Ka sharci ahaan, ajaanibta ku sugan Turkiga waxaa ku waajib ah inay helaan “ruqsada shaqada” si ay ugu shaqeeystaan si sharci ah. Haddii aad uga soo haajirtay dalkaagii dagaal iyo caddibaad, oo aad magangelyo ka raadsaneyso Turkiga, waa inaad soo gudbisaa “codsiga magangalyada caalamiga ah” si aad si joogto ah u joogto gudaha Turkiga oo aad u hesho xuquuqda iyo adeegyada lagu bixiyo magangalyada caalamiga ah. Marka loo eego qodobada Sharciga ee Ajaaniibta iyo Magangalyada Caalamiga ah, codsadayaasha magangalyada caalamiga ah waxay codsan karaan ruqsada shaqada lix bilood kadib markay dhameystiraan codsigooda magangalyada caalamiga ah.
Codsigaaga magangalyada caalamiga ah waxa habayn doona oo qiimayn doona Agaasinka Gobolka ee Maaraynta Socdaalka. Haddii qiimeyntu ay tahay mid togan, waxaa lagu siin doonaa mid ka mid ah saddexda nooc ee maqaamka/aqoonsiga magalgalyada caalamiga ah ee laga heli karo Turkiga. Si aad u hesho macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan hab-raacyada magangalyada caalamiga ah, fadlan la xidhiidh Refugee Rights Turkey ama ka tixraac qeybta khuseysa gudaha websaydkayaga.
Ka sharci ahaan, codsiyada ogolaanshaha shaqada ee codsadayaasha magangalyada caalamiga ah iyo kuwa haysta maqaamyada/aqoonsiyada waa in uu sameeyaa loo shaqeeyaha asagoo u maraaya E-Devlet. https://ecalismaizni.csgb.gov.tr/eizin
Wasaaradda Shaqada iyo Sooshal Sakuritiga ayaa loo igmaday xilka in ay hesho, qiimeyso oo ay go’aan ka gaarto codsiyada ruqsada shaqada. Si aad u hesho macluumaadka faahfaahsan ee ugu danbeeyay oo ku qoran luuqaddaada, fadlan kala tasho websaydka rasmiga ah ee wasaaradda ama wac Laynlenka 170. https://www.csgb.gov.tr/uigm
Sida ku cad sharciga lagu dabaqi karo gudaha Turkiga, dadka soo gudbiyay codsiyada magangalyada caalamiga ah laakiin aan weli helin go’aanka kama dambaysta ah ee codsigooda waxaa loo tixgeliyaa “codsadayaasha magangalyada caalamiga ah.”
Si aad si sharci ah ugu shaqeyso loo shaqeeye ama aad u shaqeysato si madax banaan, codsadayaasha magangalyada caalamiga ah waa inay marka hore helaan ruqsada shaqada. Waxaad xaq u yeelanaysaa inaad codsato ogolaanshaha shaqada lix bilood ka dib markaad dhameystirto codsigaaga magangalyada caalamiga ah. Laguuma ogola inaad codsato ruqsada shaqada ka hor dhamaadka wakhtigan lixda biloodka ah.
Haddii lagu siiyo aqoonsiga qaxootinimada shuruudeysan sabab ah codsashadaada magangalyada caalamiga ah awgeed, waa inaad heshaa ruqsada shaqada si aad si sharci ah ugu shaqeyso loo shaqeeyaha ama aad si madaxbanaan ugu shaqeysato. Waxaad xaq u yeelanaysaa inaad codsato ogolaanshaha shaqada lix bilood ka dib markaad dhameystirto codsigaaga magangalyada caalamiga ah. Laguuma ogola inaad codsato ruqsada shaqada ka hor dhamaadka wakhtigan lixda biloodka ah.
Haddii lagu siiyo maqaamka/aqoonsiga qaxootinimo sabab ah codsigaga magangalyada caalamiga ah awgeed, waxaad u shaqayn kartaa loo shaqeeye ama aad u shaqeysan kartaa si madaxbanaan.
Dadka la siiyay aqoonsiyada qaxootinimada waa in la siiyaa dukumeenti aqoonsi oo uu ku qoran yahay Lambarka aqoonsiga ee ajnabiga oo ka bilaabanaya ‘99’. Dukumeentigan aqoonsiga wuxuu sidoo kale u dhigmi doonaa beddelka ruqsada shaqada. Oggolaanshaha u dhigma ayaa lagu qori doonaa dukumeentiga aqoonsiga. Siddaas darteed, dadka la siiyay aqoonsiga qaxootinimada uma baahna inay si gooni ah u codsadaan si ay u helaan ruqsad shaqo.
