Codsayaasha ilaalinta calaamiga ah iyo ka faa’iideystayaasha, marka ay buuxiyaan shuruuradaha qaar, ayaa ka faa’iidaysan karaa xaq u yeelashada waxbarashada Turkiga. Adiga iyo ilmahaaga waxay xaq u yeelan doontaan waxbarshada, aasaasiga, waxbarashda heerka labaad iyo waxbarashada sare, sidoo kale koorsooyinka luuqadaha Turkiga iyo tababarada farsamada gacanta haddii aad tahay codsade ilaalinta caalami ah ama ka faa’iideyste.

Si looga faa’iidaysto xuquuqaha iyo adeegyada lagu bixiyo qaab-dhismeedka ilaalinta caalamiga ah ee Turkiga oo ay ka mid ah tahay waxbarashada, waxaad u baahan tahay inaad buuxiso codsigaaga ilaalinta caalamiga ah. Sidaa darteed, si aad ugu raaxeysato xuquuqda waxbarasho ee aan laheyn xayriaad, waxaad u baahan tahay inaad heysato Dukumentigaaga Aqoonsiga Codsadaha Ilaalinta Caalamiga ah ama Dukumentiga Aqoonsiga Ka faa’iideystaha Ilaalinta Caalamiga ah ee uu bixiyo Waaxda Maamulka Socdaalka Gobolka taas oo ka leh lambarka Aqoonsiga ajanabiga oo ka bilowda ‘99’. Lambarkan wuxuu aasaas u nqon doonaa helida dhammaan heerarkaaga waxbarasho sidoo kale koorsooyinka luuqada Turkiga iyo tababarka farsamada gacanta.

Sida uu dhigayo sharciga adda, dhammaan carruurta, oo ay ku jiraan carruurta codsadayaasha ilaalinta caalamiga ah iyo dadka ka faa’iidaysanaya, waxay xaq u leeyihiin waxbarashada qasabka ee Turkiga, sidaa darteed, ilmahaaga jira da’da dugsiga ayaa xaadiri kara dugsiga dadweynaha.

Waxbarashada qasabka ah ee Turkiga waxay ka kooban tahay 12 waxayna leedahay sadex heer: 4 sano dugsi hoose ah (1aad, 2aad, 3daad, iyo fasalka 4aad), 4 sano ano oo ah dugsi dhexe (5aad, 6aad iyo 8aad), iyo 4 sano oo dugsi sare ah (9aad, 10aad, 11aad, iyo 12aad). Luuqada wax looga barto dugsiyada dadweynaha waa Af-Turki.

Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida looga diiwaangeliyo ilmahaaga dugsi sax ah, waxaad booqan kartaa Guddiga Waxbarasha Gobolka ee magaaladda aad deegan tahay.

Si aad uga diiwaangeliso cunugaaga dugsiga dadweynaha, waxaa laga rabaa inaad u tagto Guddiga Waxbarashada Degmada ee deegaankaaga. Inta lagu jiro diiwaangelinta, waxaad u baahan Dukumentigaaga Aqoonsiga Codsadaha Ilaalinta Caalamiga ah ama Dukumentiga Aqoonsiga ka Faa’iideystaha Ilaalinta Caalamiga kaas oo leh lambarkaaga Aqoonsiga Ajanabiga oo leh ‘99’ iyo cunugaaga. Is diiwaangelinta dugsiga waxaa la sameeynaya iyada oo lagu saleynayo goobta deegaankaaga, waxaad u baahan dukumenti rasmiga ah ee Waxada Diiwaagelinta Rayidka iyo Ddka ee degmadaada oo muujinaysa ciwankaaga. Guddiga Waxbarashada Degmada waxay kuu gudbin doontaa diiwaangelinta dugsiga dadweynaha ee kugu dhaw.

