Qof walba oo ka yar 18 sano waxaa looga tixgeliya Turkiga inuu ilmo yahay. Tani waxay la micno tahay in qof walba oo ka yar 18 sano jir uu ku raxeysan karo xuquuqaha iyo adeegyada la siiyo “carruurta” ee khuseysa sharciyada Turkiga. Halkaas oo aad ka arki karto macluumaadkani erayga “ilmo” ama cunug, tani waxaa loola jeedada qof walba oo ka yar 18 sano jir.
Haddii uu ilmaha yimaado Turkiga iyada oo aysan la soconin hooyadood, aabahood, ama xanaaneye kale oo qaan gaar ah ama qaraabo; xiriirkooda uu waayo kadib marka uu Turkiga yimaado, tani waxaa loo arkaa sida “cunug aan lala soconin” ama ilmo aan lala soconin”. Dhammaan carruurtada iyada oo aan loo eegaynin, dhalashooda, diintooda, jinsiyadoodam ama astaamaha kale, ayaa ka faa’iidaysan karaa xuquuqaha adeegyada carruurta lagu siiyo Turkiga.
Wasaradda Qoyska iyo Adeegyada Bulshada (Af-Turki: Aile ve Sosyal Politikalar Bakanlığı) waa guddiga rasmiga ah ee masuulka ah ilaalinta carruurta joogtada Turkiga. Marka carruurta loo aqoonsado inaan lala soconin, waxaa la dejiya guriyo ku haboon da’dooda iyo jinsigooda kuwaas oo ay kala hawlgasho Wasaradda Qoyska iyo Adeegyada Bulshada. Waxay jooji karaan hoyiyaddan ilaa ay ka gaaraan 18. Carruurta ku nool hoyiga waxay leeyihiin baahiyadooda daruurrigs ah sida cuntada, caafimaadka, waxbarashada iyo dharka, waxaana si bilaash looga siiya xaruumahan. Xaruumaaan waxaa rasmi ah loogu yaqaana Xaruumaha Taageerada Ilmaha (Af-Turki: Çocuk Destek Merkezleri), laakiin sidoo waxaa si joogto ah laagu yeera sida “goobo”, xaruumo” iyo “qolalka jiif ah”.
Haddii aad tahay ilmo aan lala soconin ama aad rabto inaad ka hesho ilaalin Turikga, marka koowaad, da’daada iyo sidoo kale heerkaaga (in lagula socodo ama inaan lagula soconin) waa in la aqoonsada.
Habraacyadda lagu aqoonsanayo inaad tahay ilmo aan lala soconin iyo kale waxaa sameeyn doonaa saraakiisha booliska ee ku takhasusay la shaqeynta carruurta marka saraakiisha dowladda ay khuseyso ama shaqaalaha uruurada dowladda aan aheyn aad qalbigooda ku soo dhacday. Saraakiisha booliska ayaa qabanyo aqoonsiga da’daada iyada loogu saleynayo dib eegida dukumentigaaga(yada) sida, baasaboorkaaga, dukumentiga(yadda) aqoonsiga, shahaadda dhalashadaada, Si loo fahmo haddii lagu tixgelina inaad tahay ilmo aan lala sococinin iyo in kale, saraakiisha booliska waxay ku weydiin doonaa dhowr su’aalood oo ku saabsan halka ay qoyskaagu joogaan, sida iyo goorta aad kala tagteen, saraakiisha booliska ayaa diiwaangelin doonaa macluumaadkan. Haddii uusan jirin shaki ah inaad ka yar tahay 18 sano jir in io kale oo aan lagula sococin, kadib saraakiisha booliska ayaa kuu raaci doonaa dhowr baaritaano caafimaad ah, oo ay ku jirto qiimeyn baaris oo inaad qabto wax ah cudurada ah faafaa iyo in kale. Dhammaadka habraacyaddan, waxaa laguu qaadi doonaa xarunta ku haboon da’daada iyo jinsigaag.
Qiimeynta da’da ayaa laga yaaba inuu booliska u arko inay laga marmaan tahay haddii aad heysanin wax dukumentiyo ah oo cadeynaya da’daada ama haddii aad maamulka ay rumeysanyihiin inay muuqato inaad ka weyn tahay 18 ama haddii, sababo qaar, waxaa horey kugu diiwaangeliyey maamulada Turkiga ah inaad ka weyn tahay 18.
Saraakiishan booliska waxay u tababaran yihiin inay la shaqeeyaan carruurta kadib waxay kuu raaci doonaan isbitaaladda dowladda qiimeynta da’da. Dhammaan qeybaha habraacada aqoonsigan waa lacag la’aan: Wax lacaga ah ma bixinaysid.
Dhammaan dukumentiyada rasmiga ah ee aad soo qaadatay, sida, dukumentiga(yada) aqoonsiga, warqadda dhalashada, baasaboorka, diiwaanada waxbarashadii ehore, wax dukumenti ah oo muujinaya da’daa waxay muhiim u tahay in laguu aqoonsado ilmanimadaada. Xitaa haddii aadan awooddin inaad keento dukumentiyaddan Turkiga,waxay caawimaad u noqonta doontaa habraacyadda aqoonsia, haddii surtagal tahay, si loo gahelo koobiyadda rasmiga ah ama sawirada dukumentiyaddan xubnaha qoyska ama qarabadda.
Qiimeyntada da’da waxaa sameeyn doonaa marka aad soo bandhigi wayso wax dukumenti aqoonsiga oo muujinaya da’daada, ama haddii muuqaalka jireed sababayo inay maamulada aaminaan inay suurtagal ah inaad tahay 18 ama aad ka weyn tahay.
Qiimeynta da’da waa baaris caafimaad loo isticmaalo in lagu aqoonsado da’daada haddii aadan heysanin dukumenti rasmi ah, sida basaboor, dukumenti aqoonsi, sida baasaboorka, dukumenti aqoonsi, oo muujinaya da’daada, ama haddii uu jiro shakisa ah inaad bixineyso macluumaad sax oo ku saabsan da’daada iyo in kale. Qiimeynta waxaa sameeynayo dhakhtar ama guddi dhakhaatriir oo ka shaqeya isbitaalka.