Haddii lagu siiyo aqoonsiga magangelyada dadka aan magangalyada qaxootinimada u qalmin sabab codsigaada magangalyada caalamiga ah awgeed, waxaad u shaqayn kartaa loo shaqeeye ama aad u shaqeysan kartaa si madaxbanaan.
Dadka la siiyay aqoonsiga magangelyada dadka aan magangalyada qaxootinimada u qalmin waa in la siiyaa dukumeenti aqoonsi oo uu ku qoran yahay lambarka aqoonsiga ee ajnabiga oo ka bilaabanaya ’99’. Dukumeentigan aqoonsiga wuxuu sidoo kale u dhigmi doonaa beddelka ruqsada shaqada. Oggolaanshaha u dhigma ayaa lagu qori doonaa dukumeentiga aqoonsiga. Sidaas darteed, dadka la siiyay aqoonsiga magangelyada dadka aan magangalyada qaxootinimada u qalmin uma baahna inay si gooni ah u codsadaan si ay u helaan ruqsada shaqo.
Dadka haysta aqoonsiga magangalyada qaxootinimada ama magangelyada dadka aan magangalyada qaxootinimada u qalmin waxay xaq u leeyihiin inay ka shaqeeyaan goob shaqo oo uu leeyahay loo shaqeeye ama ay u shaqeystaan si madax banaan isla marka ay helaan sharcigooda. Sidaas darteed, dadka la siiyay aqoonsiyada magangalyada qaxootinimada ama magangelyada dadka aan magangalyada qaxootinimada u qalmin uma baahna inay si gooni ah u codsadaan si ay u helaan ruqsada shaqada.
Codsiyada ruqsadaha shaqada ee ku saabsan codsadayaasha magangalyada caalamiga ah iyo dadka haysta aqoonsiyada qaxootinimada, sida sharciga ah, waa in iney soo gudbiyaan loo-shaqeeyayaashooda iyaga iyagoo isticmaalaya websaydka e-Government Gateway. Haddii aad ka hirgalisay ganacsi u hoggaansan shuruucda gudaha dalka Turkiga oo aad ku shaqayn doonto magacaaga iyo koontadaada, waa inaad codsataa “ruqsada shaqo ee madaxbannaan”.
Waxaad xaq u yeelan doontaa inaad gudbiso codsigaaga ruqsada shaqada lix bilood ka dib taariikhda codsigaaga magangalyada caalamiga ah. Codsigan waxaa lagu soo gudbiyaa iyadoo la isticmaalayo e-Government Gateway. Inta lagu jiro codsi-gudbinta, nidaamku waxa uu kaaga baahan doonaa inaad soo geliso dukumeentiyo kala duwan iyo macluumaadka ku habboon ee khuseeya adiga iyo loo shaqeeyaha. Mid ka mid ah dukumeentiyada ay tahay in la soo geliyo ayaa ah heshiiska shaqada ee u dhexeeya adiga iyo loo-shaqeeyahaaga.
Sida ku cad xeerarka haddeer jira ee ku saabsan ruqsadaha shaqo ee ajaaniibta joogta gudaha Turkiga, nooca ruqsada shaqo ee u oggolaanaya shakhsiyaadka inay iskood u shaqeystaan oo ayna lahaadan xaqa inay ku shaqeystaan magacooda iyo koontadooda, waxaa loo yaqaan “ruqsada shaqo ee madax-bannaan”. Haddii aad ka hirgelisay ganacsi u hoggaansan shuruucda gudaha Turkiga oo aad ku shaqayn doonto magacaaga iyo koontadaada, waa inaad codsataa “ruqsada shaqo ee madax-bannaan”. Ajaaniibta codsata ruqsada shaqo ee madax-bannaan waa inay iskood u codsadaan. Waxaa lagaa rabaa inaad u hesho ciwaanka ogeysiinta ee elegtarooniga ah codsigaada. Waxaad ka codsan kartaa Xafiisyada PTT ama aad interneetka ka codsan kartaa adigoo adeegsanaya ciwaanka hoose si aad u hesho.
