tiro yar oo qaxoonti ah oo adduunka oo dhan ka yimid si ay dib-u-dejin ugu sameeyaan muddo dheer. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira qaxooti aad uga badan kuwa ku xeeran ereyga marka loo eego kootada yar ee dib u dejinta ee ay siiyeen wadamadan dib u dejinta ee UNHCR. Sababtan awgeed, xafiisyada UNHCR ee Turkiga iyo wadamada kale ee martigeliya magan-galyo-doonayaasha ayaa rabaan inay mudnaanta siiyaan shakhsiyaadka leh u nugulaanshaha/beylahyada halista ah. Taas marka la sheego, wadamada dib u dajinta waxay sidoo kale leeyihiin mudnaan gaar ah oo ku saabsan jinsiyado gaar ah ama kooxaha nugul kuwaas oo ay rabaan in ay u aqbalaan u sameyntooda dib-u-dejin muddo dheer ah waxayna filayaan in UNHCR ay tixgeliso mudnaantan inta lagu jiro soo gudbinta dib-u-dejinta.

Sannadihii u dambeeyay, tirada dadka magangelyo doonka ah ee Turkiga aad ayay u korottay. Si kastaba ha ahaatee, qoondada sanadlaha ah ee ay siiyeen wadamada dib-u-dejinta ee UNHCR Xafiiskeeda Turkiga ayaa ah mid xadidan. Sidaa darteed, UNHCR waxa laga yaabaa inay sugto oo keliya ogolaanshaha dib-u-dejinta tiro yar oo magangelyo-doon ah oo ku sugan Turkiga. Inta badan magangalyo-doonayaasha hadda ku sugan Turkiga, rajadooda ah in dib u dajin loogu sameeyo waddan kale iyadoo ay caawinayso UNHCR ayaa u ah wax aan macquul ahayn. Sababtan awgeed, waa inaadan filanin in dib u dejin lagaaga qaadi doono Turkiga oo ayna UNHCR kuugu sameyn doonto waddan kale.

Sababtan awgeed, codsiga magangalyada caalamiga ah ee aad u gudbin doonto Madaxtooyada Maareynta Socdaalka ka magangalyo-doone Turkiga ahaan ayaa ah mid aad muhiim u ah. Haddii codsigaaga uu guuleysto, waxaa lagu siin doonaa xaqa aad ku joogtid Turkiga oo aad ku raaxaysato xuquuqaha iyo faa’iidooyinka qaarkood, xitaa haddii aadan ka helin dib-u-dejin muddo dheer ah waddan kale.

Iyada oo la raacayo sharciga lagu dabaqi karo ee Turkiga, dadka helay aqoonsiga magangalyada caalamiga ah uma qalmaan dhalashada muddada fog. Si kastaba ha ahaatee, haddii aysan suurtagal ahayn in lagugu sameeyo dib-u-dejin waddan kale, waxaa laga yaabaa inaad ku sii noolaato Turkiga sidii qof haysta aqoonsiga magangalyada caalamiga ah.

Si kastaba ha ahaatee, marka loo eego xaaladooda shakhsi ahaaneed, shakhsiyaadka qaarkood ayaa laga yaabaa inay u qalmaan dhalashada Turkiga sababo kale awgood. Si aad u hesho macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan xaaladdaada shakhsi ahaaneed, waxaan kugula talineynaa inaad la tashato Agaasinka Maareynta Socdaalka ee Gobolka ama qareen.