Jirka bani’aadamka, gaar ahaan laftaada iyo koriimada iliga iyo isbeddelada dhaca xiliga qaangaarnimada, ayaa ka caawinaya dhakhaatiirtada inay aqoonsadan da’nololedkaga. Habka ugu caasan ee lagu sameeyo qiimeyntada da’da carruurta ee Turkiga waxay ku xiran tahay koriimada lafta iyada lagu raajato lafta curancurtaada. Labaduba baarista jirka iyo baaritaanada. Oo ay ku jirto raajatooyinka, ayaa sida degan looqaada iyo qaab jir ahaan ama maskax ahaan xanuun aheyn ama aan ku wax yeelaynin adiga, dakhtarka ku baaraya adiga ee baaraya da’daa waa inuu kuu sheega wax ku saabsan ujeedada da’da qiimenta iyo habka loo isticmaalayo.
Sarkaal boolis oo u tababaran la shaqeynta carruurta iyo, haddii loo baahdo, turjukaam, ayaa kuu raaci doonaa adiga inta lau jiro habraaca qiimeynta da’da. Dhammaan heerarka nidaamka aqoonsiga waa lacag la’aan: ma bixineysid wax lacag ah.
Way adkaan kartaa si sax ah loo aqoonsado da’da qofka iyada loo marayo habka qiimeynta da’da, sidaa darteed, natijjooyinka la helayo waxaa laga yaaba mararka qaar inay qalad yihiin.Koriimada jirka bani’aadamka ayaa ku dhici karto xaaware kala duwan iyada lagu saleynayo cilmida wadamada, Qiimeynta da’da waa in lagu tixgeliya dhammaan arrimaha, laakiin weli waxaa loo baahan yahay cilmi baarista wenyne ee saameyntooda. Inta waxaa u dheer, mararka qaar qiimeynta da’da waxay qiyaasta oo kaliya da’da u dhaxeysa ilmanimada sida “inta u dhaxeysa 15 iyo 17 san jir”, halkii ay ka ahaan laheyd 16 jir iyo 5 bilood. Xaaladdan oo kale, da’daada waxaa loo diiwaangelin karaa si gaar ah, waxay ku xiran tahay qiimeynta kama dambeysta ee dhakhtarka.
Waa surtagal in diidmo laga keeno natiijooyinka qiimeynta da’da. Xaaladdan oo kale, waxaad tagikartaa isbitaalka halkaa qiimeyntii ugu koowaad laga buuxiyey, ama waxaad baaris laga sameeyn karaa waaxda baarista xarun kale oo caafimaad oo ku takhasuustay qiimeynta da’da. Waaxaha qiimeyntada da’da ma lagu saleeyo oo kaliya koriimada lafta laakiin waxaa sidoo kale lagu saleynaya qiimeynta jirka oo dhab. Marka dood ay ka timaado natiijooyinka hore qiimeynta da’da, waa muhiim in la helo baaris ku saleysan noocan oo ah qiimeyn aad u dhammeystiran. Kadib waa inaad u soo bandhigtaa natiijooyinka baaritaanada kale Waaxda Maamulka Socdaalka ee Gobolka, ama maxkamadda. Waa muhiim inaad la tashato oo uu kaa caawiyo qareenka nooca kiiskan. Refugee Rights Turkey ayaa ku siin karaa talo ku saabsan habraacyaddan iyo ka caawin geedi socodka racfaanka.
Dowladda Turkiga waxay siisaa ilaalin ilmaha aan la soconin ku yool Turkiga. Wasaradda Qoyska iyo Adeegyadda Bulshada (Af-Turki: Aile ve Sosyal Politikalar Bakanlığı) waa haya’adda dowladda ee masuulka ah ilaalinta shakhsiyaadka ka yar 18 sano jirka ah. Saraakiisha ka shaqaysa xarumaha halkaas oo ay degan yihiin degan yihiin ilmaha aan la soconin ee hoos yimaadda Wasaradda Qoyska iyo Adeegyadda Bulshada ayaa isku xirta ilmaha inay helan xuquuqahooda, maadama ay qeyb tahay masuuliyaddaha xirfadooda. Dhammaan adeegyadda la siiyo ilmaha aan lala soconin,inta lagu jiro nidaamka aqoonsiga iyo sidoo kale meelaynta xarunta kadib, waa lacag la’aan.
Ilmaha aan lala soconin waxay ku jiraan daryeelka xarumo oo ay joogaan oo ay ka hawlgasho Wasaradda Qoyska iyo Adeegyadda Bulshada. Dhallanka iyo carruurta da’doodu u dhaxeyso 0-7 ayaa laga yaaba inay wada joogaan. Haddii aad u dhaxeyso 8- iyo 17-sano jir, waxaa joogi doonaa xarumaha loogu qoodeyey iyada oo loo eegayo da’daada iyo jinisigaaga. 8-ilaa-12 jir wiilal iyo gabdho ah ayaa joogayo xarun gaar ah, halkaasoo wiilasha 13 ilaa17 iyo gabdhaha jira 13 ilaa17 ayaa joogayo xaruumo gaar ah.
Goboladda sida Istanbul, halkaas oo ay tirada ugu badan ee ilmaha aan la soconin si joogto ah loogu aqoonsado. Marka ugu horeysa ayaa laga yaaba in lagu weydiiyo inaad joogto xarun ku meel gaar ah dhowr toddobaad. Ka hor inta inta aan laguu wareejinin xarun halkaas oo aad joogi doonto ilaad ka gaarto 18. Caadi ahaan, waxaad la joogi doonta xarumaha loo qoondeyey ilmo kale oo kagala soo jeeda dhalashooyin kala duwan. Sidoo kale waxaa suurtagal ah inaad la joogto xarumo isku dhaf ah oo aad la joogto ilmo Turki ah haya’adda daryeelka, badnaas sabbabtoo ah qaar ka mid ah xaaladdaha gaarka ah ama arrimo ku saabsan awoodda xarunta.