Sida uu dhigayo sharciga No. 6375 ee Xoogga Shaqada ee Caalamiga ah iyo Xeerarka Ruqsadaha Shaqada ee Codsadayaasha Magangalyada Caalamiga ah iyo Ka faa’iidaystayaasha, dadka heysta codsiyada magangalyada caalamiga ah ama aqoonsiga/maqaamka shuruudeysan ee qaxootinimada waxay xaq u leeyihiin ka-dhaafitaannada laba qaybood/waaxood: Shaqooyinka xilliyeedka ee beeraha iyo xoolo-beero dhaqashada. Si kastaba ha ahaatee, ka-dhaafitaankan si toos ah looma bixiyo, sidaas awgeed waa inaad si rasmi ah u codsataa ka-dhaafitaanka. Codsadayaasha magangalyada caalamiga ah iyo kuwa haysta aqoonsiga qaxootinimo ee shuruudeysan waxay xaq u leeyihiin inay codsadaan ruqsada shaqada lix bilood ka dib markay dhamaystiraan codsigooda magangalyada caalamiga ah.
Codsiyada ka-dhaafitaanka ruqsadaha shaqada waa in loo gudbiyaa Agaasinka Shaqada iyo Xoogga-shaqada ee Gobolka ee magaaladaada diiwaangelinta. Hay’addani waxay habeyndoontaa codsigaaga iyadoo u mareysa Wasaaradda Shaqada iyo Soshaal Sakuritiga. Wasaaraddu waxay ku gaartaa go’aan togan ama taban ah soddon maalmood gudahood waxayna ku soo gudbisaa go’aankan iyada oo loo marayo ciwaanka ogeysiinta elektaroonigga ah ee shakhsiyaadka ay leeyihiin. Ruqsadaha shaqada waxaa la siin doonaa haddii ay Wasaaraddu si togan u go’aansato. Shakhsiyaadka loo aqoonsaday inay ku haboon yihiin inay ka shaqeeyaan shaqooyinka qeybaha xilliyeedka ah ee beeraha iyo xoolo-beero dhaqashada ayaa la siin doonaa dukumeenti ka dhaafitaan ruqsada shaqo ah.
Dadka heysta aqoonsiga magangalyada qaxootinimada ama magangalyada dad aan magangalyada qaxootinimada u qalmin ayaana u baahneyn inay codsadaan ruqsada shaqo oo gooni ah si ay uga shaqeeyaan shaqooyinka qeybaha xilliyeedka ah ee beeraha iyo xoolo-beero dhaqashada ah.
Intaa waxaa dheer, waxaad kaga faa’iidaysan kartaa oo keliya ka-dhaafitaanka ruqsada shaqada gobolka aad ka haysato diiwaangelinta magangalyada ku-meel-gaadhka ah.
Marka loo eego sharciga gudaha ee lagu dabaqi karo, ajaaniibta ayaa laga mamnuucay inay qabtaan shaqooyin gaar ah, oo ay ku jiraan kuwan soo socda: dhakhtarka ilkaha, daryeel ka bixiyayaasha isbitaallada, farmashiistaha, dhaqtarka xoolaha, qareen, nootaayada dowladeed, nabad-ilaalinta hay’ad gaar loo leeyahay ama dowladeed, agaasimaha isbitaal gaar loo leeyahay. , hagaha dalxiiska, la taliyaha kastamka, iyo sidoo kale kabtanka badda, badmareenka, kalluumaysataha, quustaha, iyo shaqooyinka la midka ah gudaha dhul-badeedka.
Ajaaniibta raba inay ka shaqeeyaan caafimaadka iyo waxbarashada waxaa looga baahan yahay inay helaan ogolaansho horudhac ah. Codsiyada la sameeyo iyada oo aan oggolaansho horudhac ah la helin ama ansaxin ayaa la diidaa iyada oo aan qiimayn dheeraad ah lagu samayn.
Xubnaha xirfadda caafimaadka waxaa looga baahan yahay inay la xidhiidhaan Wasaaradda Caafimaadka si ay u helaan oggolaanshaha horudhaca ah. Xubnaha xirfadda waxbarashadu waa inay la xidhiidhaan Wasaaradda Waxbarashada ee Qaranka ama Golaha Tacliinta Sare, iyadoo ku xidhan hadba nooca shaqada.
