Macluumadka ku saabsan Guurka iyo Furriinka ee Qaxootiga jooga gudaha Turkiga

Shuruudaha Sharciga ah ee loogu baahan yahay Guurka gudaha Turkiga

Guud ahaan, guurka gudaha Turkiga waa inuu u dhexeeyaa nin iyo naag kuwaas oo labadooduba doobyaal ah (aan guursan), si buuxda u oggolaanaya, oo ay da’dooduna tahay 18 jir ama ka weyn (inkasta ka reebitaano laga yaabo in lagu dabaqo).

Waxyaabaha Ay Tahay Inaad Wax Ka Ogaato Ee Ku Saabsan Diiwaangelinta Guurkaaga

Waa inaad ka codsataan Waaxda Guurka ee degmada aad adiga ama ninka aad guursanayso aad ka diiwaan gashan tihiin.

Waa inaad wargelisaa Waaxda Dadweynaha iyo Diiwaangelinta Madaniga ah (Af-Turki: Nüfus ve Vatandaşlık İşleri Müdürlüğü) iyo Agaasinka Gobolka ee Maareynta Socdaalka (Af-Turki: İl Göç İdaresi Müdürlüğü) wixii isbeddel ah ee ku imaada marxaladdaada madaniyeed 20 maalmood oo shaqo gudahood.

Guud ahaan, haddii guurkaaga si rasmi ah looga aqoonsan yahay waddankaagii hooyo, sidoo kale waxaa lagu aqoonsan doonaa oo uu ansax ka noqon doona gudaha Turkiga.


Waxyaabaha ay tahay inaad ogaato ee ku saabsan helitaanka furriinka

Waad xareysan kartaa furriin xitaa haddii guurkaagu ka dhacay waddankaagii hooyo.

Furriinka wuxuu u baahan yahay hab-raac maxkamadeed iyo xukun maxkamadeed si uu u noqdo mid kama dambays ah.

Garsoore Keliya ayaa awood sharci u leh inuu go’aan ka gaaro mas’uuliyadda cunugga ka dib dhicitaanka furriinka.

Waa inaad wargelisaa Waaxda Dadweynaha iyo Diiwaangelinta Madaniga ah (Af-Turki: Nüfus ve Vatandaşlık İşleri Müdürlüğü) wixii isbeddel ah ee ku imaada marxaladdaada madaniyeed

Waa inaad wargelisaa Waaxda Dadweynaha iyo Diiwaangelinta Madaniga ah (Af-Turki: Nüfus ve Vatandaşlık İşleri Müdürlüğü) iyo Agaasinka Gobolka ee Maareynta Socdaalka (Af-Turki: İl Göç İdaresi Müdürlüğü) wixii isbeddel ah ee ku imaada marxaladdaada madaniyeed 20 maalmood oo shaqo gudahood.

Waxaad caawimaad uga heli kartaa adeegga kaalmada sharciga ah ururka qareenada ee gobolkaaga arrimaha ku saabsan dacwadaha furriinka iyo ilmo haynta.

Codsadayaasha magangalyada caalamiga ah, kuwa haysta maqaamka/heerka magangalyada caalamiga ah iyo dadka hoos imaada magangelyada ku meel gaadhka ah waxay xaq u leeyihiin inay ku guursadaan Turkiga haddii ay ku dhamaystireen iska-diiwaangelinta Agaasinka Guud ee Maareynta Socdaalka. Guurka iyo dhammaan dacwadaha kale ee la xiriira waxay hoos imaanayaan Sharciga Madaniga ah ee Turkiga iyo sharciyada kale ee lagu dabaqi karo.

Guurka rasmiga ama madaniga ah waa nooc ka mid ah guurka oo ay tahay in ay fuliyaan saraakiil si sharci ah loogu magacaabay si waafaqsan sharciga. Fadlan la soco in kasta oo xafladaha guur diimeedyada ama kuwo dhaqanka ah laga ogol yahay gudaha Turkiga, haddana ma aha kuwo sharci ahaan sharciga raacsan.

Gudaha Turkiga, xaflad guur ayaa loo qaban karaa nin iyo naag si xor ah oo buuxda u wada oggol. Dadka doonayaan iey guursadaan waa iney ahaadan doobyaal wakhtiga ay codsanayaan guurka. Gudaha Turkiga, da’da sharciga ah ee guurku waa 18. Dadka 17 jirsaday waxay guursan karaan marka ay jirto ogolaansho dhinaca waalidka ah ama ogolaansho dhinaca mas’uulkooda sharciga ah; Xaalado gaar ah, dadka 16 jirsaday waxay maxkamadu u ogolaan kartaa inay guursadaan.