Waxay ku xiran tahay fasalka, waxaa laga yabaa in lagaga baahdo inaad soo gudbiso dukumentiyo dheeraad ah oo muujinya dugsii horey u dhiftay cunugaaga ama shahaadda cunugaaga. Haddii aadan heysanin dukumentiyadan, Guddiga Waxbarashada Degmada  ee Gobolka dhexdiisa ama Waaxda Waxbarashada ayaa qaban doontaa qiimeynta meelaynta fasalka. Guddiga Waxbarashada wuxuu qaban doonaa imitxaan qoraalka ama afka iyo kadib qiimeyntan, cunugaaga waxaa la gayn doonaa heerka fasalka ku haboon.

Ardayda si guul leh u buuxisa shuruudaha dugsiga .dadweynaha  waxay xaq u leeyihiin inay qaataan shahaado.

Si kasta ahaate, haddii ilmahaaga uu diiwaangshan yahay sida arday marti ah oo kale, isaga,iyada ma qaadan shahaado. Si looga fogaado dhibaatooyinka, fadlan buuxi diiwaangelinta ilaalinta caalamiga ah ee ilmahaaga waqti kugu  haboon oo u sheeg maamulka dugsigaaga wax ku saabsan buuxinta diiwaagelinta.

Waxbarashada dugsiyada dadweynaha waa lacag la’aan.

Carruurta waxbarashada u dhammeystay si guul leh sideeda sano ayaa xaq u leh inay iska diiwaanliyan dugsi sare. Sidaa darted waa muhiim in la soo bandhigo dukumentiyo muujinaya dugsii hore loo dhigtay Gobolka ama Waaxda Waxbarashada Degmada.

Waaxda Waxbarashada Degmada ayaa qaban doontaa qiimeyn waxayna ku soo ogeysiin doonta wax ku saabsan natiijooyinka iyo meelaynta fasalka. Kadib ogeysiinta, waxaad ka diiwaangelin kartaa cubugaaga dugsiga halkaas oo isaga/iyada la geyn doono. Waa muhiim inuu ilmahaagu heysto Codsadaha Ilaalinta Caalamiga ah ama Dukumentiga Aqoonsiga Ka Faa’iideystaha inta lagu jiro nidaamka codsiga.

Haddii aadan heysanin wax dukumenti ah oo muujinaya inuu cunugaaga horey dugsi u soo dhigtay, waa inaad tagta Waaxda Waxbarashada Degmada. Saraakiisha Waxbarashada Degmada ayaa sameeyn doonaa qiimeyn si ay u go’aamiyaan heerka fasalka ku haboon cunugaaga. Waxaad awoodi doontaa inaad ku diiwaangeliso cunugaaga go’aanka qiimeyntan.

Haddii cunugaaga uu soo dhammayey waxbarashada  hordhaca-dugsiga-sare  wadanka kale oo aad jaclaan laheyd inaad isaga/iyada iska diiwaangeliso Dugsiga Sare ee Sayniska (Fen Lisesi), Dugsiga Sare ee Saynisyada Bulshada (Sosyal Bilimler Lisesi), Anatolian Dugsiga Farsamada Gacanta ee Diinta ee Anatolian (Anadolu İmam Hatip Lisesi) ama Dugsiga Sare ee Farsamada Gacanta iyo Farsamada ee (Mesleki ve Teknik Anadolu Lisesi), cunugaaga wuxuu u baahan yahay inuu galo imtixaanka Liselere Geçiş Sistemi (LGS). Si aad loo galo imtixaanka. Cunugaaga waa inuu ka diiwaangashan yahay fasalka 8aad e dugsiga dhexe ee Turkiga.

Haddii aad la kulanto wax dhibaato inta lagu jiro diiwaangelinta, fadlan u tag Waaxda Waxbarashada Gobolka (İl Milli Eğitim Müdürlüğü) ama Waaxda Waxbarashada Gobolka (İlçe Milli Eğitim Müdürlüğü) ee aagag deegaankaaga.