Xarun walba waxay leedahay qaad gaar ah, tusaale ahaan, isku celcelin ahaan 20 ilaa 40 Ilmo ayaa wada joogi karaa hal xarun, si kastaba ahaate, awodda iyo xaaladaha jirka ee xarumaha ayaa kala duwnaan kara.
Cunug walba oo jooga xarunta wuxuu leeyahay “la taliye” kaas oo masuul ka ah iyaga. La taliyaasha waa sarkaal kaas oo uga shaqeeya xarunta dhakhtar cilmi ahaan ama macalin. Waxaa la filaya baahiyaaga hordhaca ah in la wadaago, caqabad walba oo aad kualnto xarunta ama noocyada walacayada ee aad ku qabto la taliyahaaga, waxaa lagu ogeysiin doonaa qofka kuu ah la taliyahahaaga marka lagu geeyo xarunta, caadi ahaan la taliyahaan ayaa sidoo kale kuu sheegi doonaa wax ku saabsan sharciyada xarunta iyo macluumaad kale oo muhiim ah. Marka laga soo tago la taliyaha, waxaad sidoo kale la tashan kartaa dadka kale ee waaweyn ee ka shaqeya xaruntan oo ay ku jiraan macalimiinta, saraakiisha, kalkaaliyaasha, nadiifiyaasha, iyo shaqaalaha jikada, iyo maamulka xarunta, iyo facaaga koriimada jirka iyo caqliga inta aad halkaas joogto, noocyada xarumahaan ma loou talo galin inaad inaad dareento nooca xayiraad ah ama ciqaab ah; oo lid ku ah, waxaa loogu talo galay inay ku siiyaan ilaalin iyo taageero.
Sida uu dhigayo sharciga Turkiga, haddii looguu fahmo inaad tahay ilmo aan lala soconin, micnaheedu waxaad ka yar tahay 18 mana lihid xubno qoys oo adiga kula socda, kadib waa in lagu geliyaa ilaalinta dowladda. Si ku haboon, haddii tani xaaladdaadu tahay kadib waxaa lagu geyn doonaa daryeelka dowladda ee xarunta dowladda, sida kor ku sharrxan.
Haddii kale, waxaad la joogi kartaa xubin qoyska ama qarabo, haddii wax kuu joogaan Turkiga ama qoys koriya. Dhammaan xaaladdan (joogista xarunta, ma la joogis qarabo, ama qoys ku koriya), maamulada waxay u baahan doonaan inay sameeyan qiimeyn iyada oo la tixgelinayo waxaa kuu fiican cunug ahaan. Haddii aad codsato inaad la noolaato qarabo ama xubin qoys oo ku nool Turikha, Wasaradda Qoyska iyo Adeegyadda Bulshada waxay sameeyn doonaan qiimeyn ku saabsan codsigaaga, waxayna baari dooaan xaaladaha nololeed ee qarabaada si loo fahmo in haddii xubinta qoyska/qarabada ay ku daryeeli karaan adiga. Waxaad la joogi kartaa xubintaada qoyska ama qarabada kadib marka ay Wasaraddu ansixiyo codsigaaga. Surtagal ma ahan in ilmo aan lala soconin kaligood noolaadan. Waxaa lagu geyn doonaa daryeelka xarunta, qoys ku korsada, ama halka ay khuseeyso, ama xubintaada qoyska.
Haddii walalo ka yar oo aan lala soconin, Wasaradda Qoyska iyo Adeegyadda Bulshada waxay sameeynaysa qiimeyn ku saleysan da’da iyo jinsiga adiga iyo walalaha. Wasaaradda ayaa dookha haddii ay idin dejinso hal xarun. Haddii ay surtagal tahay.
Sida kor lagu soo xusay, labka iyo dheddiga dhallanka iyo ilmaha jira 0-7 ayaa xarunta isla joogi karaa, gabdhaha iyo wiilasha jira 8- 12 ayaa joogi karaa xarumo kala duwan oo ku haboon da’dooda iyo jinsigooda. Haddii da’da iyo jinsiga adiga iyo walaalahaa uu oggolaado, waad isla joogi karaan, haddii uu surtagal aheyn inaad isla joogtaan xarunta walaalaha, kadib waxaaa la idin geyn doonaa xarumaha guryo isku dhawo ama isku gobol ah, markaas waxaad isku arki kartaan si joogto ah.
Sida ilmo aan lala soconin, waxaad joogi kartaa xarumaha Wasaradda Qoyska iyo Adeegyadda Bulshada ilaa aad ka gaarto 18. Waxaa la filaaya inaad ka tago xarunta kadib dhalashadaada 18naad. Turkiga, shakhsiyaadka 18 ah iyo wixii ka weyn ayaa loo tixgeliyaa inay dad qaangaar yihiin, sida u qabo dhaqmada hadda, dadka waa weyn ee magangalyo doonasha ayaa la filaya inay daryeeshaan hoyigooda. Haddii si kale loo dhigo, mangalyo doonyaasha qaangaarka ah waxay kireysanayaan guri ama filo u gaar iyaga, waxay bixiyaan karashka noloshooda iyo baahiyahooda.
Marka laga reebo xaalado qaar waxaa surtagal ah in la sii joogi karo xarumaha muddo gaaban, ama muddo dheer, kadib marka 18 la jirsado haddii aad u baahan tahay inaad sidaa saemeeyso si aad u sii wadato waxbarashadada ama wixii ah xaalado kale oo gaar ah. Waa kuwan, xaaladdaha gaarka ah loo tixgeliyo xaaladaha sida marka aad 18 jiro ka hor inta aad ka tagin Turkiga, (tusaale, dib ula midowga qoyska) dhowr toddobaadka, iyo sidaa darteed ma degi kartid kaligaa ka hor inta aadan ka tagin Turkiga, ama tusaale haddii aad ka soo kabanaysid xaalad caafimaad oo darran waxaana laguu oggolaaday inaad xooga sii joogto ka hor inta aad ka bixin xarunta. Xitaa xaaladdaha ka reeban, awoodda xarunta iyo go’aanka xaaladdaha qaar ee maxkamadda ee kordhinta tallaabada ilaalinta ayaa muhiim u ah go’aaminta haddii laguu siinayo kordhinta joogis dheeraad ah xarunta iyo haddii kale.