Intaa waxaa dheer, dadka doonaya inay guursadaan waa inay lahaadaan “awood sharci.” Marka la eego Xeerka Madaniga ah ee Turkiga, dadku waxeysan lahaan karin “awood sharci” haddii aysan gaarin da’da qaan-gaarka ama aysan lahayn awood ay waxyaabaha ku kala gartaan (sida awoodda ficil-sameynta caqli-gal ah iyo uga soocida saxnaanta, qaladka) taas oo ay sabab u tahay jirro maskaxeed, daciifnimo ka jirta maskaxda, sakhraansanaanta ama sababo kale oo la mid ah. Iyadoo la xiriirta tan, waxa muhiim ah in la caddeeyo in cudurka dhimirku aanu qasab ahayn inuu caqabad ku noqdo guurka laftiisa. Si kale haddii loo dhigo, cudurka dhimirku si uu uga hortago guurka, waa inuu si weyn u saameeyaa awoodda wax lagu garto. Haddaba, dadka la daalaa dhacaya cudurka dhimirka waxay sidoo kale xaq u leeyihiin inay guursadaan iyagoo helaya warbixin caafimaad oo rasmi ah taasoo muujinaysa inaysan ahayn caqabad caafimaadeed.

Sida uu qabo sharciga Turkigu, qaraabanimada dhow ayaa caqabad kale ku ah guurka. Guurka u dhexeeya xubnaha qoyska ee sida aadka ah isugu dhow, u dhexeeya qaraabo aad isugu dhaw (Eeddoyaalka iyo abtiyaasha ma guursan karaan ilma abtigood ama eedadooda, ama xaasaskii/sey-yaashi hore midkoodna ma guursan karo waalidka iyo carruurta midba midka kale), iyo guurka u dhexeeya qofka ilmaha korsaday iyo qofka la korsaday (iyo xaasaskii/sey-yaashii ama carruurtii hore ee midba midka kale) dhamaantood waa la mamnuucay.

Dadka doonaya iney ku guursadaan Turkiga waa iney ka codsadaan Waaxaha Guurka ee hoos imaada degmooyinka gobolka halkaas oo mid ka mid ah dadka raba inay guursadaan uu ka diiwaan gashan yahay. Labada qofba waa inay xaadir ahaadan wakhtiga codsiga.

Habka ugu badbaadsan waa in aad u tagto Waaxda Guurka oo aad waydiisato liiska dukumentiyada loo baahan yahay oo dhameystiran. Si kastaba ha ahaatee, sida caadiga ah waxaa lagaaga baahan doonaa inaad soo bandhigto kuwan soo socda: codsiga guurka, waraaqaha aqoonsiga, warbixinnada ku saabsan caafimaadka, sawirada qaarka hore ee ah cabbirka loogu talagalay baasaboorada, iyo shahaadada guur ka caagida. Haddii aad haysato dukumeenti rasmi ah oo ay soo saareen mas’uuliyiinta waddankaagii hooyo oo muujinaya xaaladdaada madaniyeed, waa muhiim inaad sidoo kale soo bandhigto dukumeentigan. Si kastaba ha ahaatee, dadka aan haysan dukumeentiyada noocaas ah waxay ka codsan karaan Agaasinka Maamulka Socdaalka ee Gobolka oo ayna ka heli karaan shahaadada guur ka caagida.

Fadlan sidoo kale xaqiiji inaad haysato dukumeenti rasmi ah oo aqoonsi ah oo ay bixisay Agaasinka Guud ee Maareynta Socdaalka wakhtiga aad codsiga sameyneyso.

Sida kor lagu xusay, kaliya guurka madaniga ah ee loo fuliyo si waafaqsan sharciga iyo ayna fuliyeen mas’uuliyiin si sharci ah loogu magacaabay ayaa ansax ka ah gudaha Turkiga.

Haa, maqaankaada/xaaladaada madaniyeed ee aad ka heshay wadankaagi hooyo ayaa loo tixgeliyaa mid ansax ka ah gudaha Turkiga. Taasi waa, haddii guurkaaga si rasmi ah looga aqoonsan yahay waddankaagii hooyo, sidoo kale wuxuu ku ansaxmayaa gudaha Turkiga

Dhamaan isbeddellada ku yimaada maqaamkaada/xaalkaada madaniyeed ayaa qasab ah inaad ku wargeliso Waaxda Dadweynaha iyo Diiwaangelinta Madaniga ah iyo Agaasinka Gobolka ee Maareynta Socdaalka 20 maalmood oo shaqo gudahood.

Dhammaan khaladaadka qoritaaneed ee lagu sameeyay gudaha dukumeentigaaga aqoonsiga, (dib u sixitaankooda)waa inaad ka codsataa Agaasinka Socdaalka ee Gobolka. Haddii aad haysato dukumeenti caddaynaya xaaladdaada madaniyeed, fadlan sidoo kale soo bandhig dukumeentigan wakhtiga codsiga aad sameyneyso.

Diiwaangelinta dhalashada, waa inaad ka codsataa Waaxda Dadweynaha iyo Diiwaangelinta Madaniga ah ugu danbeyn 30 maalmood gudahood dhalmada kadib. Fadlan ogsoonaw in aanay farqi u dhexayn ilmo dhalashada ku imaatay guurka iyo ilmo dhalashada aan guurka ku imaanin, taasina wax saamayn ah kuma yeelanayso ilmaha iyo labada waalidba midkood.