Ardayda sida guusha ah ku buuxiyey shuruudaha dugsiyada sare ee dadweynaha ayaa xaq u leh inay qaaatan shahaadda dugsiga are.

Haddii ku dhammaysanin waxbarashadaada dugsiga sare Turkiga oo aadan heysanin shahadaada/diplomahaaga, waa inaad iska diiwaangelisa Open Education High School (Açık Öğretim Lisesi) si aad u hesho shahaadda u dhiganta waxbarashada dugsiga sare. Haddii aad ka yar tahay, fadlan tag xafiiska Waaxda Waxbarashada ee Degmada (İlçe Milli Eğitim Müdürlüğü) ee ku yalla degmada aad degan tahay oo codso imtixaanka meelaynta.

Haddii aadan weli dhammaynin waxbarashadaada dugsiga sare ee Turkiga waxaadna heysta shahaaddaaada/diplomahaaga, waa inaad heystaa shahaado u dhiganta si loo go’aamiyo diplomaha u dhigma oo ay bixiyaan mahcadyadda waxbarashada dugsiga sare ee Turkiga. Si aad sidaa u saneeyso, fadlan booqo https://edenklik.meb.gov.tr/ websaydka Wasaradda Waxbarashada ee Qaranka ama tag Waaxda Waxbarashada Degmada ama Waaxda Waxbarashada Gobolka ee aaga aad degan tahay.

Wassaradda Waxbarashad ee Qaranka waxay bixisa fursadaha waxbarashada masafada fof kuwa aan ama aan awoodin inay dhammaystan waxbarashooda heerka labaad ama waxbarashadda dugsigsa sare. Codsiyaasha ilaalinta caalamiga ah ama ka faa’iideystayaasha ayaa soo kale ka faa’iideysan karaa fursadahan waxbarashada masafada fog.

Hadda, waxaa jiro shan mahcadyo waxbarashada masafaada fog: dugsiga sare (Açık Öğretim Ortaokulu), Dugsiga Sare (Açık Öğretim Lisesi), Vocational High School (Mesleki Açık Öğretim Lisesi),Dugsiga Sare ee Imam Hatip (İmam Hatip Açık Öğretim Lisesi), iyo Dugsiga Farsmada Gacanta iyo Farsamada (Mesleki ve Teknik Açık Öğretim Okulu). Luuqada ah waxbarashada iyo imitixaanada dugsiyada waa Turkish.

Dugsyada Waxbarashada waxay bixiyan waxbarashada masafada fog, codsayaasha waa inay ugu yaraan jiraan 14 sano waana inay dhammaystan fasalka 4aad, Ardayda ku dhammaystay waxbarashadooda dugsiga hoose dibadda Turkiga, waxaad la idinka rabaa inaad tagtan Waaxda Waxbarashada Gobolka ee magaaladda deegaankaaga oo aad soo qadaato dukumenti u dhigma. Kadib marka aad soo hesho dukumenti u dhigma, waaxaad tagi kartaa Xarunta Waxbarashada Dadweynaha, Dugsiga Sare ee Gacanta Farsamada (Vocational High School) ama dugsiga Sare ee mam Hatip ee ku yalla degmadaada si aad uga codsato degmadaada. Haddii heerkaaga luuqada Turkiga uu hooseyo si aad u sii wado waxbarashadaada, waxaa laga yabaa inaad u baahanto inaad iska diiwaangeliso koorsada luuqada Af-Turki ah ama koorasada akhrinta iyo qorista Af-Turki.