Inta badan carruurta aan la soconin ee jooga xarumaha ayaa dareema walac ku saabsan noloshooda kadib marka ay 18 jirsadaan, gaar ahaan wax ku saabsan halka ay ku noolaan doonaan, sida ay u ilaalin doonaan noloshooda iyo habraacyada ay u baahan doonaan inay raacan. Waa caadi in la qabo walac ku saabsan mustaqbalka, haddii aad qabto walacyo la mid ah kuwan, waxaad kala hadli kartaa la taliyahaaga ama shaqaalaha kale ee xarunta. Waxaad sidoo kale kala xiriiri kartaa Turkey’s hotline wixi ah ilmaha aan la soconin iyo dhalinyarada +90 549 510 52 06.
Adiga iyo ilmaha kale aan lala soconin ayaa uga faa’iidaysan kara dhammaan xuquuqaha iyo iyo adeegyada lacag la’aan inta aad ku jirto daryeelka haya’adda.
Madaama aad tahay ilmo aan lala soconin, waxaad ka faa’iidaysan kartaa kaalmada hoyiga, micnaheedu yahay waxaad joogi kartaa Warasadda Qoyska iyo Adeegyadda ilaa aad ka gaarto 18. Muuqaalada dhismaha ee xarumahaan ayaa kala duwnaan karo: Xarumaha waxaad qolkaaga la wadaagi doontaa ilmo kale, halka xarumaha kale laga yaabo inaad adiga oo kaliga qol yeelato. Baahiyahaaga waxaa lagugu siiyey xarumahaan, oo ay ku jiran cunto iyo qolol. Intaa waxaa u dheer, kalkaaliye xaadir ku xarumahaan iyo dhibaatooyinka caafimaadka ayaa si dhaw loola socon doonaa oo wax laga qaban doonaa. Waxaa laguu raaci karaa isbitaalada ama goobaha kale ee caafimaadka haddii loo baahan yahay taxadar caafimaad dheeraad ah.
Sida ilmo aan lala soconin, waa surtagal inaad sii wado waxbarashadaa inta aad ku jirto daryeelka haya’adda. Waxaad sii wadi kartaa waxbarashada masafada ama caadiga ah ee ku haboon da’daada iyo heerka waxbarashada hore. Oo leh hagida taliyahaaga xarumaha aad joogto. Haddii aad ku nooshahay xarunta, waxaa laga yabaa inaad heli doonto xooga lacag ah (gunnad), taas oo loo bixiyo si toddobaadle ah ama bile marka waxaad dabooli kartaa qaar ka mid ah baahiyahaaga gaarka ah. Intaa waxaa u dheer, koorsooyinka luuqada, jimicsiyada isboortiiska, meel joogyda iyo hawlaha kale ee bulshada ay xarumaha u diyaariyaan ilmaha aan lala soconin ee halkaas degan.
Ilmaha aan la soconin waxay sidoo kale leeyihiin xooga xuquuqo kale ah. Madaama aad tahay ilmo aan lala soconin, waxaad codsan kartaa magangalyadda Turkiga haddii aad meelaynayso wadaankaaga aad ka soo jeedo inuu ammaan aheyn iyo haddii aad ka cabsanayso inaad ku laabato. Sida uu qabo sharciyada Turkig, waxaa dib lagugu celin karaa meel noloshooda halis ku geli doonto. Fadlan hoos ka arag wixii macluumaad dheeraad ah ee xuquuqda lagu codsanyo mangalyada Turkiga.
20 ilaa 40 cuug ayaa joogt xarunta halkaas oo ay degan yihiin ilmo aan lala soconin. Waxaa jiro sharciyo qaar oo ujeedkoodu yahay inay surtagal kaga dhigan inaad si wada jir ah ugu noolaatan ammaan iyo nabad, sharciyada ayaa kala duwanaan karaa xarumo ahaan. Sharicyadan ayaa laga ayaab inay kor marayaan xeerarka galista iyo ka bixida xarunta, isticmaalka meelaha guud, waqtiyada cuntada, nadafada, iyo mowduucyo kale. Soo koobida sharciyaddan ayaa lagu siin doonaa marka aad soo gasho xarunta. Waxaad sidoo kale helaysa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waxa sharciyada mowducyada gaarka ah ee macalinta iyo ilmaha kale ee jooga xarunta.
Waa muhiim in xooga la saarayo xarumaha mesha ay degan yihiin ilmaha aan la soconin inay dhagan tahay in lagu ciqaabo ama lagu xadido dhaqdhaqaaqaaga; lid ku ah, meelaha waxaa loogu talo galay ilmaha aan la soconin sida adiga oo kale inaad ugu noolato badqab iyo halkaas oo aad ka heli karto xuquuqahaaga asaasiga ah sida helida helida hoyi iyo helista daryeelka caafimadka iyo waxbarashada. Sharciyaddan waxaa loogu talo galay idinka ka caawiyaan adiga iyo ilmaha kale ee aan la soconin inaad wada nololaatan oo ay ammaan idinka dhigto.
Shaqalaysiinta ilmaha aan la soconin waa arrin sharciyo gaar ah oo ku saabsan labaduba shaqalaynta dadka ajaanabiga iyo carruurta joogta Turkiga.
Marka koowaad, marka rebitaan aad u yar, waxaa ka mamnuc ah in ilmaha ka yar 15 jir ay shaqeeyaan sida uu qabo sharciyada Turkiga, sidoo kale dhammaan dadka ajaaniibta ah waxaa laga filaya inay qaataan shatiga shaqo oggolaanshaha si ay u ugu sahasho inay sharci ahaan uga shaqeeyan Turkiga. Aad bay khatar u tahay in Turkiga laga shaqeyo iyada oo la heysanin oggolaansho shaqo sababtoo ah haddii aad la kulanto wax dhibaatooyin aha ama xad gudubyo ah adiga oo shaqaynaya oggolaansho la’aan, waxaa laga yaaba inay kugu aadkaato codsashada iyo inaad ka hesho taageero iyo ilaalin booliska iyo haya’adaha kale ee dowladda. Intaa waxaa dheer, haddii aad shaqayso adiga oo aan heysanin oggolaansho shaqo waxaad wajihi kartaa dhowr xaninaad, oo ay ku jirto inaad bixiso ganaax lacageed.