Haddii aad leedahay xubin qoyskaaga ka mid ah oo kuu dhaw oo degan waddan kale, waxaa laga yaabaa inay jirto suurtogalnimada in lagugu qaabilo waddankaas iyada oo lagu salaynayo xaqa xubinka qoyskaagu u leedahay/yahay in dib laguula mideeyo, iyadoo ku xidhan habraacyada dib u midaynta qoyska ee dalka ay su’aasha ka taagan tahay. Si taas loo gaaro waa in codsiga dib u mideynta qoyska loo gudbiyaa maamulada dalka ay khuseyso. Xeerarka iyo shuruudaha isu keenida qoyska way ku kala duwan yihiin wadamada. Wadamada qaar waxay u baahan yihiin xubinka qoyska ee jooga Turkiga inuu bilaabo hawshan isagoo la xiriiraya safaarada ama qunsuliyada uu dalkaas ku leeyahay gudaha Turkiga. Wadamada kale, dhinaca kale, waxay u baahan yihiin xubinka qoyska ee dalkooda degan inay soo gudbiyaan codsi iyagoo matalaya xubinta qoyska ee jooga gudaha Turkiga.

Awoodda go’aan ka gaarista codsiyada noocaas ah ee dib-u-midaynta qoyska waxay ku xiran tahay oo keliya mas’uuliyiinta waddanka ay tahay in dib u mideeyntu uu ka dhacdo. UNHCR iyo Madaxtooyada Maareynta Socdaalka midna ma faragelin karaan go’aannada mideynta qoyska ee ay gaaraan mas’uuliyiinta dalalka kale.

Marka loo eego sharciga Turkiga, haddii codsigaaga Madaxtooyada Maareynta Socdaalka ee magangalyada caalamiga ah uu guuleysto oo lagu siiyo aqoonsiga qaxootinimo ama aqoonsiga magangalyada la siiyo dadka aan magangalyada qaxootinimada aan u qalmin, waxaad codsan kartaa in xaaskaaga, carruurta yaryar iyo/ama carruurta qaangaarka ah ee kugu tiirsan ee hadda deggan meel ka baxsan Turkiga in lagu qaabilo Turkiga iyadoo loo eegayo sharciga degenaanshaha qoyska. Haddii laga yaabo inaad qabto codsigaas sidaas camal ah, waxaad kala tashan kartaa Agaasinka Maareynta Socdaal ee Gobolka wixii macluumaad dheeraad ah.

Sida uu qabo sharciga caalamiga ah, si aad codsiga magangelyo uga sameysato wadan, waxaad u baahan tahay inaad soo gaarto xudduudaha dalkaas. Haddii aad uga soo tagtay dalkaaga sababo dagaal ama cadibaad ah oo aad hadda ku sugan tahay Turkiga, mas’uuliyadda qiimaynta codsigaaga magangelyo iyo in lagu siiyo magangelyo sharci waxey dul saaran tahay dawladda Turkiga oo keliya.

Sida wakhti xaadirkan ay tahay, habka ugu muhiimsan ee u suurtagelinaya magangelyo-doonka jooga gudaha Turkiga in si sharci ah loogu qaabilo dalalka kale waa habka dib-u-dejinta ee ay maamusho Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga. Taas marka la dhaho, dib-u-dejin la mid ma aha magangalyada. Iyadoo magangelyada dalka Turkiga ay xaq u leeyihiin dadka ka baxsanaya dagaal ama cadibaada, dalalka kale kuwaas oo qaabila tiro cayiman oo qaxooti ah iyadoo loo maraayo UNHCR kama saarna wax waajibaad inay kugu qaabilaan adiga si ay kuu siiyaan dib u dejin.

Dhanka kale, xaalado aan baadanaa caadi ahayn, wadamada qaarkood ayaa siiyaan fiisooyin ay ku soo safraan tiro yar oo magangalyo-doonayaa ah sababo kala duwan awgood. Waxaa laga yaabaa inaad rabto inaad la xiriirto safaaradaha wadamada aad rabto inaad u safarto si aad u hesho macluumaad faahfaahsan.