Ma jirto xadid da’da si aad isaga diwangeliso dugsia Sare, ama Vocational School ama Imam Hatip High School ee bixiya masafada waxbarashada fog. Kuwa si guul ah ugudhammaystay waxbarashadooda dugsiga sare Turkiga, waxaa laga rabaa inaan soo bandhigan shahaadadooda si loo diiwaangeliyo. Kuwa waxbarashdadooda dugsiga sare ku soo dhammaystay dibadda waa inay tagaan Waaxda Waxbarashada Gobolka si ay u qaatan dukumenti u dhigma oo ay ku buuxiyaan diiwaankooda dukumentigaas. Waxaad u baahan doontaa Codsadaha Ilaalinta Caalamiga ah ama Dukumentiga Aqoonsiga Ka faa’iideystaha inta lagu jiro diiwaangelinta. Waxaad laga yabaa inaad booqato Xarunta Waxbarashada Dadweynaha, Vocational High School ama Dugsiyada Sare ee Imam Hatip oo bixiyada waxbarashada masafada fog laga yaaba inay dhigtaan qaar ka mid ah koorsaooyinka lagu bixiyo dugsiga u dhaw meesha deegaankooda.

Dugsiyada Farsmada iyo Farsamada Gacanta ee bixnta waxbarashada masafada foq waxaa loogu talo galay ardayda dhammaysatay waxbarashadooda dugsiga hoose kuwaas oo jaceylaan lahaa inay helaan xirfadaha farsamooyinka ee la xiriira shaqooyinka. Waxaad ku booqon kartaa Xarunta i Waxbarashada Dadweynaha adiga oo wata shahaadaada dugsiga hoose ama dukumenti u dhigma si aad isku diiwaangeliso.

Waaad kala xiriiri kartaa xarunta 147 wicida ee Wasaradda Waxbarashada Qaranka wixii su’aalo oo ku saabsan fursadaha masafada waxbarashada. Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan shuruudaha,habraayacyadda diiwaangelinta iyo manhajka, fadlan booqo websaydyada Wasaradda Waxbarashada ee Qaranka ee wixii ah ah waxbarashada masafada: www.aol.meb.gov.tr iyo www.maol.meb.gov.tr.

Shahaadda laga qatay dugsiyada sare ee bixiya waxbarashada masafada fog waxaa loo tixgelinay inay u dhigmaan shahaadda dugsiga sare. Haddii adiga ama cunugaaga awooddii karin ama u xaadiri dooniin dugsiga sare oo aad shahaaddo ka qaadatay dugsiga sare, adiga ama cunugaaga ayaa la diiwaangelin karaa dugsi bixiya waxbarashada masafada foq, haddii aad u dhammaysto si guul ah waxarashadaada masafada fog, shahaahadda aad ka qaadato aad kuu oggolaan doonto inaad sii wado waxbarashadaada sare.

Dadka ah codsadayaasha ilaalinta caalamiga ah ama ka faa’iideystayaasha ayaa iska diiwaangelin karaa haddii ay buuxiyaan shuruudaha qaar.

Dhammaysashada dugsiga hoose iyo dugsiga sare ee Turkiga waa mudnaanta kowaad ee la isaga diiwaangeliyo waxbarashada sare. Ardayda ku dhammaystay waxbarashadooda dugsiyada dadweynaha ama dugsiyada bixiya waxbarashada masafada fog ee Turkiga ayaa buuxin doonaa shuruudahaan. Si kastaba ahaate, kuwa ka qalinjabiyey machadyadda dibadda Turkiga ama aan muujin karin inay dugsi hore u soo dhigteen ayaa laga rabaa inay iska diiwaangeliyaan Open Education High School (Açık Öğretim Lisesi).

Dhammaan ajaaniibtaa horey waxbarashadooda ugu sii watay Turkiga ee raba inay iska diiwaangeliyaan jaamacadaha Turkiga waa inay galaan imitixaanka loogu talo galay Ardayda Ajaaniibta oo ay ku baasaan (YÖS), waxaa soo diyaariyey jaamacadaha, waxaa laga yaaba in laga rabo inaad bixiso lacagta codsiga si aad gasho imtixaanka.