Sidoo kale, dadka doonaya inay ka codsadaan jagooyinka shaqaalaha cilmi-baarista iyo horumarinta ee shirkadaha loo aqoonsan yahay xarumaha cilmi-baarista iyo horumarinta ayaa looga baahan yahay inay la xidhiidhaan Wasaaradda Warshadaha iyo Tignoolajiyada si ay u helaan ansaxinta horudhaca ah.
Shakhsiyaadka codsan doona ruqsada shaqada si ay uga shaqeeyaan meelaha kor ku xusan waxay u baahan yihiin inay helaan ogolaanshaha hordhaca ah ee loo baahan yahay ka hor intaysan soo gudbin codsigooda.
Marka loo eego Sharciga Xoogga Shaqada ee Caalamiga ah iyo Xeerka Ruqsadaha Shaqada ee Codsadayaasha Magangalyada Caalamiga ah iyo Kuwo heysta Aqoonsiyada/Maqaamyada, shuruudaha muhiimka ah ee lagu qiimeeyo codsiyada ruqsadaha shaqada waxaa ka mid ah:
- Haddii codsiga ruqsada shaqada la gudbiyay lix bilood ka dib marka la dhammeeystiro codsiga magangalyada caalamiga ah;
- Haddii loo shaqeeyuhu buuxinayo shuruudaha nidaamka kootada/xadka la ogol yahay ee shaqaalaha ajnabiga ah;
- Haddii codsiga ruqsada shaqadu ay ku dhaceyso qaybta shaqooyinka la mamnuucay;
- Haddii ay jirto oggolaansho horre ama shuruud ka hor oggolaanshaha oo si sax ah loo ilaaliyay oona loo buuxiyey; iyo
- Haddii ay jirto soo oggaansho/baaritaan taban ah oo ay soo saareen mas’uuliyiinta oo ku saabsan codsiga ruqsada shaqada.
Fadlan la soco in inta lagu jiro habka qiimeynta, waxyaabaha soo cusboonaada ayaa si joogto ah loogu wargeliyaa loo shaqeeyaha iyadoo loo marayo ciwaanka ogeysiinta elektaroonigga ah. Waxa kale oo suurtogal ah in laga eego xaalka codsiga iyadoo la isticmaalayo E-Devlet.
Dadka haysta ruqsada joogitaanka bini’aadantinimo waxaa laga yaabaa in aan lagu dabaqin shuruudaha qiimaynta ee kor ku xusan.
Haddii ay kaa maqnaayeen dukumeentiyo loogu baahnaa gudaha codsigaaga ruqsada shaqada, waxaa lagaaga baahan yahay inaad ku soo dhameystirtaa dukumentiyadan soddon maalmood gudahood.
Waa in aad bilowdo shaqada 30 maalmood gudahooda laga bilaabo marka lagu siiyay ruqsada shaqada. Loo-shaqeeyahaagu ayaa sidoo kale waxaa ku waajib ah inuu ku soo wargeliyo taariikhda aad bilaaweyso Wasaaradda Shaqada iyo Soshaal Sakuritiga 15 maalmood gudahood.
Haddii gobolka lagaa siiyay ruqsada shaqada uu ka duwan yahay gobolkaaga diiwaan gelinta, waxaad u baahan tahay inaad ka codsato Maamulka Gobolka ee Maaraynta Socdaalka (Provincial Directorate of Migration Management, PDMM) ee magaalada aad iska diiwaangelisay oo aadna ka codsato iney u beddelaan gobolkaaga diiwaangelinta gobolka lagaa siiyay ruqsada shaqada. Waxaad markaas u baahan doontaa inaad u tagto PDMM meesha lagaaga soo siiyay ruqsada shaqada oo aadna u geyso dukumeentiga socdaalka oo ay PDMM-ka magaaladaadii diiwaangelinta ku soo siiyeen iyo ruqsadaada shaqada. Maamulka socdaalka ayaa dib u eegi doona codsigaaga haddii la aqbalana, waxaad awoodi doontaa inaad bedesho gobolkaaga diiwaangelinta.
Iyada oo ku saleysan sharciga, maadaama codsiyada ruqsadaha shaqada ay soo gudbiyaan loo-shaqeeyayaasha oona ruqsadaha lagu bixiyo goob shaqo ama degaan gaar ah, ruqsadaada shaqada wuxuu ka joogsan doonaa inuu sii ahaado mid ansax ah, iyadoo aan loo eegin muddadiisa, haddii aad ka tagto shaqadaada. Sidoo kale, kama shaqayn kartid goobo shaqo oo badan adigoo adeegsanaya hal ruqsad shaqo.