Haddii dhalashadu ay ka dhacday goob caafimaad, mas’uuliyiinta xaruntani waxay sidoo kale ogeysiin karaan dhalashada mas’uuliyiinta ay khusayso. Laakiin weli waa muhiim in la hubiyo in ogeysiinta si sax ah loo sameeyay. Si kastaba ha ahaatee, haddii dhalashadu ka dhacday goob kale, waxaad sidoo kale samayn kartaa ogeysiin ku salaysan bayaanka hadalkaada ah. Xaaladahan oo kale, mas’uuliyiintu waxay xaq u leeyihiin inay bilaabaan baaritaan si loo cadeeyo bayaankaada. Intaa waxaa dheer, waxaa muhiim ah in aad ka diiwaan geliso dhallaankaaga Waaxda Maamulka Socdaalka ee Gobolka.

Gudaha Turkiga, kala dirida guurka ayaa uun keliya go’aan ka gaari kara maxkamadda. Haddii aad rabto inaad furriin dalbato, waa inaad ka codsataa maxkamadda awoodda u leh oo aad gudbisaa codsiga furiinka. Ka faa’iidaysiga caawimada ay bixiyaan qareenka ayaa noqon kartaa mid aad muhiim ugu ah hab dacwadeedkan. Fadlan la soco in haddii aad jeclaato inaad ka hesho caawinaad sharciyeed ama latalin qareen, in lagaaga baahan doono inaad bixiso kharashka qareenka waxaana intaa dheer waxaa laga yaabaa in lagaa rabo inaad bixiso khidmaha maxkamadda ee suurtogalka ah.

Si kastaba ha ahaatee, haddii aadan awoodin inaad iska bixiso khidmada qareenka, waxaad la xiriiri kartaa ururka qareenada ee gobolka aad ka diiwaangashan tahay oo aadna ka codsato gargaar sharciyeed. Ururka qareenadu waa hay’adda guud ee xirfadlayaasha qareennada ah. Urur kasta oo qareeneed, waxa jira Xafiiska Gargaarka Sharciga ah oo loo aasaasay inay siiso adeegyo gargaar sharci oo bilaash ah dadka aan awoodin inay iska bixiyaan kharashka qareenka iyo maxkamadda. Dhammaan dadka doonaya magangalyada caalamiga ah, dadka haysta maqaamka/heerka magangalyada caalamiga ah, dadka hoos imaada magangalyada ku meel gaadhka ah iyo sidoo kale dadka aan dalba lahayn ayaa waxey xaq u leeyihiin inay ka faa’iidaystaan adeegyada uu bixiyo Xafiiska Gargaarka Sharciga ah gudaha Turkiga. Si kastaba ha ahaatee, waxaa lagaa rabaa inaad samayso codsi oo aad keento dukumentiyo badan oo sharaxaya iyo/ama caddaynaya baahidaada. Si aad u hesho macluumaad faahfaahsan, fadlan la xidhiidh ururka qareenada deegaanka ee gobolka aad ka diiwaangashan tahay.

Haa, waad ka xareysan kartaa furiin gudaha Turkiga xitaa haddii aad ku guursatay waddankaagii hooyo. Si kastaba ha ahaatee, fadlan la soco in nidaamka furriinka uu hoos imaan doono sharciga Turkiga.

Waxaad weli xareysan kartaa furiinka lammaanaha maqan; si kastaba ha ahaatee, sida caadiga ah, waa qasab in labada dhinacba ay ka qaybqaataan dacwada furiinka. Maqnaanshaha lammaanahaada waxay sababi doonta dib u dhac ku yimaada dacwada furriinka.

Maadaama ay tani sidoo kale tahay isbeddel ku yimid maqaamkaada/xaalkaada madaniyeed, sida kor lagu xusay, waa inaad ku wargelisaa Waaxda Dadweynaha iyo Diiwaangelinta Madaniga ah iyo Agaasinka Gobolka ee Maareynta Socdaalka 20 maalmood oo shaqo gudahood.

Dadku dib ayeey u guursan karaan furiinka ka dib. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira shuruudo sugitaan oo 300-maalmood ah oo waajib ku ah haweenka guurkooda la kala dhantaalay/baabi’iyay sabab kasta ha ahaatee, inkastoo muddadan sugitaanka aan lagu soo rogi doonin haddii haweeneydu ay soo bandhigi karto warbixin caafimaad oo muujinaysa inaysan uur lahayn. Ma jirto shuruudo sugitaan oo noocaas ah oo lagu dabaqo ragga.

Waxaan isticmaalnaa cookies si aan kaaga caawino horumarinta khibradaada khadka tooska. Markaad isticmaalayso mareegahayaga, waxaad ogolaatay tan. Si aad wax badan uga barato akhri shuruudahayaga isticmaalka iyo sharciyadayada qarsoonaanta