Si kastaba haatee, YOS waxay imtixaanka dhammayn doontaa 2023 iyo nidaamka (Imtixaanka Diiwaangelint Ardayda Caalamiga ah ee Turkiga) ee TR-YÖS waxaa la hirgelin doonaa laga bilaabo Janaayo 2023. Xaruntan imtixaanka waxaa lagu qaban doonaa bartamaha iyo YÖS, kaas oo si gaar ah u qaban jirtay jaamacad walba, ayaa la joojin doonaa. Imitixaanka waxaa lagu qaadi doona  luuqadaha Turki-ga Jarmal,Carabig, Faransiis, Ingiriis, Ruushka, laga bilaabo 2022, haddii aad tahay ajanabii horey wax uga baranayay Turkiga, waxaad u baahan doontaa inaad gasho imtixaanka TR-YÖS kadib marka aad ka la qalinjabiso dugsi sare si aad u sii wadato jamacad.

Ardayda ajanabiga ah ee iska diiwaangeliyey waxbarashada heerka labaad tusaale dugsiyada sare ee Turkiga markii ugu horeysay sanadka dugsiyeedka 2022-2023 ayaa awooddi doonaa oo kaliya inay galaan jaamacadaha leh Imtixaanka Machadyada Waxbarashada Sare (YKS), taasi waa, ma awoodi doonaan inay galaan TR-YÖS.

Intaa waxaa u dheero, jamacaaha waxay leeyihiin dookhyada lagu codsanayo dukumentiyada la xiriira waxbarashada hore ee codsadaha. Waxay ku xiran tahay luuqada lagu dhiganayo jaamacada iyo waaxda, codsadayaasha waxaa laga yaabaa in laga codso inay soo bandhigaan aqoonta luuqaada ee ku saabsan waaxda, waxaa intaa u dheer, dukumentiyada muujinaya aqoonsta waxbarashada Luuqada Turkiga ayaa laga yaaba in sidoo kale loo baahdo. Sidaa darteed waxaan kugula talinaynaa inaad la tashato Waaxdaha Ardayga Ajanabiga ama websaydyada jaamacadda wixii macluumaad dheeaad ah iyo ku dhawaaqida.

Ma lagaga baahna shuruud aad kula laabto codsigaaga ilaalinta caalamiga ah si aad ugu sii wadato wabarashadaada sare Turkiga. Haddii aad jamacada ku aqbashay si ay taalo gobolka aan aheyn magaaladda laga diiwaangeliyey, waxaad laga rabaa inaad codsato isbedelista magaalaadda aad ka diiwaangashan tahay adiga oo u tagaya Maamulka Waaxda Socdaalka Gobolka.

Waxaad booqan kartaan https://www.studyinturkey.gov.tr  si aad u hesho macluumaad ku saabsan habraacyadda codsiga jaamacadda, waaxaha iyo fursadaha waxbarasho ee la heli karo, shuruudaha aqbalista jaamacaha, iyo taariikhada imtixaanka.

Sidoo kale, shuruuda aqbalista ardayga ajanabiga ah iyo qiimaha jaamacaha, kuwaas dib loogu go’aamiyo sanad walba websaydka Gollaha Waxbarashada Sare https://www.yok.gov.tr/ogrenci/kendi-imkaniyla-egitim-alanlar-yurt-disinda-lise-egitimi-alanlar) ayaa la daabacaa.

Codsadayaasha ilaalinta caalamiga ah ama ka faa’iideystayaasha ayaa iska diwaangelin karaa barnaamijyada waxbarashada masafada fog ee jamacadaha haddii ay buuxiyaan shuruudaha qaarkooda, In kastoo luuqada waxbarashada badankoodu ay tahay barnaamijyaddan iyo korsooyinka waa Af-Turki, waxaa sidoo kale jiro barnaamijiyo halkaas oo luuqada waxbarashada ay tahay oo kaliya luuqaddaTurkiga. Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijyada waxbarashada, iyo shuruudaha is diiwaangelinta iyo habraacyada, fadlan booqo websaydyada jaamcaha.