Xeerka sharciga hadda ee Turkiga, loo shaqeyaha ayaa u soo gudbinaya codsiga oggolaansha shaqada shaqaalaha anjabiga ah. Oggolaanshaha shaqada ayaa kadib waxaa siinaya ama u diidaya Wasaradda Shaqada iyo Ammaanka Bulshada kadib qiimeynta macluumaadka iyo dukumentiyada ee bixiyey badroonigaaga. Haddii aad jaclaan laheyd inaad shaqayso marka koowaad kala tani la taliyahaaga xaruta, sababtoo ah badroonigaaga surtagala ah ayaa kuu gudbin kara oo kaliya codsiga oggolaansha shaqada haddii ay fasaxaan maamulka xarunta halkaas oo aad joogto. Fadlan arag macluumaadka dheeraad ah ee Laga Heli karo Suuqa Shaqaalaha ee ku jira Boogeena Macluumaadka ee Qaxootiyada wixii macluumaad ah oo ku saabsan shaqalaysiinta Turkiga.
Aad ma ugu badna ilmaha aan lala soconin ee ku jirta daryeelka haya’adda inay helaan oggolaansho shaqo ama inay meel ka shaqeeyaan. Marka laga soo tago dhibaatoyinka helitaanka oggolaansho shaqo, ilmaha aan lala soconin ayaa marka koowaad lagu hdiirageliya inay sii wadan waxbarashadooda inay galaan suuqa shaqada oo kaliya marka dhammaystaan barashada xirfadooda iyo taclinta waxbarashadooda. Haddii aad qabto su’aalo ku saasan helitaanka xuquuqahaaga waxbarasho ee Turkiga, waxaad kala tashan kartaa la taliyahaaga su’aalahaaga kale waxbarashada hadda, ama booqo qeybta Waxbarashada ee Boggeena Xiriirka Macluumaadka ee loogu talo galay Qaxootiga Turkiga.
Haddii aad ka diiwaangashan tahay dugsiga sare ee farsamada gacanta iyo shaqo barashada qasabka ah waxay qeyb ka tahay manhajkaaga dugsiga, waa surtagal in la buuxiyo isku xirista shaqo barashada ee dhaxeysa dugsigaaga iyo maamulka xarunta hoyigaaga.
Waa surtagal inaad ku soo laabto xarumaha halkaas oo aad horey u joogtay oo aad fasax la’aan ka tagtay. Waa inaad tagta saldhiga booliska ilmaha ee kugu dhaw ama inaad si toos ah u tagto xarunta aad joogi jirtay si laga diiwaangeliyo xarunta. Haddii aad tahay heerka ilmaha aan lala soconin aysan isbedelin, micanaha waxaad weli ka yar tahay 18 sano jir aan lala soconin, waa surtagal in mar lagu geeyo dareeylka haya’adda kadib baaritaano caafimaad marka la sameeyo.
Waa khatar inaad ka tagto xarunta aad ku nooshahay fasax la’aan. Waxaa laga yabaa inaad u gacan gasho dad xun ama waxaa lagugu qasbi karaa inaad ku noolaato nolol adag. Sidoo kale, surtagal ma ahan inaad fasax la’aan ka tagto xarunta, surtagal ma ahan inaad sii faa’iidaysato xuquuqahaaga sida waxbarashada, helida daryeelka caafimaadka, helida hoyiga, cuntada, lacagta jeeb gashiga ah iwm. Ka tagista xarunta fasax la’aan sidaa darteed labaduba waa khatar iyo dhibaato. Haddii aad jaclaan laheyd inaad hesho macluumaad dheeraad ah iyo caawin ku saabsan ku laabashada hoyigii hore, waxaad la xiriiri kartaa khadka u go’aan Refugee Rights Turkey ee loogu talo galay ilmaha aan lala socon iyo imlaha qaan gaaray ee +90 549 510 52 06.
Dib ula midoobida qoyska waa nidaamka dib isugu imaanaysan xubnaha qoyskaaga kuwaas oo ku nool wadamo kale si aad iskula noolaatan isku meel. Si dib ula midowga u dhaco, maamulada wadanka xubnaha qoyskaaga ay rabaan inaad kula noolato waa inay bixiyaan oggolaanshahooda iyo oo ay ku siiyaan dal ku galyada safarka ee loogu talo galay xubanaha qoyska ee hadda ku nool dibadda wadankan. Shuruudaha xubnaha qoyska loogu oggolyahay inay kula midoobaan iyo waxaa ay yihiin dukumentiyada looga baahan yahay si ay codsidaan dib ula midoobista wadamada ayaa kala duwan.
Caadi ahaan, wadamada ayaa oggolaada oo kaliya lamayaasha (seeyadda iyo xasaaska) inay dib iskula midooban, iyo wixii ah ilmaha aan lala soconin si ay ula midoobaan waalidka ama waalidiinta. Wadamo qaarkooda, waxaa surtagal ah inay dib ula midoobaan ilmaha aan lala soconin walalahooda ama walalaha baaluqa ah, ama qaraabooyinka heerka-kwaad (adeerada, ayeeyooyinka iyo awoowayaasha). Intaa waxaa dheer heerka waxa ay isku yihiin, dakhliga iyo heerka sharciga ee xubnaha qoyskaaga ama xubnaha wadanka bar socdaalka ayaa sidoo kale la tixgelinaya.
Macluumaadka dib ula midoobida qoyska ayaa kala heli karaa qunsuliyaddaha wadamada loo socodoa, NGO-yada ama qareenada loo sheegay wax ku saabsan habraacyaddan. Waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa Refugee Rights Turkey si aad u hesho macluumaad ku saabsan dib ula midoobida qoyska ee loogu talo galay ilmaha aan lala soconin +90 549 510 52 06.