Marka loo eego qawaaniinta sharciga, codsiga magangalyada caalamiga ah waa in loo sameeyaa shaqsi ahaan. Sidaa darteed, qareenka ku matalaya ma soo gudbin karo codsiga magangalyada caalamiga ah isagoo ku hadlaya magacaaga. Waxaad xaq u leedahay in uu qareen kugu matalo dhammaan dacwadaha aan ahayn codsigaaga shakhsiga ah. Tusaale ahaan, waxaad kala tashan kartaa qareen sida aad isugu diyaarineyso waraysigaaga shakhsi ahaanta ah. Markaad codsigaada sameyso, qareenkaagu wuxuu kaloo kuu raaci karaa waraysiga shakhsi ahaanta ah. Marka laga hadlayo rafcaannada go’aamada diidmada ah ee la hor yaala Guddiga Qiimaynta Magangalyada Caalamiga ah ama rafcaannada maxkamadda maamulka, qareenkaagu sidoo kale waa uu awoodaa inuu ku matalo oo uuna sii wado dacwada isagoo ku hadlaya ama ayadoo ku hadleysa magacaaga. Si kastaba ha ahaatee, waxaa lagaa doonayaa inaad bixiso kharashka qareenka ku matalaayo iyo kharashyada kale ee la xiriira.

Sida uu dhigayo sharciga Turkiga, dadka aan si kale u awoodin inay bixiyaan kharashaadka qareenka iyo khidmadaha maxkamadeed ee la xidhiidha iyaga oo aan culays dhaqaale saarin shakhsiga ama qoyskooda waxay ka faa’iidaysan karaan nidaamka Kaalmada Sharciga ah ee bilaashka ah ee ay dawladdu maalgeliso ee loo yaqaan “Adli Yardım” ee Turkiga. Markaa, dadka buuxiya shuruudahan waxay ka faa’iideysan karaan nidaamka. Kaalmada sharciga ee gudaha Turkiga waxaa bixiya ururada qareenada. Ururka qareenadu waa ururka qareenada xirfadlayaasha ah ee gobol gaar ah. Ururada Qareenada waxay maamulaan adeega Gargaarka Sharciga ah kaas oo ay ku meeleeyaan qareeno dadka aan haysan dakhli ku filan oo ay ku bixiyaan kharashka qareenada. Magangelyo-doonayaasha jooga gudaha Turkiga waxa kale oo ay ka faa’iidaysan karaan adeegyada kaalmada sharciga ah.

Haddii aadan awoodin inaad iska bixiso kharashka qareenka, waxaad codsan kartaa kaalmo sharci ah iyo la-talin adigoo la xiriiraya ururka qareenada ee magaalada aad degan tahay.

Si aad uga faa’iidaysato nidaamka kaalmada sharciga ah, waa inuusan horeyba kusii matalin qareen. Haddii uu qareen horeyba kuu sii matalo, ma awoodid inaad ka faa’iidaysato adeegyada kaalmada sharciga ah.

Ururka qareenada ayaa marka hore samayn doona qiimayn ku saabsan xaaladaada dhaqaale. Haddaba, waxaa laga yaabaa in lagaaga baahdo inaad soo gudbiso caddaynta dukumentiga sida waraaqaha rasmiga ah ee lahaanshaha guriga ama shahaado faqrinimo oo uu bixiyey Mukhtar. Ururka qareenadu waxa kale oo uu baari doonaa haddii ay jiraan sababo si macquul ah loogu tixgalinayo natiijada guulaysata ee dacwadaha taas oo deeqda kaalmada sharci loogu raadsanayo. Iyadoo lagu salaynayo qiimayntan, ururka qareenadu waxa uu go’aansan karaa in uu bixiyo kaalmo sharci.

Waxaad u tagi kartaa ama la xidhiidhi kartaa xafiiska kaalmada sharciga ah ee Ururka Qareenada ee magaalada aad degan tahay, ururkayaga, Refugee Rights Turkey, ama ururada kale ee bulshada rayidka ah wixii macluumaad dheeraad ah.

Waxaan isticmaalnaa cookies si aan kaaga caawino horumarinta khibradaada khadka tooska. Markaad isticmaalayso mareegahayaga, waxaad ogolaatay tan. Si aad wax badan uga barato akhri shuruudahayaga isticmaalka iyo sharciyadayada qarsoonaanta