Waxaa jiro dhowr deeq waxbarasho ay ardayda heli karaan. Madaxtinimada Turkiga iyo Xiriirada Bulshooyinka (Presidency for Turks Abroad and Related Communities) ayaa bixiya barnaamiyada deeq waxbarasho oo dhowr ah oo loogu talo alay ardayda ajaabiinta ah oo ay ku jiraan ardayda ilaalinta caalamiga ah. Si loo helo macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan habraacyada codsigan iyo macluumaadka ku jira baraamijyaddan deeqada waxbarashada, waxaa booqon kartaa websaydka “Türkiye Scholarships”: www.turkiyeburslari.gov.tr.

Sidoo kale, “Türkiye Scholarships”, ajaaniibta ah ku joogto Kurkiga sharciyadda sax ah ayaa codsan karaa Waaxda Guud ee Deeqada Waxbarashada Mu’aasaasooyinka Waxbarashada Sare (“Directorate General of Foundations Scholarships for Higher Education”). Iyada oo qeyb ka ha barnaamijkan deeqada waxbarasho, ardayda ayaa lagu qiimeyn kara iyada oo lagu saleynayo guusha waxaana la siiya gunooyinka bilaha ilaa 8 bilood sanadkii. Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan booqo websaydkan.

Waxaad sidoo kale u tagi kartaa ururada bulshada rayidka wixii macluumaad dheeraad oo ku saabsan fursadaha waxbarashada.

Dhammaan carruurta, shakhsiyaadka dhalinyarada ah iyo dadka waa weyn ee rabta inay bartaan luuqada Turkiga Xarumaha Waxbarashada Dadweynaha. Xarumahaan waxay ku  koorsooyinka bilaash. Waxaa laga rabi doonaa inaad soo bandhigto Codsadaha Ilaalinta Caalamiga ah ama Dukumentiga Aqoonsiga Ka Faa’iideystaha si loogu diiwaangeliyo.

Intaa waxaa dheer, ururada bulshada rayidka ayaa ku  hawlgalaya korsooyinka luuqada Turkiga oo bilaash ah iyada oo kormeresya Wasaradda Waxbrarashada ee Qaranka. Waxaad sidoo kale qaadan kartaa korsooyinka.

Waxaad tagi kartaa Xarumaha Waxbarashada Dadweynaha si aad u hesho tababarka farsamada gacanta. Korsooyinkaan waaa lagu bixiyaa bilaash. Si kasta ahaate, fadlan la soco Xarunta Waxbarashada Dadweynaha waxay go’minaysa koroosyinka si loo bixiyo si sanadle ah waxayna furi karaa in loo baahdo koorsooyin cusub. Sidaa darteed, waxaan kugula talinaynaa inaad tagto Xarumaha Waxbarashada Dadweynaha si aad u weydiiso wax ku saabsan koorsooyin la helayo. Fadlan sidoo akel xusuusnoq waxaad la rabi doonaa inaad soo bandhigto Codsadaha Ilaalinta Caalamiga ah ama Dukumentiga Aqoonsiga ka hor inta aad iska diiwaangelinta korsooyinkan.

Hay’ada Shaqalaysiinta Turkiga (İŞKUR) sidoo kale waxay bixisa korsooyinka farsamada gacanta oo dhowr ah. Waxaad sidoo kale booqon karta xafiisyada Haya’ada Shaqaalaysiinta Turkiga si aad u weydiiso wax ku saabsan  koorsooyinka la helayo. Ugu dambayntii, waxaa jiro ururada bulshada rayidka oo bixiya tababarka xirfada oo lacag la’aan ah, hibaayadda, iyo korsooyinka farsamada gacanta iyada oo ay kormeerayso Wasarrada Waxbarashada Qaranka.

Waxaan isticmaalnaa cookies si aan kaaga caawino horumarinta khibradaada khadka tooska. Markaad isticmaalayso mareegahayaga, waxaad ogolaatay tan. Si aad wax badan uga barato akhri shuruudahayaga isticmaalka iyo sharciyadayada qarsoonaanta