Waxbarashadu waxay Turkigu ka tahay xuquuq aasaasi ah, iyo qof walba oo rabaa inuu sii wado waxbarashadooda ayaa sii sameeyn karaa iga oo da’ walba ah. Sida ilmaha aan lala soconin ee hoyiga xarunta, waxaad sidoo kale sii wadan kartaa waxbarashadaada. Haddii aad jaclaan laheyd inaad sii wado waxbarashadaada, waa inaad la wadaagta rabitaan la taliyahaaga xarunta.
Waxaa jiro labo qaab oo waxbarasho ah oo Turkiga laga helo: qaabka koowaad waxaa la dhahaa “waxbarashada rasmiga ah” waxaa loola jeeda ku biirista koorsooyinka fasalka ee dugsiga leh ardayda kale; tan labaad waxaa la dhahaa “waxbarashada masaafada”, halkaas oo aad koorsooyinka kala socon karto baraha onlaynka ah iyo aad qaadato imtixaanada la xiriir kadib.
Haddii aad 6-14 jir tahay, waa inaad dhammaysaa waxbarashada dugsiga hoose iyo dugsiga sare. Haddii aad 15 jir tahay iyo ka weyn, waa inaad dhammaysa waxbarashadaada dugsiga hoose iyo dugsiga sare oo kaliya adigoo isticmaalaya qaab wabarasho oo masafo fog ah. Haddii aad tahay dhalinyaro dhammaystay waxbarashada dugsiga hoose iyo dugsiga sare oo da’aadu u dhaxeyso 14-18, waxaad dhammaysan kartaa midkood waxbarashada dugsiga ee rasmiga ah ama waxbarashada masafada fog.
Tallaabadda koowaad aad uga sii wadayso aad waxbarashadaada Turkiga waa in la go’aamiya fasalka aad ku jirto. Waa caawimaad badan in la bixiyo dukumentiyo muujiyada waxbarasho walba oo aad horey u dhammaysay, gaar ahaan diiwaanada natijjoyiinka natiijo walba oo aad dhawaan ka dhammaysay dugsiga, saraakiisha shaqaynaysa xarunta aad joogto. Wasaradda Waxbarashada ayaa sidoo kale qaadi doonaa imtixaan si loo go’aamiyo heerka fasalka haddii aad heysin dukumenti cadeynaya waxbarashada dhammaysay.
Turkiga, luuqada waxbarashada waa Af-turki. Haddii aadan weldi baraninin Af-Turki waxaa laga yabaa in lagu wareejiyo fasalo gaar ah loo la yiraahdo “harmonization classes”, halkaas oo aad xooga ku sari doonto barashada luuqada af-Turkiga kadibna waxaad la go’aamin karaa fasalka kugu haboon kadib hal ama labo semster oo barashada luuqada Turkiga ah.
Shuruuda kowaad ee waxbarashada jaamacada ee Turkiga waa inaad ka soo qalin jabisay dugsi sar. Haddii aad so dhammaysay dugsiga oo aad buuxiso shuruudaha kale ee lagu galo jaaacada, kadib waxaad heli kartaa waxbarashada jaamaceed ee Turkiga. Mid ka mid ah shuruudaha galista waa inaad gasho Imtixaanka Ardayga Anjabiga ah (Yabancı Öğrenci Sınavı – YÖS) iyo inaad hesho buundo buuxineysa shuruudaha jaamacad aad jaceshay inaad dhigato.
Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan helida waxbarashada jaamacada ee Turkiga, fadlan firii Bogga Macluumaadka ee qeybta waxbarashada.
Haddii aad ka cabsanayed inaad ugu laaban karin wadanka aad ka soo jeedo dagaal ama faqooq dartiis, waxaad la wadaagi kartaa maamulada Turkiga inaadan rabin inaad ku laabato wadankaaga. Nidaamkan waxaa loo yaqaana soo gudbina codsiga magangalyada Turkiga. Codsiyada mangalyada waxaa loo soo gudbiyaa Maamulka Waaxd Socdaalka ee Gobolka (Af -Turk: İlçe Göç İdaresi Müdürlüğü).
Dowladda Turkiga waxay ku siinaysa “ilaalin ku meel gaar ah (Af-Turki: Geçici Koruma) dadka reer Siiriya ee u yimaada Turkiga sababto dagaal awgiis kuwaas ooo ka socday Siiriya toban kii sano ee la soo dhaafay. Sababtan. Dadka u dhashay Siiriya ayaa codsan karaa ilaalin ku meel gaar ah marka ay codsanayaan magangalyadda Turkiga. Haddii aad tahay ilmo Siriyaan ah oo aan lala soconin. Waa caawimaad inaad soo bandhigto dukumentiyada Aqoonsiyada ee Siiriyaanka ah marka aad codsanayso ilaalinta ku meel gaarka ah.
Marka codsiyadan ay soo gudbiyaan dadka iimaanaya Turkiga ee ka soo jeeda wadan aheyn Siiriya waxaa la yiraahdaa cosiyada loogu talo galay “ilaalinta caalamiga ah” (Af-Turki: Uluslararası Koruma). Marka la soo gudbinayo codsia ilaalinta caalamiga ah, waxaa laga filaya inaad raxdo sababa aadan ugu laaban karin wadankaaga. Haddii aad ay jirto wax un. Waa muhiim inaad la wadaagto maamulada socdaalka wixii dukumentiyo Aaqoonsi (ID) aad wadato, iyo sharax sabab aad ugua cabsanayso inaad ku laabato wadankaaga.
Haddii aad jaclaan laheyd inaad hesho macluumaad ku saabsan habraacyada diiwaangelinta ee loogu talo galay ilaalinta ku meel gaar ah; ama wax ku saabsan nidaamyadda diiwaangelinta kadib, fadlan kala xiriir Refugee Rights Turkey +90 549 510 52 06.