Sidaa darteed, haddii aad rabto inaad ka shaqeyso goob shaqo oo ka duwan, loo-shaqeeyahaaga cusub waxaa laga rabaa inuu soo gudbiyo codsi cusub isagoo ku hadlaya magacaaga.
Sharcigu waxuu doorosaa in ajaaniibta codsanaya ruqsada shaqada markii ugu horeysay ay heli doonaan ruqsad shaqo oo ansax ah muddo aan ka badnayn 1 sano. Haddii aad qorsheyneyso inaad u sii shaqeyso isla loo shaqeeyaha ka dib taariikhda ay dhacayso ruqsadaada shaqo, waa inaad ka codsatid muddo kordhisashada ruqsada shaqada nidaamka ka hor taariikhda ay dhacayso ruqsadaadan haddeer. Wakhtiga ugu dhakhseysan, waxaad awood u yeelan doontaa inaad codsato kordhisashada lixdan maalmood ka hor intaysan dhicin ruqsadaada shaqo. Codsiyada kordhisashada ee la soo gudbiyo kadib taariikhda dhicitaanka ruqsada shaqada lama habeyn doono.
Codsiyada kordhisashada muddada ruqsada shaqada waa in uu soo gudbiyaa loo shaqeeyaha isagoo isticmaalaya nidaamka E-Devlet, si la mid ah codsiyada ruqsadii shaqo ee hore.
Ugu dambeyntii, haddii aad jeclaan lahayd inaad beddelato goobtaada shaqo ka dib marka ay dhacdo ruqsadaada shaqo, codsiga uu ku soo gudbiyo magacaaga loo-shaqeeyahaaga cusub ayaa u qalmi doonaa codsiga cusub ee ruqsada shaqada halkii uu ka ahaan lahaa codsiga muddo kordhisashada.
Ka sharci ahaan, ruqsadaha shaqada ee ajaaniibta waxay ku xiran tahay goob shaqo ama degaan ee gaarka ah. Sidaas darteed, haddii heshiiskaaga shaqo la joojiyo sabab kasta oo ay noqotaba oo aadna rabto inaad ka sii shaqeyso goob kale oo shaqo, loo-shaqeeyahaaga cusub ayaa looga baahan yahay inuu soo gudbiyo codsi cusub.
Loo-shaqeeyahaagu kuma siin karo mushahar ka hooseeya mushaharka ugu yar ee sharci ahaan la go’aamiyey. Haddii loo-shaqeeyahaagu ku andacoodo inaadan u qalmin mushaharka ugu yar qaranka aad ka soo jeedo dartiis, loo-shaqeeyahaagu waa khaain. Dhammaan shaqaalaha, iyadoon loo eegayn qaranka ay ka soo jeedaan, waxay xaq u leeyihiin mushaharka ugu yar.
Marka loo eego sharciga soshal sakuritiga ee lagu dabaqi karo, ceymiskaaga soshal sakuritiga ku shuruudeysno dhalashada. Loo-shaqeeyahaagu waxaa ku waajib ah in uu kaa diiwaan geliyo nidaamka soshal sakuritiga oo uu si joogto ah u bixiyo lacagta caymiska ee soshal sakuritigaaga. Loo-shaqeeyayaasha u hoggaansami waaya shuruudahan waxay halis ugu jiraan ganaaxyo maamulleed oo culculus. Haddii loo-shaqeeyahaagu uu ku guuldareystay inuu bixiyo lacagta caymiska ee soshal sakuritigaaga, waxaad xaq u leedahay inaad u tagto Agaasinka Gobolka ee Wasaaradda Shaqada iyo Soshal Sakuritiga oo aadna ka xareyso cabasho. Cabashadaadu waa inay ku jiraan dukumeentoyo khuseeya oo muujinaya marxalladaada shaqeed. Haddii aadan mid ka mid ah kuwan haysan, waxaad sidoo kale geyn kartaa bayaannada markhaatiga. Taa beddelkeedana, waxaad wici kartaa lambarka 170, Laynlenka Wasaaradda, si aad ugu sheegto loo-shaqeeyayaasha ku guul daraystay inay u hoggaansamaan shuruudaha sharciga ah.