Raadinta magangalyada Turkia, sida kor lagu sharraxay, waxay ka dhigan tahay diiwaangelinta magangalyo ku meel gaar ah haddii aad tahay muwaadin Siiriyaan ah, iyo diiwaangelinta maganlayo caalami ah haddii aad ka timaaday wadan aan aheyn Siiriya.
Kadib soo gudbinta codsiga ilaalinta ku meel gaar aha ama ilaalinta caalamiga ah ee Turkiga. Waxaad xaq u leedahay inaan si qasab ah lagugu celinin wadankaaga (inaan lagu tarxiilin) inta codsigaaga dib loogu eegayo iyo ilaa iyo ugu dambeyntii laga diido. Sidaa darteed, waa muhiim inaad bilowdo habraayacyada magangaylada Turkiga haddii aad ka cabsanayso inaad wadankaaga ku laabato dagaal ama faqooq dartiis.
Sidoo kale, haddii aad u diiwaangashan tahay ilaalinta ku meel gaar ah ama ilaalinta caalamiga ah waxaad xaq u leedahay inaad Turkiga ku joogto sharci ahaan midkood oo leh dukumenti aqooni oo ilaalin ku meel gaar aha ama dukumentiga codsaha ilaalinta ku meel gaar ah. Inta ay dukumentiyaddan weli shaqaynayaan, waxaad weli ku sii joogi kartaa Turkiga sharci ahaan.
Intaa waxaa dheer, ilaalinta ku meel gaarka ah ama heerka ilaalinta caalamiga ah waxay ku siinaysan inaad hesho xuquuq kale oo dhowr ah:
- Dadka Siiriyaanka ah ee dhammaystiray diiwaangelintooda ilaalinta ku meel gaar ah ayaa ka faa’iidaysan karaan xuquuqahooda aasaasiga ah, sida helida waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka, oo bilaash. Waxay sidoo kale ka faa’iidaysan karaan fursahada kaalmada bulshada ee la helayo, si waafaqsan fursadaha jira iyo mudnaanta.
- Codsadayaasha ilaalinta caalamiga ah iyo dadka heysta heerka ayaa ka faa’iidaysan kara daryeelka caafimaad oo bilaash ah ilaa muddo hal sano ah, laga bilaabo taariikhda diiwaangelinta, haddii aysan heysanin wax ay isaga bixiyaan daryeelkooda caafimaadka. Dadka ayaa laga filaya inay daboolaan kharashaadka daryeelka caafimaadka kadib marka ay dhammaato mudada halka-sano ah. Sidoo kale, shakhsiyaadka ayaa ka faa’iidaysan karaa daryeel caafimaad oo bilaash ah iyo kaalmada bulshada, si waafaqsan fursadaha jira iyo mudnaanta.
Dadka heysta shuruudda qoyska iyo qaxootiga heysta heerka (Conditional refugee and subsidiary refugee status) ayaa sidoo kale heli karaa xuquuqahaaga dheeraad ah iyo fursadaha ku saleysan heerkooda.
Xuquuqahan badankooda (inta waxaa u dheer kuwa kale) waxaa la siiyay ilmaha aan la soconin da’dooda, halkii kale ay ka ahaan laheyd heer sharci. Sababtan, haddii aad tahay ilmo aan lala soconin waxaad ka faa’iidysan kartaa xuquuqyado iyo adeegyadda badan haddii ay halkaan ku qoran iyo haddii ay halkaan ku qornayn, xitaa haddii aadan ka diiwaangashnay ilaalinta dowladda.
Waa surtagal in la buuxiyo ilaalinta ku meel gaarka ah iyo habraacyadda ilaalinta caalamiga ah kadib marka aad ka tago haya’adda daryeelka. Xaqiiqdii, xaaladdaha qaar, Waaxda Maamulka Socdaalka ee Gobolka ayaa codsan kartaa habraacyadaada diiwaangelinta iyo heerka go’aaminta wareysiga in la buuxiyo kadib marka aad gaarto 18, iyada taas oo tixgelinayo ilmanimo, waxaa laga yaaba inay ku adag adkaato inaad muujiso cabsidaada aad ugu laabanayso wadanka aad ka soo jeedo.
Haddii aad tahay ilmo qaan gaaray (haddii dhawaan 18 sano jir satay) oo aadan ugu laaban karin wadankaaga aad ka soo jeedo cabsi dagaal iyo faqooq awgiis iyo, sidaa darteed, waxaad jaclaan laheyd inaad codsato ilaalin ku meel gaar ah ama ilaalinta calaamiga ah, waa muhiim inaad u sameeyso sida ugu dhaqsiyaha badan. Tani waa sababto ah nidaamka codsashada Turkiga wuxuu sharciyeynaya joogistaada Turkiga. haddii aan si kale u dhigto, waqti walba oo aad ku bixiso Turkiga kadib ka tagista xarunta iyo ka hor buuxinta diiwaangelintaada waxay ku gelinsya khatar ah in loo tixgeliyo joogistaada Turkiga sharci darro ahaan.
Haddii aad tahay ilmo aan lala soconin waxaadna jirsan rabtaa inaad 18 waxaadna ka tagaysa xarunta, waa in lagu ogeysiin wax ku saasan habraacyadda aad u baahan taay inaad la socoto marka aad jirsato 18; gaar ahaan, kadib marka aad ka tagto daryeelka haya’adda iyo xuquuqahaaga iyo waajibaad u leedahay sida ilmo qaan gaaray oo kale. Waxaa laga yabaa inaad hesho maclumaad badan oo ku saabsan nolosha kadib marka aad ka tagto daryeelka haya’adda.
Haya’ada Qaxootiga ee Qaramada Midboobey (UNHCR) waxay dhammaysay diiwaangelinta iyo heerka go’aaminta habraacyada dadka mangalyo doonka ah ee Turkiga dhammaadka bisha Sebtembar 10keed, 2018. Haddii aad tahay muwaadin Siriiyan ah haddii aad jaclaan laheyd heerka ilaalinta ah, ama haddii aad wadanka kale ka timid oo aan jaclaan laheyd inaad codsato ilaalinta caalamiga ah ee Turkiga, waa inaad tagta Waaxda Maamulka Socdaalka ee Gobolka meesha aad ku nooshahay si aad u codsato ilaalinta.