Si kastaba ha ahaatee, haddii aad ka shaqaynayso qeybaha shaqooyinkoodu uu xilliyeedka yahay ee beeraha ama xoolo-beero dhaqashada ah oona aad ku shaqeyneyso ka-dhaafitaanka ruqsada shaqada, waxaa lagugu dabaqayaa ama aad hoos imaaneysaa nidaam ka duwan kan. Xaaladdan oo kale, loo-shaqeeyahaagu waxaa ku waajib ah inuu kaa diiwaan geliyo nidaamka soshal sakuritiga kaliya haddii wadarta wakhtiga shaqadaadu ka badan tahay 30 maalmood.
Shilalka la xidhiidha shaqada kuma koobna oo keliya shilalka ka dhaca goobtaada shaqada. Shilalka dhaca marka aad ka qabanayso hawl shaqada la xidhiidha meel ka baxsan goobta shaqada waxay sidoo kale hoos yimaadaan qaybta shilalka ee shaqada la xidhiidha.
Loo-shaqeeyahaaga ayaa laga yaabaa inuu masuul ka noqdo dhaawacyada jidhka iyo/ama kuwo nafsiyeedka ah ee isla markaa ah ama xiga ee ka dhasha shilalka shaqada la xidhiidha.
Ka sharci ahaan, loo-shaqeeyahaagu waa inuu isla markaaba shilka ku soo wargeliyaa qaybta boliiska iyo xarunta caafimaadka ee ku yaalaan goobtaada shaqada. Intaa waxaa dheer, loo-shaqeeyahaagu waxaa ku waajib ah inuu aado Xafiiska Soshal Sakuritiga saddex maalmood gudahood ka dib shilka. Haddii loo-shaqeeyahaagu ku guuldareysto inuu sidaas sameeyo, waxaad sidoo kale u soo warbixin kartaa shaqsi ahaan. Waa muhiim inaad keento dhammaan dukumeentiyada khuseeya shilka waqtiga aad warbixintaada soo gudbineyso.
Ka dib ka warbixinta, waxaa laguu gudbin doonaa isbitaal si loo qiimeeyo dhaawaca jireed, haddii loo baahdana heerka aad naafooday sabab dhaawac soo gaariteen la agligeed. Iyadoo ku xiran qiimeynta, waxaa laga yaabaa inaad codsato lacagta hawlgabka ee naafada iyo/ama gunnada karti-la’aanta ku meel gaadhka ah.
Sharci ahaan waa mamnuuc in la shaqeeyo iyada oo aan lahaysan ruqsada shaqada ama ka-dhaafitaanka ruqsada shaqada. Loo shaqeeyaha iyo shaqaaluhuba waxay wajihi karaan ganaax maamulleed. Intaa waxaa dheer, ajaaniibta shaqeeya iyaga oo aan haysan ruqsad shaqo oo ansax ah waxaa laga yaabaa in lagu soo rogo habraacyo kale sida masaafurinta iyo qabashada/haynta maamulleed. Waxaad u imaan kartaa ururkayaga si aad u hesho macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan mawduucan.
Waxaad tagi kartaa Xarumaha Waxbarashada Dadweynaha si aad u hesho tababarka farsamadda gacanta. Koorsooyinka Xarunta Waxbarashada Dadweynaha waa kuwo bilaash ah. Si kastaba ha ahaatee, fadlan la soco in Xarun kasta oo Waxbarashada Dadweynuhu ay u go’aamiso bixinta koorsada hab sannadle ah oo lagana yaabo in ay furto koorsooyin cusub oo aad loogu baahan yahay. Sidaa darteed, waxaan kugula talineynaa inaad tagto Xarumaha Waxbarashada Dadweynaha si aad u weydiiso koorsooyinka la heli karo. Fadlan sidoo kale la soco in lagaa doonayo inaad keento dukumeentigaaga aqoonsiga ka hor intaadan iska diiwaangelinin koorsooyinkan.
Wakaalada Shaqaaleynta ee Turkiga (İŞKUR) ayaa sidoo kale bixisa dhowr koorsooyin oo farsamada gacanta ah. Waxaad tagi kartaa xafiisyada Wakaalada Shaqaaleynta ee Turkiga si aad u weydiiso wax ku saabsan helitaanka koorsada. Ugu dambayntii waxa jiraan ururo bulshada rayidka ah oo bixiya tababaro xirfadeed oo bilaash ah, hiwaayad iyo koorsooyinka farsamada gacanta iyagoona ay kormeerto Wasaaradda Waxbarashada Qaranka.