Aad ayay muhiim u tahay in la ogaado wax ku saabsan nolosha kadib marka la jirsado 18 sano, gaar ahaan marka aad dhawdahay dhalashadaada 18aad, markaas oo la filayo inaad ka tagto xarunta. Waxaad heli kartaa macluumaad badan oo ku saabsan arritan hordhaca ah adiga oo la hadlya la taliyahaaga jooga xarunta aad joogto. Waxaad sidoo kale kala tashan karteed khadkeena ilmaha aan lala soconin +90 549 510 52 06.
Mid ka mid ah arrinta ugu degdeg badan iyo arrimaha ku saabsan nolosha kadib marka la jirsado 18 sano waa su’aasha hoyigaaga ama guriga. Turkiga, dadka qaangaarka ah ee mangalyo doonyaasha iyo dadka soo galootiga ah ayaa la filaya inay daryeelan baahiyahaga hoyigooda. Maadama aad noqotay ilmo-hore oo ka tagay daryeelka haya’adda, waxaa laga filaya inaad ka kireysto guri ama filo magaaladda aad horey uga diiwaangashnayd ama meesha aad ka awoodi doonto inaad iska diiwaangeliso ilaalinta ku meel gaar ah iyo ilaalinta caalamiga ah. Haddii aad weli iska ilaalinta ku meel gaarka ah ama ilaalinta caalamiga ah, waxaad ka heli kartaa macluumaad halka aad tagi karto si aad uga soo buuxiso diiwaangelinta la taliyahaaga, iyo Waaxda Maamulka Socdaalka ee magaaladdaada. Sida kor lagu soo xusay, buuxinta ilaalinta ku meel gaar ah ama diiwaagelinta ilaalinta caalamiga ah waa shuruuda hordhaca ah ee joogistaada Turkiga oo loogu talo galay inaad uga hesho xuquuqahaaga iyo adeegyaddaada Turkiga.
Aad ayay kharash badan tahay in guri la kireysto, alaab la iibsado iyo in la daboolo kharashka guriga kadib markii la tago xarunta. Sidaa darteed, ilmaha qaan gaaray ee ka tagi doonaa xarunta isku mar inta badan waxay wada kireystan guri waxayna wadaagan kharashkooda. Waxaa jiro xooga fursado kaalmo oo lacagah loogu talo carruurta qaangaartay ee ka taga xarunta, gaar ahaan kuwa kusii wadana waxbarashooda Turkiga. Fadlan kala Refugee Rights Turkey wixii macluumaad dheeraadka ah ee fursashada hadda.
Maadama aad tahay ilmo qaan gaaray, waxaad laga fili doonaa inaad oggolaato masuuliyadda loogu talo galay habraacyada rasmiga ee ku saameynaya adiga, sidoo kale noloshaada gaar ah kadib marka aad ka tagto xarunta. Sidaa darteed, waa inaad raacda dhammaan amarada waajiibka ah, oo ay ku jirto buuxinta diiwaangelinta ee Waaxda Maamulka Socdaalka ee Gobolka, diiwaangelitaada magaaladda aad ku nooshahay, wargelinta joogtada ah ee loogu talo galay saxiixa waajiibaadka haddii lagu weydiiyo. Waa inaad la socotaa helitaankaaga waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka. Waxaad marwalba kala xiriiri kartaa Refugee Rights Turkey wixii macluumaad dheeraad ah iyo talada socdaalka iyo habraacyadda magangalyada, sidoo kale helida xuquuqaha kale ee Turkiga.
Refugee Rights Turkey (RRT) waa haya’ad aan dowli aheyn oo xarunteedu tahay Istanbul. RRT waxay ka madax banaan tahay dowladda iyo haya’adaha UN-ka. RRT waxay siisa macluumaad bilaash ah, talo iyo taageero dadka anjaaniibta ah, iyada oo aan loo egaynin da’da iyo qaxootiga, habraacyadda mangalyada Turkiga, sidaa darteed, RRT waxay bixisa, talo iyo taageero ku saabsan diiwaangelinta kadib habraacyadda ilaalinta ku meel gaarka ah iyo ilaalinta caalamiga ah, sidoo kale musaafirinta, maamulka meelaha dadka lagu heyo iyo helitaanka xuquuqaha kale.
Refugee Rights Turkey waxay ula dhaqanta dhammaan macluumaad iyo dukumentiyada lala wadaago si qarsoodi ah oo aad u xadidan. Macluumaadka iyo dukumentiyada la wadaago ka faa’iideystayaasha ma lala wadaago qof sadexaad ama haya’ado kale iyada aysan furin oo ay qiranin ka faa’iideystayaasha naftirkooda.
Refugee Rights Turkey waxay bixiyaan adeego dheeraad ah oo loogu talo galay ilmaha iyo ilmaha qaan gaaray. Haddii aad tahay ilmao aan lala soconin ama ilmo qaan gaaray, waxaad la xiriiri kartaa khadka u go’an RRT, kaas oo laga helayo +90 549 510 52 06, inta u dhaxeysa 10 ilaa 5 galabnimo. Surtagal inaad khadka ka hesho luuqadaha Turkiga, Ingiriiska, Faransiiska, iyo Carabiga.
RRT waxay caawisa ilmaha aan lala soconin marka loo eego aqoonsida sida ilmo aan lala soconin iyo meelaynta xarumaha ku haboon, waxaa kamid ah in la raaco habraacyaddan oo dhan. RRT waxaa kale oo ay taageerada codsiyada ilama ahaan lala soconin inay dib ula midooban qoyskooda halkaas xubinta qoyska ama xubnaha ay ku nool yihiin wadan sadexaad. Haddii aad tahay ilmo aan lala soconin ama ilmo qaan gaaray. Waxaad kala xiriiri kartaa RRT habraaycada ku saabsan diiwaangelintaada, sidoo kale su’aalaha ku saabsan helitaanka xuquuqahaaga Turkiga.